|
Haddii Qaaliyadii Maxkamadaha ka baqayaan gacan ku dhiiglayaasha maxaa hagaagaya, Haddii dhaqaalihii u soo xeroon lahaa dowladda u soo xeroodo rag yar maxaa hagaagaya, dowlad aan ciidamadeeda mushaar siin karin dowlad maaha…..
Waxaa soo wada diyaariyey Puntlandi iyo Aayatiin
Waxaa noo suurta gashay inaan wareysi dheer la yeesho nin ka mid ah ragga ku jira Baarlamaaka Puntland. Ninkaan wuxuu ka codsaday Aayatiin inaan la sheegin magaciisa, taas innaga oo ilaalinayna waxaan u bixinay ninkaan Oday Puntland.
Ilmo 9 sano jira una dhashay waddan ka mid ah waddamada yurub ayaa macallinkiisa waydiiyey
Waa maxay dowlad?
Dowlad waa isutag ummad badan ay isku tageen(si aan jajuub lahayn), kuna noolyihiin meel iyaga u xeeran. Dowladi waa mid muddo kobcanta oo dadkeedana leeyihiin waxay wadaagaan, isku aqoonsina leeyihiin. Taas ayaana lagu magacaabi karaa dad isku tagay oo dowlad ah. Dhulkaas ay ku noolyihiin dadkaas bahoobay waxaa lagu magacaabaa dhulkii dowladdaas. Dhulkaas waxaa ka mid ah Hawada dhulkaas ku heeraaran, waxaana kaloo ka mida badda ku heeraaran ilaa 3 seameil. Dowlad waxaa weeye inaysan dhulkaas ka jirin awood kale taas ay dadkaas doorteen mooyee . Booliska, Ciidamada milateriga iyo dhammaan unugyada dowladduna ku xadgudbin shacabkaas, amaankoodana sugaan, dhaqan galiyaan xeerarka dowladda, ilaaliyaanna in awood taas la mid ah aysan ka dhalan dhulkaas. Ayuu ku jawaabay ilmahaas yar.
Kulankii aan la yeelaney Xildhibaankana wuxuu u dhacey sidaan
- Wariyaha : Waxaan ku suàalayaa Oday Puntland, suàal dadka badankiisa isweydiinayaan oo ah sidee Puntland nabad looga dhigaa?
- Oday Puntland: Suàashaas maaha markii ugu horreysay oo lay weydiiyo ama rag kale oo aniga ila mid ah la weydiiyey, Waxaase Suàal ah haddii laga jawaabo suàashaas oo jidkii ku toosnaa jawaabtaas la sheego ma lagu dhaqaaqayaa, taasi waa mid aniga iyo adiga aynaan ka jawaabi karin. Waxaanse oran lahaa jawaabta suàashaas, sidaynu ognahay dowladda Puntland waxaa la dhisay 1998, waxaana dhisay qabiilada degan Puntland odayaashooda. Waxay dowladdaas soo martay afar madaxweyne C/laahi Yuusuf ,Maxamed cabdi Xaashi, Cadde Muuse iyo C/raxmaan Maxamed Faroole oo markan haya. Seddexdaas dowladood waxay isku dayeen intii kartidooda ah inay puntland nabad ka dhigaan wayse noqon wayday, inkastoo inta badan ay nabad tahay. Waxa kaliya oo marakan laga taag laàyahay waa dilalka qorshaysan.
Wariyaha: Maxaa ka hortaagnaa?
- Oday Puntlnad: Dowlad noqoshadeed waxaa lagaaga baahan yahay inaad bulshadaas isku tagtay kaa helaan
- 1. Nabad (inaad ka dhigto dhammaan dhulkaad ka taliso)
- 2. Shaqo (in qof walba helo shaqo)
- 3. Cunno (in qof walba helo cunno uu cunno)
- Waxaas oo dhan maysan sameyn dowladihii la soo dhaafay, midda marakan jirtana Waxyaabo badan way qabatey qaarna wali waa laga sugayaa, Waxqabadka ma ahan Madaxweynaha oo kaliya ninka laga sugayo, Wasiirada qaar howshoodii waakasoo baxeen lakiin qaarbaa howshooda ka gaabiyey ama aanwaxba qaba.
- Dowladahaas ka horreeyey xukuumadda marakan ka jirta Puntland iyo midda marakan ka jirta waxay isku mashquuliyeen inay hoorsadaan gacanta waddamada reer galbeedka iyo UNO-ka. Waxay hilmaameen inay dhaqaale waddanka gudihiisa ka sameeyaan. Waddanka waxaa ka jira ilo badan oo dhaqaale, taasna waxaa gacanta ku dhigay dad rayad ah intii dowladda puntland ku mashquulsanayd baryada ama marakan ku mashquulsan tahay.
Wariyaha: Ma waxaad ka waddaa dhanka Xawilaadda, inay dowladda Puntland gacanta ku dhigto?
- Oday Puntland: Haddii aan ku xusuusiyo saddexdii eray ee aan kuu sheegay Nabad, Shaqo iyo Cunno si ay u helaan shacabka ku hoos nool Puntland, waxaa qasab ah in dowladdu yeelato ilo ay dhaqaalo ka soo galaan, dadkuna u shaqeeyaan dowladda mushaarna ka helaan ay ku iibsan karaan cunno. Eeg waxa oo dhan way isku xiran yihiin. Aniga waxaan u arkaa in ilahaas yihiin sida inay samayso Bangiga dhexe, Wakaaladda Biyaha, Wakaaladda Korontada, Diyaaradaha iyo Wasaaradda Isgaarsiinta. Dowladdaha reer galbeedka waxaad taariikhdooda ka helaysaa inay dhammaantood wakaaladahaas iyo Bangiyaduba lahaayeen dowladda ama qaarkood marakan leeyihiiin sida waddanka Ruushka. Puntland intaas oo wakaaladood iyo bangiyadaba waxaa leh dad shacab ah. Dowlad aan ciidamadeeda mushaar siin karin dowlad maaha, dowladda puntland ciidamadeeda waxaa mushaarsiiya UNO-ta iwm waxayna noqon doontaa inay iyada ka amar qaataan.
Wariyaha: Bangiyada, Wakaaladda Biyaha, Korontada, Diyaaradaha iyo Wasaaradda Isgaarsiinta intaba waa inay la wareegtaa dowladda Puntland. Waxaad tiri dadka waa inay shaqo iyo cunno helaan, haddii ay dowladda la wareegto waxay haysteen sow halkaas dadkaas shaqo laàan ma helayso?
- Oday Puntland: Waxaan ku siinayaa hal tusaale inay wanaagsan tahay in dowladda Puntland la wareegto wakaaladahaas: Waxaa jira in nabadda puntland la leeyahay waa ay xun tahay, taas waxaan u arkaa inay keentay inaysan jirin wax la yiraahdo Wasaaradda Isgaarsiinta oo ay dowladda Puntland leedahay. Waxaan ugala jeedaa way leedahay wasaaradda balse maxay qabataa.Waxaa halkaas ka soo baxay shirkado dad rayad ah leeyihiin oo isgaarsiinayd, qofwalbana ka furto telefoon. Waxaa iyana jira in dadkaas la siiyey teleefanadaas ay u isticmaalaan si khaldan, sida in lagu soo waco oo lagu yiraahdo waan ku dilayaa haddii aadan saas falin. Haddii Qaaliyadii Maxkamadaha ka baqayaan gacan ku dhiiglayaasha maxaa hagaagaya. Shirkadahaas rayadka ah iyagaa xataa nolol aan wanaagsanayn ku nool intaa laga qaataa lacago baad ah iyo waliba in lagu hayo hanjabaadyo badan. Dowladda Puntland haddii ay isku dayi lahayd inay dadkaas raadiso dadkaas waxay haystaan Lambaro aan la arki karin oo ay shirkaddaas siisay ama meel kale ka soo galay. Hal shirkad maaha ee waxaa jira shirkado badan. Shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya telefoonada Gacanta(mobil), uma xisaabsana dadka ay ka gadeen ama ugama jiraan diiwaan inta telefoon ee gacan ee ay iibiyeen iyo dadka ay ka iibiyeen. Iyagu waxay tahay u jeedadooda inay kobcistaan dhaqaalahooda. Waxaa iyana jira in shirkadahaas iibiyaan kaarar wata lambaro telefoon oo qofka inta uu muddo haysto hadana iska badelayo, oo intaas hadba mid cusub gadanayo. Dunida waddan kasta oo aad tagto waxaad arkaysaa dadkooda doonaya inay telefoon furtaan in la weydiiyo magacooda iyo meesha ay deggan yihiin, waana inay aqoonsigooda koobi dhegaan halkaas waddamada qaarkood. Somaaliya waa meesha aad intaad doonto oo telefoon yeelan karto adigoon waxna qorin ama magac been ah qora. Marka sidaas ayuu amaanka Puntland faraha uga baxay sida dhaqaalaha uu uga baxay, Haddii dhaqaalihii u soo xeroon lahaa dowladda u soo xeroodo rag yar maxaa hagaagaya Waxaa haboon in dowladda Puntland samaysato wakaaladda Isgaarsiinta, halkaasna ciidamadeeda dhar cadda dabagalaan ama dhagaystaan teleefanada laga shakiyo. Reer galbeedka waxaa jira in teleefoonada dadka shacabka ah dowladdu dhagaysato si ay uga digtoonaato dhib lagu sameeyo shacabkeeda. Haddaba maxaa innaga noo diiday. Waxaan qabaa inaynu khalad ka fahamnay waxa loo yaqaan shirkado rayad ah.
Wariyaha: Ma waxaad ugala jeedaa in isgaarsiintu tahay tan amaandarrada wada?
- Oday Puntland: Waxaan qabaa in Isgaarsiintu tahay meesha ugu weyn ee ammaanka Puntland khalkhalka ku haysa. Puntland waxaa qasab ku ah inay samayso sharci kala qeexaya waxa dowlad yeelan karto iyo waxa dad rayad ah yeelan karaan. Ilaa iyo hadda ma kala cadda waxaas oo dhan. Sharci dajiyayaasha iyo dowladduba waxay ku mashquuleen samaynta xeerar ku saabsan axsaab badan iyo sidii dowladda hadda jirta u jiri lahayd.
Wariyaha: Maxaad ku soo gunaanadaysaa sidii nabad looga dhigi lahaa Puntland?
- Oday Puntland: Waxaan ku soo gunaanadayaa wareysigaygaan in dowladda Puntland noqoto mid indhaha kala qaadda oo wax qabadka bulshadeeda u soo jeesata oo ay iska ilowdo baryada dowladaha dibadda. Dhaqaalaha ay dibadda ka raadinayso wuxuu yaalaa gudaha Puntland. Shirkadaha rayadka ah waxay ka qabtaan waddanka gudihiisa intaas oo malyan oo doolar sanadkii, lacagtaasna waa lacagaha ay dowladdu ka soo barido dibadda. Waxaa ka jira Puntland 19 wasaaradood iyo wakaaladood oo badan koodu wax dakhliya oo ay soo saaraan aan jirin. Dowladdu waa inay samaysaa wasaaraddo iyo wakaaladdo tayo leh sida Wasaaradda Biyaha iyo Macdanta gacantana ku dhigtaa biyo galinta dhammaan puntland, Bangiga dhexe waa inuu noqdaa Bangi lacagta gudaha Puntland lagu isticmaalayo ay ka qaataan Xawilaadu, ee aysan noqon in xawilaadlaydu lacagaha ay dadka siinayaan guryahooda ku soo samaystaan, Wakaaladda Xoogga Korontada guri walba koronto galisaa, Diyaarado iyadu leedahay iyo Wasaaradda Isgaarsiinta oo iyana aad iyo aad muhiim u ah sida ugu dhakhsaha badan kula wareegtaa.
- Waxaan kaloo oran lahaa in dowladda Puntland samayso marka hore tiro koob magaalo iyo tuulo walba. Lana tiro koobo inta telefoon gacan (mobil) lagu dhexhaysto gudaha Puntland iyo waliba la sameeyo wakaalad dadkaas iyo teleefanooda diiwaan galisa. Sidaanu ognahay ma lihin cinwaan la oran karo ama aqoonsi qof walba uu leeyahay, sidaas la adligeed waxa haboon in la sameeyo in inta laga helayo wasaaradda isgaarsiinta Puntland in shirkadaha isgaarsiinta sharci looga dhigo inay dadka ay siiyeen telefoonada diiwaan gashaan oo waliba qofka teleefoon lambarkiisa iyo sawir qofka ay gashtaan diiwaankooda. Si markay wax dhacaan oo uu qofkaan teleefoonka leh loo ogaado la helo sawir qofkaas ah oo askarta dharka cad iyo askarta kalaba loo siiyo sawirka qofkaas si loo raadiyo. Inta guryaha ugu jirana sidaas oo kale iyagana in loo diiwaan galiyo.
Waddamada reer galbeedka sida waddanka Ingiriiska wasaaradda Isgaarsiinta waxaa la sameeyey 1846 waxaana lahaa dowladda ingiriiska oo uma ogoleyn in shacabku yeesho ilaa laga soo gaarayey 1982 oo shacabka laga gaday, balse wali ay lugta kula jirto dowladda oo lambarkaydoonaan inay dhagaystaan loo soo duubo ama loo sheego cidda leh lambarkaas. Waddanka Denmark waxaa laga dhigay isgaarsiinta 2004 in rayadku lee yihiin. Waddanka Jarmalka 32% wakaaladda isgaarsiinta waxaa leh dowladda inta kalana dad rayad ah. Waddanka Ruushka waxaa wali leh dowladda.
Air France waxaa la aasaasay 1906dii waxaana waddankaas ka mamnuuc ahaa ilaa laga soo gaarayo 1998 in shirkaddaas la wareegaan dad rayad ah. 1998 ayey Air France noqotay mid dad shacab ah leeyihiin. Lufthansa waxaa la sameeyey 1926 waxaana gacanta ku hayey dowladdii markaas ka dhisnayd jarmalka. Lufthansa waxay dadka rayadka ah la wareegeen 1997.
Dowladahaas horeyumaray oo dhan waxa uu dhaqaalahooda ka soo gali jiray iyagoo dhammaan ilaha dhaqaale u ogoleyn in dadka rayadka ah yeeshaan sida Korontada, Biyaha, diyaaradaha, isgaarsiinta, Bangiyada, Tareenada, iyo kuwo kale ee markaas dowladahaas u arkayeen inay yihiin ilaha dhaqaale ee dowladda. Waxaadna arkaysaa inay 1990 wixii ka dambeeyey ay ogolaadeen in dadka rayadka ah yeeshaan meelihii markii hore dowladda u ogeyn.
Puntland dhammaan ilihii dhaqaale ee dowladda waxaa gacanta ku dhigay dad rayad ah, waxaana ka mid ah Korontada, Bangiyada, diyaaradaha, idaacadaha, biyaha iwm. Dowladda Puntland uma soo harin waxna. Wasaaradaheeda iyo wakaaladaheeda waa kuwo magacuyaallo ah.
Barnaamijka waxaa soo wada diyaariyey Puntlandi iyo Aayatiin
|