top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Carruur indhabeeshay, dhagabeeshay iyo kuwo dhintay daawo awgeed
Carruur indhabeeshay, dhagabeeshay iyo kuwo dhintay daawo awgeed E-mail
User Rating: / 15
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Thursday, 01 July 2010 16:52

Shirkaddaan lagu magacaabo Pfizer ahna shirkad maraykan ah oo samaysa daawooyinka ayaa 200 carruur oo u dhashay waddanka Nayjeeriya 1996 ku tijaabisay daawo si qarsoodi ah.

Maalintii Talaada 22.06.10 ayaa waddanka Maraykanka maxkamadiisa ugu sarreeysa u ogolaatay waalidka dhalay carruurta inay dacwadooda ku soo oogi karaan shirkaddaas waddanka maraykanka dhexdiisa. Shirkadda PFizer markiiba waxay ka qaadatay rafcaan in maxkamad lagu soo oogo ku taal waddanka maraykanka, kuna mudacaday in meesha falka ka dhacay ay tahay waddanka Nayjeeriya, iyadana ogoshay in waddankaas maxkamad lagu saaro.

 

Arrintaan oo soo socotay muddo 14 sano ah ayaa waxay ku bilaabatay in shirkaddaas timid waddanka Nayjeeriya, kana codsatay inay daawayso carruurta waddankaas oo ay markaas ku sheegtay inay qabaan cudur kaga dhaca ilmaha maskaxda, daawadaanna tahay mid ka hortagaysa intaysan qaadin. Caaruurta loo keenay shirkadda waxa ahaayeen kuwo caafimaad qaba. Shirkaddu waxay bilowday inay si qarsoodi ah u siiso carruurta daawo aan laga ogolaan waddanka Maraykanka iyadoo tijaabo ah. Caruurtii waxay noqdeen kuwo indhabeelay, kuwo dhagabeelay iyo kuwo dhintay markiiba.

Waddanka oo dhan ayey halmar wada gaartay in daawadu ahayd mid tijaabo ah oo aysan mid carruurta lagu daawaynayey. markiiba dowladda ayaa ku amartay inay joojiso kana bixiso magdhow.

Shirkaddii waydiiday markii hore, balse markii dambe ayey ogolaatay inay siiso dowladda 7 milyan oo doolar. Waxaa diiday lacagtaas waalidkii dhalay carruurta oo aad uga xanaaqay dowladooda xataa.

 

Waalidkii waxay isku dayeen inay ku soo oogaan shirkaddaas dacwad laguna qaado waddanka maraykanka waayo kuma aamin qabaan waalidka dowladooda. Muddadaas intaas le'eg ayey qaadatay in laga ogolaaday in dacwadooda laga furo waddanka maraykanka.

Shirkadda ayaa markiiba la hadashay dowladda Nayjeeriya kuna tiri waxaanu bixinaynaa lacag dhan 75 millyan. 35 milyan waxaa la rabay in la siiyo waalid inta kalana dowladda, Taasna waxaa weli diidan waalidka.

Rafcaankii shirkadda ay ka qaadatay ogolaanshaha waalidka la siiyey ayaa maxkadda magaalada New york sheegtay laga diiday rafcaankaas.

 

Waxaa jira in waddan kasta oo afrika ka mid ah lageeyo daawooyin tijaabo ah haddii ay wanaagsan yihiinna la bilaabo in lagu iibiyo waddamada horeumaray. In waddamadaas soomaaliya ka mid tahay lama oga balse waan ku maqanahay inaan soo ogaano.

 

  

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS