top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Koobka Kubadda Cagta ee dunida ma u danbaa Afrika?
Koobka Kubadda Cagta ee dunida ma u danbaa Afrika? E-mail
User Rating: / 17
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Monday, 28 June 2010 18:06

Waa markii ugu horreeysay dunida in koobka kubadda cagta ee dunida lagu qabto Afrika. Waxaase soo shaac baxaya inaysan wax faa'iido ah ugu jirin ku qabashadaas. Waxaa faa'iido aan la qiyaasi karin ka helay ururka kubadda cagta FIFA.

"The 2010 World-Cup will be organised in South Afric" ayuu ku dhawaaqay madaxweynaha ururka kubadda Cagta ee dunida FIFA Joseph Blatter markay taariikhda ahayd 16.Maay.2004. Laga bilaabo maalintaas dadka u dhashay koonfur afrika waxay noqdeen kuwo aad iyo aad u jeclaada madaxweynahaas ka soo keeda dhalasha ahaan waddanka Iswiiserland, mase aysan arag dhaqaalaha ka soo gali doona FIFA.

Isku diyaarinta Koonfur afrika ay isku diyaarinayeen cayaarahaas waxaa uga baxay lacag dhan qiyaastii 3,3 Milyoon Euro., taasoo lagu maalgaliyey garoonaydii iyo waddooyinka waddanka.

Dhaqaalaha ka soo galay FIFA oo faa'iido ah waxaa lagu qiyaasay 2,5 Milyoon Euro. Haddii la eego lacagtii Fifa ka soo gashay waddanka Jarmalka 2006 markii lagu qabtay koobkaas waxay ahay 1,9 Milyoon Euro.

Waxaa halkaas ka cad in FIFA ay ka faa'iido lacag aan yareyn marka koobka lagu qabto dunida soo korreysa sida afrika, Aasiya iyo Koonfur ameerika.

 

Waxaa iyana dhaqaale aad u badan ka faa'iiday shirkadaha ay leeyihiin waddamada warshadaha leh sida shirkadda Adidas, Nike, Umbro, MAN, iyo kuwo aad u badan.

Adidas waxay qandaraas ku qaadatay inay samayso Kubadda lagu ciyaarayo oo loo bixiyey magaca Jabulani, oo micnaheedu yahay dabaaldeg. Waxaa lagu qiyaasay labadaan Shirkad Adidas iyo Nike lacagta ay galiyeen dharka lagu ciyaarayo inay dhan tahay 1,3 milyan kiiba, waxayse ka gaabsadeen inay sheegaan inta ay ka faa'iideen. Adidas waxaa loo xilsaaray inay qalabka dharka u samayso 12 kooxood ay ka mid yiihiin kooxda Jarmalka iyo kooxda Koonfur afrika. Nike iyo umbro(shirkadaan waxaa leh Nike) iyagana waxaa la siiyey 10 kooxood ay ka mid yihiin Baraasiil iyo ingiriiska.

Dhammaan shirkadahaan waxay bixiyeen lacag ah inay xuquuq u helayaan inay kooxaha iyaga un u samayn karaan qalabkaas, lacagta ay siiyeen FIFA waxaa lagu qiyaasay 1,6 Milyan Euro.

Shirkadda MAN waxay qandaraas ku qaadatay inay keento dhammaan basaska lagu qaadayo kooxaha. dhammaan nalalka laga shidayo gegeda cayaaraha waxaa iyana qandaraas ku qaatay shirkado jarmal ah. Dhisidda gegida cayaaraha waxaa sawirka iyo dhisida dhisay qaar shirkado yurub ah sida shirkadda jarmalka Gerkan, Marg und Partner oo dhisay gagida ciyaaraha ee magaalada Durban, Kapstadt iyo Port Elizabeth. Dadka jarmalka ah oo shaqo ka helay qandaraasyadaas waxaa lagu qiyaasay 15,000 (15 kun) oo qof.

Maxay ka faa'iideen koonfur afrika cayaarahaan?. Waa su'aal dad badan iswaydiiyeen. Wax ay ka faa'iideyn oo aan deyn ka ahayn ma jirto. Lacagta ay ku dhisteen garoonada waxa ay ka soo deyn sadeen worl bank. Lacagtaas waa lacag laga sugayo inay bixiyaan.

Waddanka Koonfur afrika dadka ka helay shaqada waa dad lagu tirin karo gacan. Waxay islahaayeen waxaa shaqo iyo qandaraasyo heli doonna shirkadaha waddanka, taasna waxay noqotay mid qosol ku jab ah. Dadka filayey inay gegida cayaaraha hortooda wax ku iibsadaan, waxyara oo ay cunno maalmoodkooda ka heli lahaayeen ayaa waxay FIFA ku qasabtay dowladda Koonfur afrika inay dadkaas u soo dhawaan gegida cayaaraha iyo waliba meelaha dadka iskugu imaanaya, waayo FIFA waxay lacag ka qaadatay oo ay qandaraas siisay dadka cunnada ku dhex iibinaya gegida iyo meelaha u dhow ee qaaliga ah.

Suuqyada magaalada waxaa intaas dhexyaacaya askar intaas raadinaya dadka dharka funaanadaha beenta ah ku dhex iibinaya magaalada iwm. Koonfur afrika cayaarahaan waxay u noqotay sidii dawacadii dufanka afka u marisay Waraabihii isagoo aan waxba cunin.

Fifa waxay kooxaha ay ka soo jeedaan ciyaartooyda sii saa kooxdiiba ciyaartooy walba maalintii 1300 Euro inta ay u socoto ciyaarta, taasoo lagu magacaabo inay ka soo ijaaratay. Waxaa is weyn diin leh in kooxaha afrika helaan lacagtaas.

Ciyaarahaan kooxaha iskugu soo hara waxay Fifa siinaysaa abaalmarino sidan kala ah

Kooxaha 16-ka kooxood ah waxay kooxdiiba helaysaa 9 milyan $

 Kooxaha 8-ka kooxood ah waxay kooxdiiba helaysaa 14 milyan $

Kooxda gasha kaalinta 4 aad waxay helaysaa 18 milyan $

Kooxda gasha kaalinta 3 aad waxay helaysaa  20 milyan $

Kooxda gasha kaalinta 2 aad waxay helaysaa 24 milyan $

Kooxda gasha kaalinta 1 aad waxay helaysaa 30 milyan $

 

Lacagaan waxay ahayd in dhulka koonfur afrika la galiyo, dadka u dhashayna la siiyo wax iyaga dhaqaalahooda kobciya. Ciyaartooyda waddamada warshadaha leh uma baahna lacagahaas.

Lacagaha fifa kaga baxaya ciyaarahaan waxaa lagu qiyaasay 280 milyan Euro.

 Kooxada ka socda jarmalka haddii ay qaaddo koobkaan waxay helayaan amaalmarin ciyaartow walba kiiba qiyaastii 250,000 Euro(250 kun) waxaana siinaya waddanka jarmalka.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa intaadan falin ka fiirso, Afrika waa inay ka fiirsadaan marka dambe inay faa'iido ugu jirto iyo kale ku qabashada cayaaraha kubadda cagta ee dunida qaaradda afrika.

 

 

       

 

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS