top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Aflka Soomaliga oo mugdi galay, Caruurta Soomaliyeed oo aan lagu dhiiragelin barashadiisa iyaga ay k
Aflka Soomaliga oo mugdi galay, Caruurta Soomaliyeed oo aan lagu dhiiragelin barashadiisa iyaga ay k E-mail
User Rating: / 3
PoorBest 
Written by Abdulmalik M Farah   
Thursday, 07 October 2010 20:43

Aflka Soomaliga oo mugdi galay, Caruurta Soomaliyeed oo aan lagu dhiiragelin barashadiisa iyaga ay ku noqoto nabar ku yaal korkooda, iyo UN-ka oo cadeeyay in dambi aadanaha laga galay ay tahay, haddii aan labarin afkooda, sheeko wadaag si aad unoqotaan bar afkooda hooyo.  

Waxaa aad usoo muuqanaya indhawaalaba in ay soo kordhayso dhibaatada afka Soomaaliga uu ku hayo dhalinta soo koraysa ee ku dhaqan wadamada Qurbaha. Waxaa jirtay in mudooyin badan ay dadka joogay qurbaha 15 sano kahor, ay  aad uga hadli jireen siddii loo ilaalin lahaa afka Soomaaliga, gaar ahaan dhalinta yar yar loo bari lahaa dhaqankooda iyo hidahooda, taas in la sameeyaa waxaa kow ka ah, in la ilaa liyo afka soomaliga, Doodihii sidaas oo kale ahaa waa laga waayay goobaha lagu kulmo taas waxaa ay sababtay in afka Soomaaliga uu galo xili mugdi ah, taas oo keentay in dadka aam lagu ilaalin karin diintooda iyo dhaqankooda haddii aan la barin afkooda hooyo.

Waxaa jirtay sidoo kale culumo aad ugu xeel dheer bar baarinta caruurta qaarkoodna ay soomali yihiin in ay sheegeen in Luuqada ay ka mid tahay Diinta. maxaa yeelay inta badan qofka waxaa lagu fahan siin karaa dhaqankiisa iyo diintiisa waa in labaro ama uu yaqaan afkiisa hooyo, taas haddii uu sifiican u yaqaan afkiisa hooyo waxaa ay keenaysaa in si fudud ay isku fahmi karaan waalidkiis iyo qaraabadiisa, waxaa kaloo uu furasad u helayaa in culumada diinta ay si fudud isu fahmaan. Baaritan ay samaysay UN 1998 ayaa lagu sheegay in caruurta labaro afkooda hooyo ay muhiim tahay haddii kale waxaa ay noqonaysaa dabmi laga galay aadanaha. waxaa kaloo la cadeeyay in caruurta cida ay yihiin ay ku ogaan karaan afka oo la baro.

waxaad arkaysaa qof dhalin yaro ah oo ka xishoonaya in uu ka hadlo luuqadiisa maxaa yeelay waxaa uusan kalsooni ku qabin in yaqaan iyo in kale, sidoo kale ma uusan helin qof saxa haddii ayba jirto in wax ay ka qaldamaan, ama waxaa dhacda in lagu qoslo taasna ay cuqdad u keento uusana ku dhiiran in markale uusan soo rogan. lumitaanka luqada jiilalka soo socdaa waxaa ay dabar go' kutahay mustaqbaka Soomalida.

dadka waxaa lagu hantaa luuqadooda haddii aysan jirin af uu kula yaqaan qofkaas waxba isuma tihiin. midabka iyo afka ayaa lagu yeeshaa dadka midkood haddii uu gabo kan kale waxaa uu yeeshaa dhaawac afkaana horeeya. haddaba waxaa la gudboon in waalidiinta Soomaliyeed ee ku nool qurbaha ay Caruurtooda baraan afkooda Hooyo si ay u helaan wax ka dhexeeya oo ay kaga duwan yihiin dadka kale, waana wadada ugu sahlan ee aad ku heli kartid qalbiga ubadkaada haddii aad bartid afkiisa hooyo.

Haddaba waxaa fikir fiican lagu sheegay in labaro caruurta afkooda hooyo si aad u noqotaan sheeko wadaag.

maxay kula tahay adiga ku soo dir This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS