|
Waxaa jira weli dadaalo lagu furdaaminayo
dhibaatooyinka haysta umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku
hardamaya saaxada siyaasadeed, da’daalku waa mid ay si kaliya u
wada yiraahdaan caalamka oo idil,
waxaanu rabnaa Soomali midaysan oo nabad ah…
waxaa jirtay in dhowr goor oo hore laysku dayay
in la hagaajiyo waxna laga qabto arimaha Soomaliya ee soo
jiitamayay mudada 15 sano ku sii siqaysa. Wadanka jabuuti ayaa
ugu horaysay cid isku dayda in ay wax ka qabato wadanka
Soomaliya dhibka ku habsaday, shir guud ayaa la abaabulay 1991
waxaa la isugu yeeray kooxaha Soomaliyeed ee waagaas jiray
hayeeshee ninka loo doortay madaxweynaha Soomaliya waagaas Cali
mahdi Maxamed waa uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto
Soomaliya kadib markii ay ka hor yimaadeen Kooxaha hubaysnaa
qaarkood. Isku day kale ayaa jiray oo ay abaabushay Itoobiya
1993 hayeeshee waa lagu guulaysan kari waayaay, waxaa xigay shir
ay qaban
qaabisay Kenya waxba kama
soo bixin, waxaa xigay shirkii lagu qabtay xamar oo ay ku
qabteen qaarkamid ahaa kooxaha Soomaalida siiba Gen. M. Faarax
Caydiid Iyo Col. C/lahi Yusuf shirkaas laguma heshiin marka laga
eego xaga siyaasada guud hayeeshee waxaa labada nin ay wada
gaareen heshiis hoose oo quseeyay Gobolka mudug. Inkastoo waxyar
kadib Gen. Loo magacaabay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya
kadib markii ay u doorteen taageerayaashiisii iyo asxaabtiisa
siyaasadeed ee kooxaha kale ee waagaas jiray. Manoqon mid iyana
taabagashay.
waxaa jiray sanadkii 1996
in shir ay abaabushay masar lagu qabtay Qaahira hayeeshee waxaa
markiiba ka biya diiday qaar kamid ahaa kooxaha siyaasada ee
jiray waagaas. Waxaa bar barsocday shirkaas Qaahira midkale oo
laga abaabulay Soodare oo ah magaalo dalxiis oo kutaal Itoobiya.
Iska soo horjeeda
siyaasadeed iyo waliba isdilka kooxaha dhexdooda waxaa uu ahaa
mid iska caadi ah oo si joogta ah u socday, kooxaysiga ma
badnayn hayeeshee qabyaalada ayaa aad u saraysay xaga qiimiga
marka laga eego.
Waxaa jiray in Gobolada
qaar ay isbideen in ay leeyihiin awood wax lagu dhisi karo oo
heer gobol gaarsiisan, inkastoo ay ahayd mid bilow ah fikirkaas
Soomali marka lajoogo, hase yeeshee goboladaas waa ay ku guul
daraysteen in ay wada helaan gobolada ay ku haminayeen marka
laga reebo 5gobol oo waliba laba kamid ah lagu haysto. Oo ay ku
haysatay Maamilka Soomaliland oo isagu sheegay in uu Go’ay oo
uu Xoriyadiisa ceshaday.
Waxaase u suurowday ugu
danbayntii in ay dhisaan ismaamul goboleed 1998 looguna yeeray
magaca ah Puntland. Waxaa madaxweynaha ugu horeeya loogu doortay
col.C/lahi yusuf Axmed iyadoo ladhisay gole wakiilo ah.
Waxaa markiiba soo baxday
fikir oranaysay Soomali waa in ay noqotaa Federaal haddii kale
wax suuroobi karaa majiro.kooxaysi ayaa soo cusboonaaday oo
waxaa jiray kooxo si toos ah ugu xirnaa Itoobiya oo laga
taageerayay waana intii ku shirtay Soodare 1996.
waxaa sii socday is jiid
jiidka siyaasadeed iyo isdilka kooxaha. Ilaa mar kale uu
abaabulay madaxweynaha Jabuuti ee isagu ku cusbaa xilka
ISmaaciil Cumar Geele shir balaaran oo ay wada aqbaleen dhamaan
Siyaasiyiinta Soomaliya oo xitaa ay ku jireen labada maamul ee
waagaas ugu amaanka roonaa Soomaliland iyo Puntland.
Waxaase jiray Kooxaha qaar
diiday. Shirkaas oo laqabtay 2001 waxaa ka soo qaybgalay dhamaan
qaybaha kala duwan ee Soomaliya waxaa uu furay bog cusub oo
waxaa uu socday sedex bilood hayeeshee ugu danbayntii waxaa ka
soo baxay natiijo wanaagsan oo waxaa la doortay Madaxweyne iyo
golo baarlamaan oo aad u tira badan. Waxaa madaxweyne loo
doortay DR C/qaasim Salaad Xasan halka gudoomiye baarlamaan loo
doortay Cabdalla Deerow Isxaaq. Waxaa markiiba ka hor yimid
mucaaradad xoog badan oo ay inta badan taageeraysay Itoobiya.
(laga soo bilaabo 1990
ilaa iyo 2001 waxaa la dilay ama silic dhintay qiyaastii 130,000
qof oosoomali ah.)
Markiiba waxaa bilowday
hardan xaga siyaasada iyo waliba isdil kooxaha dhexdooda ahaa
arintaas waxaa ay saamayn ku yeelatay gobolada oo dhan oo ay ku
jireen Soomaaliland iyo Puntland.
Dowlada lagu soo dhisay
Carta jabuuti waxaa ay furtay dhinaca kale bog cusub oo aysan
horay isugu dayi jirin madaxweynayaashii lamagacaabi jiray 1991
ilaa iyo 2001, waxaa ay xooga saartay in ay gado siyaasadeeda
iyadoo Cali Khaliif Galaydh oo ahaa ra’isul wasaaraha waagaas uu
reer galbeedka xooga saaray xaga madaxweynihiisii C/qaasim uu
Carabta xooga saaray ilaa iyo xad waxaa indhaha caalamka ku soo
laabtay shakli dowladeed oo ay leedahay Soomaliya.
Shirarkana waa aay tagayeen in badan.
Laakiinse waxaa ay
si cad ugu fashilantay dowladii carta jabuuti lagu soo dhisay in
ay wax ka hirgeliso habayaraatee wadanka gudihiisa.
Waxaa Dowlada KMG ee
ladhisay Carta jabuuti xigay shir kale oo ay abaabuleen
wadamada Igad siiba kuwa dariska la ah Soomaaliya. Shirkaan oo
lagu qabtay Kenya waxaa ka soo qayb galay dhamaan hogaamiyaasha
kooxaha iyo madaxda DKM.
Waxaa uu shirku qaatay
in la soo afjaro laba sano, Bisha sagaalaad 2004 waxaa ugu
danbayntii lagu guulaystay in la doorto baarlamaan iyo
gudoomiye baarlamaan oo loo doortay Shariif Xasan Aadan oo ahaa
nin ganaci haysta. Waxaa isna loo doortray Madaxweynaha
Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu ahaa xiligaa
Madaxweynha MG Puntland.
Dowlada soomaaliya
waxaa loo baxshay magac ah Dowlada Federaalka ee kumeelgaarka
Soomaliya mudaduna waa 5sano. Waxaa xusid mudan in heshiisyadu
ay ahaayeen kuwa waqti qaatay walow inta badan laga wada
saxiixay kooxaha u hogaansanka waxa soo baxa hadana sidaa waxba
uma fulin, oo caqabado ayaa bilowday markiiba kuna salaysan kala
duwanaanshaha rayiga iyo waliba nin tooxsi.
Sanadka 2004 qolo waliba
dunida dusheeda wax bay ku xasuusataa hayeeshee soomalida waxaa
ay ku xasuusataa in la soo gabagabeeyay shir dowlad Soomaaliyeed
lagu soo dhisay. Taasi lama oran karo xalkii ayaa lagaray, balse
waad orankartaa waxbaa bilowday, madaxweynaha DFKMG waxaa uu
markiiba bilaabay in uu qorshe samaysto laakiinse yaa kula ogaa
waa la’orankaraa maxaa yeelay waxba gacanta uguma jiraan, waxaa
uu dalbaday wax yar kadib markii loo dhaarshay xilka madaxweyne
14 oktobar 2005 ciidan gaaraaya 20,000 oo afrikaan ah. (muxuu
ku falayaa wadanka ayaaba laga helayaa dagaalyahano xariifiin
ah.? bal adba.)
Arintan waa la fahmi
karaa in ay tahay wax dhici kara markaad si gaar ah u qiimaysid
nabadgalyo xumida jirtaa Soomaaliya, laakiinse qiimayntu ma aha
oo kaliya nabada xiligana waa in wax la waydiiyaa oo la
fiirshaa qaabka.
Dhaatrii iyo
saxiixyadii ay horay usameeyeen kooxihii hore ee siyaasada ayaa
markiiba dhaawac gaaray oo kooxaha siyaasada ee awalba ka mowqif
duwanaa madaxweyne C/lahi Yusuf ayaa cirka ku shareeray arinta,
doodana kuma aysan ekaan ciidamo lakeenaa Soomaaliya ee waxaa
soo if baxay in loo baahan yahay in laga wada hadlo meesha
noqonaysa caasimada, arinta waxaa ay keentay gacan kahadal
dhexmaray 17 -03- 05 golaha baarlamaanka Soomalida, isu gacan
qaadka waxaa sabab u ahaa diidmo ladiidan yahay fikirka ay
wateen madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Prof. Cali Maxamed
Geedi oo ahayd in wadamada deriska ay ciidamo nabad ilaalin u
soo diraan Soomaaliya, inkastoo ay arintaani ahayd wax aan
fiicnayn hadana waxaa ay qancisay dadbadan in sidaasi ay wax u
dhacaan,
sikastaba haloo
dhigee waxaa jirta in dowladu ay imika dhisan tahay marka
hay’adaheeda waa weyn marka laga reebo iyadoon weli samaynin
safaaradaha Soomaalida ee dibada ku yaala cidii fariisan lahayd,
wax qabadka ay samaysay mudada sanadka ah ma aha wax markiiba
lagu taabsiin karo, laakiinse dhinaca kale markaad ka eegtid,
mudada sanadka ah
ma’ aysan dhicin wax isdil iyo iska hor imaad ah oo ay yeesheen
inta isaga soo horjeeda fikirka, dhamaan golayaasha waxaa ay ku
wada qanacsan yihiin in ay dowlada ka tirsan yihiin welise
macada cida si toos ah udiidan, waxaase ay muujiyaan in lagu
kala duwan yahay fekerka, waxaa kaloo dowlada lagu xiray in ay
tagto wadanka gudihiisa haddii ay rabto in la taageero arinkani
oo aha amid ku cuslaa madaxweynha ayaa sababay in ay sii
dheeraato doodii Caasimada Soomaaliya,
Wasiirada awooda ciidan
ku leh Muqdisho iyo Gudoomiya baarlamaanka ayaa si fudud u yiri
waa in la tagaa xamar anagaana nabad ka keenayna arinkana waxaa
uu neef ka keeneyna, hadalkaas waxaa uu neef ka keenay
madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, waxaa la isku afgartay in la
siiyo sedex bilood oo ay ku soo nabadeeyaan Xamar waase ay
adkaatay, ugu danbayntii waxaa loo soo guuray magaalada Jowhar
oo ay xaruun kumeel gaar ah ka dhigteen xubnaha dowlada.
Aqoonsiga Dowlada FKMG
ee caalamka waa uu ka wayn yahay kii DKM ee carta jabuuti lagu
soo dhisay, inkastoo aan lasiin dhaqaalo buuran oo ay wax ku
kala furdaamiyaan, balse waxaa ay si toos ah u tagaanm kulamada
caalamka in kabadan intii ay samaysay DKMG ee carta lagu soo
dhisay, waxaa uu madaxweyne C/lahi yusuf Ka qayb galay shirka
qaramada midowday ee lagu qabtay New York, qudbada oo kaliya
kuma uusan ekaan ee waxaa uu la kulmay halkaas 48 madaxweyne iyo
Boqortooyo isugu jirta, waxaase weli aan cadayn inta ay la
egtahay inta ay ka taageerayaan, inta lahubo waxaa si muuqda u
taageeray wadamada deriska yaman,Etoobiya, Kenya, jabuuti iyo
Ugandha.
Talyaaniga, biljam iyo
shiinaha. Waxaa kaloo jira wadamo muujiyay kalsooni iyo
rabitaan oo ubadan wadamada carabta. Faransiiska. Koonfur afrika
musanbiiq iyo nayjeeriya.
Hayeeshee waxaa jira
iyana wadamo balan qaadyo u sameeyay qaarna ay ku casuumeen in
madaxweynaha uu ku soo booqdo. Intaa oo kaliya ma aha wadamada
qaar wax rabitaan ah uma ay muujin dowlada FKMG Soomaaliyeed iyo
tii ka horaysay ee lagu soo dhisay Carta Jabuuti, waxaa ka mid
ah dowladahaas USA iyo Ingiriiska,
Arintu siday doonto ha
noqotee waxaa cad in uu isbedelku ahayn mid ka imaan doona
dibada balse uu yahay mid laga rabo in ay sameeyaan shacabka
iyo mas’uuliyiinta oo wada socda, haddii taasi ay dhici weyso
waa ay adkaanaysaa in dib la isugu abaabulo shir kale
mustaqbalka dhow.
DFKMG xiriirka dibada
waa ay ku guulaysatay ilaa iyo xad maxsuulkuba ha yaraadee,
waxaa sidoo kale ay ka howl gashay dowladu gudaha waxaa ay imika
joogtaa magaalooyinka ugu badan gobolka marka laga reebo qayb ka
mid ah Muqdisho, marka iyo Baydhabo, waxqabad badan lama sameyn
balse waxaa bilow ah dib udhis laga bilaabay meelaha qaar, waxaa
la aruurshay ciidamo, tababarna loo bilaabay, 21 disember ayuu
furay Ra’isul wasaare Geedi Xero tababareed ciidanka Pooliska
magaalada Carmo oo u jirta Boosaaso 100km.
waxaase wali socda
da’daal lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed , inkastoo kala
shakigu uu badan yahaay Soomalida dhexdeeda, balse waxaa ay
imika u muuqataa in aysan is fursan doonin, waxaa meesha ka
baxay in dhex dhexaadintu ay sameeyaan beesha caalamka fikirkani
waxaa qabay G. Baarlamaanka iyo wasiirada muqdisho jooga, halka
dowlada inteeda kale ay rabtay in dhexdhexaadinta iyo cida wada
hadlaysaa aysan Soomali cidaan ahayn Noqon, waxaa markiiba soo
if baxay in wasiirka dibu dhiska DFKMG Bare Hiiraale uu rabo in
uu isagu dhexdhexaadinta furo Kismaayana lagu qabto wada hadalka
waana la wada ogolaaday, waxaase aan weli la qeexin goorma iyo
intee loogu talagalay in wada hadalku uu socdo.
Quusta ka timid dibada
iyo daalka ku yimid Siyaasada Soomaaliya iyo waliba shacabka oo
muujiyay in aysan kala jeclayn/rabin dowlad iyo dowlad la’aan,
taas oo ah in aysan shacabku waxba kala dooran karin tiih iyo
jahwareer ku dhacay owgeed, ayaa la filayaa in ay qasabto
siyaasiyiinta.
Waxaa jira intaa dad ka
baxsan oo laakiinse si muuqata gacanta ugula jira qaska wadanka
waana dadka dibada kaga nool Soomaaliya, soo dhawaynta iyo
quudinta dadka duminaya wadanka waa ay ukala dheereeyaan, in
lataageero waxaa uu ku mutaysan karaa oo kaliya in uu sheego in
uusan aqbalayn waxa soo baxay heshiis ama go’aan kale, taasi oo
kaliya ma aha waxaa intaa ka mug weyn qabyaalada. Oo iyadu ah
halbeega koowaad ee la saaro qofka soomaaliga ah maanta.
su’aasha taal ayaa ah
yaa laga rabaa in uu maanta Soomaaliya daba qabto.????.
maxay la aamusan yihiin culumada soomaliya mise gabayga
iyaasada ayaa ka xiran.?
Maxaadse akhristow
adigu aad ugu yaboohday dadka Soomaaliyeed marka laga reebo
intaad adiga shaqsiyan aad u qabsatay. Ma hubtaa in aad ka fara
maran tahay dulmiga ka jira wadanka……..geeska afrika
Waa socotaa Abdulmalik M
Farah
Abdulmalikfarah@gmail.com
|