
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Sirdoonka Maraykanka oo awood loo siiyey in lacagaha laga diro yurub dabagalaan |
|
| Written by Hurdiwaa |
| Tuesday, 13 July 2010 08:39 |
|
Xawilaadleyda soomaaliyeed oo cabsi xoog leh soo foodsaartay.
Akhristaha Aayatiin wax walba og!!! Baarlamaanka yurub ee uu ku leeyahay magaalada Buruksal(Biljam) ayaa maalintii arbacada taariikhduna ahay 07.07.10 laga qaaday cod xubnaha baarlamaanka ku jira. 484 xubnood waxay ku coddeeyeen haa, 109 xubnood maya, 12 xibnood midna(ka aamuseen). Codkaas oo ahaa shirci ku saabsan in sirdoonka maraykanka loo siiyo awood ay ku baaran karaan bangiyada yurub dadka lacagaha ugu dira meelaha ka baxsan yurub.
SWIFT waa shirkad laga leeyahay waddanka Biljam. Waxaana la sameeyey 1973 taasoo loola danlahaa inay u fududayso bangiyada yurub sida ay ugu dirayaan lacagaha dhammaan dunida dacaladeeda. Shirkaddaan waxaa hoosyimaada 9.000 bangi(9 kun), Caymisyo iyo shirkado badan oo u dira lacagaha dunida, kuwaasoo k u kala yaal 200 dal. Haddaba sirdoonka maraykanka sharciga cusub ee ka hirgali doona 1.08.10 wuxuu u fasaxayaa in ay SWIFT wax walba oo wara ku saabsan lacagtaas ay u gudbiyaan ama iyagu iyagoo jooga maraykana kala socon karaan halkaas dhaqdhaqaaqa lacag ee bangiyada yurub. Shacigaan cusub wuxuu qorayaa in macluumaadkaan loo gudbiyo sirdoonka maraykanka: - Magaca lacagta diray - Meesha uu u diray(ka baxsan yurub ama yurub dhexdeeda haddii lacagtu badan tahay) -Qofka loo diray iyo meesha uu joogo
Sharcigaan cusub wuxuu waddanka maraykanka siinayaa awood aad iyo aad u sarreysa, waayo wuxuu awood u leeyahay inuu dunida kor ka maamulo isagoo joogo waddankiisa. shirkado badan oo yurub ah iyo xubno badan oo siyaasiyiin ah ayaa aad iyo aad uga soo horjeeda sharcigaan cusub kuna tilmaayaya inuu yahay mid sida "Big Brother is watching you". Shirkadaha waxay ku doodayaan in shirkadaha ka baxsan yurub ee ka iibsanaya alaabtooda aysan jeclahayn in la ogaado, waayo waxaa shirkadaha yurub iyo maraykanka ka dhaxeeya suuq balaarsi marka haddii maraykanka ogaado meesha ay wax ka gateen iyo lacagta ay wax uuga gateen inuu siinayo shirkadahooda dabadeedna halkaas ay ku suuq waayayaan. Maraykanka wuxuu ku doodayaa inuu la dagaalamayo argagisada dunida, taasoo uu ku sheegayo inay wanaagsan tahay in la ogaado lacagaha meelaha ay ka helaan iyo dadka ka dambeeya.
Su'aasha waxay tahay Xawilaada soomaalida saameyn intee le'eg ayey ku yeelanaysaa sharcigaan cusub???????.
Halkaan ka akhriso warbixinta iyadoo afingiriis ah afjarmal http://www.europarl.de/view/de/Aktuell/pr-2010/Aktuell-2010-Juli/Aktuell-2010-Juli-11.html http://register.consilium.europa.eu/pdf/de/10/st11/st11222-re01.de10.pdf
Arigtaada ku soo dir Aayatiin.net mailkiisa. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






