|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Soomaaliya?.     Maqaalo kala duwan...

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.  qaybta 1aad

Qaybta2aad Qaybta 3aad

Apollo 11 ma gaaray Dayaxa. WD: Xirsi Faarax xayir

Dhamaan Dadka Reer puntland WD:Siciid C. Cali-Ilweyn

 

 
 

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye. (Waxaan ka bilaabaynaa 1990)

WQ: Abdulmalik M. Farah (Gaas)

Waxaa jira weli dadaalo lagu furdaaminayo dhibaatooyinka haysta umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku hardamaya saaxada siyaasadeed, da’daalku waa mid ay si kaliya u wada yiraahdaan caalamka oo idil, waxaanu rabnaa Soomali midaysan oo nabad ah

waxaa jirtay in dhowr goor oo hore laysku dayay in la hagaajiyo waxna laga qabto arimaha Soomaliya ee soo jiitamayay mudada 15 sano ku sii siqaysa. Wadanka jabuuti ayaa  ugu horaysay cid isku dayda in ay wax ka qabato wadanka Soomaliya dhibka ku habsaday, shir guud ayaa la abaabulay 1991 waxaa la isugu yeeray kooxaha Soomaliyeed ee waagaas jiray hayeeshee ninka loo doortay madaxweynaha Soomaliya waagaas Cali mahdi Maxamed waa uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto Soomaliya kadib markii ay ka hor yimaadeen Kooxaha hubaysnaa qaarkood. Isku day kale ayaa jiray oo ay abaabushay Itoobiya 1993 hayeeshee waa lagu guulaysan kari waayaay, waxaa xigay shir ay qaban

qaabisay Kenya waxba kama soo bixin, waxaa xigay shirkii lagu qabtay xamar oo ay ku qabteen qaarkamid ahaa kooxaha Soomaalida siiba Gen. M. Faarax Caydiid Iyo Col. C/lahi Yusuf shirkaas laguma heshiin marka laga eego xaga siyaasada guud hayeeshee waxaa labada nin ay wada gaareen heshiis hoose oo quseeyay Gobolka mudug. Inkastoo waxyar kadib Gen. Loo magacaabay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya kadib markii ay u doorteen taageerayaashiisii iyo asxaabtiisa siyaasadeed ee kooxaha kale ee waagaas jiray. Manoqon mid iyana taabagashay.

waxaa jiray sanadkii 1996 in shir ay abaabushay masar lagu qabtay Qaahira hayeeshee waxaa markiiba ka biya diiday qaar kamid ahaa kooxaha siyaasada ee jiray waagaas. Waxaa bar barsocday shirkaas Qaahira midkale oo laga abaabulay Soodare oo ah magaalo dalxiis oo kutaal  Itoobiya.

Iska soo horjeeda siyaasadeed iyo waliba isdilka kooxaha dhexdooda waxaa uu ahaa mid iska caadi ah oo si joogta ah u socday, kooxaysiga ma badnayn hayeeshee qabyaalada ayaa aad u saraysay xaga qiimiga marka laga eego.

Waxaa jiray in Gobolada qaar ay isbideen in ay leeyihiin awood wax lagu dhisi karo oo heer gobol gaarsiisan, inkastoo  ay ahayd mid bilow ah fikirkaas Soomali marka lajoogo, hase yeeshee goboladaas waa ay ku guul daraysteen in ay wada helaan gobolada ay ku haminayeen marka laga reebo 5gobol oo waliba laba kamid ah lagu haysto. Oo ay ku haysatay Maamilka Soomaliland oo isagu sheegay in uu Go’ay  oo uu Xoriyadiisa ceshaday.

Waxaase u suurowday ugu danbayntii in ay dhisaan ismaamul goboleed 1998 looguna yeeray magaca ah Puntland. Waxaa madaxweynaha ugu horeeya loogu doortay col.C/lahi yusuf Axmed iyadoo ladhisay gole wakiilo ah.

Waxaa markiiba soo baxday fikir oranaysay Soomali waa in ay noqotaa Federaal haddii kale wax suuroobi karaa majiro.kooxaysi ayaa soo cusboonaaday oo waxaa jiray kooxo si toos ah ugu xirnaa Itoobiya oo laga taageerayay waana intii ku shirtay Soodare 1996.

waxaa sii socday is jiid jiidka siyaasadeed iyo isdilka kooxaha. Ilaa mar kale uu abaabulay madaxweynaha Jabuuti ee isagu ku cusbaa xilka ISmaaciil Cumar Geele shir balaaran oo ay wada aqbaleen dhamaan Siyaasiyiinta Soomaliya oo xitaa ay ku jireen labada maamul ee waagaas ugu amaanka roonaa Soomaliland iyo Puntland.

Waxaase jiray Kooxaha qaar diiday. Shirkaas oo laqabtay 2001 waxaa ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaliya waxaa uu furay bog cusub oo waxaa uu socday sedex bilood hayeeshee ugu danbayntii waxaa ka soo baxay natiijo wanaagsan oo waxaa la doortay Madaxweyne iyo golo baarlamaan oo aad u tira badan. Waxaa madaxweyne loo doortay DR C/qaasim Salaad Xasan halka gudoomiye baarlamaan loo doortay Cabdalla Deerow Isxaaq. Waxaa markiiba ka hor yimid mucaaradad xoog badan oo ay inta badan taageeraysay Itoobiya.

(laga soo bilaabo 1990 ilaa iyo 2001 waxaa la dilay ama silic dhintay qiyaastii 130,000 qof oosoomali ah.)

Markiiba waxaa bilowday hardan xaga siyaasada iyo waliba isdil kooxaha dhexdooda ahaa arintaas waxaa ay saamayn ku yeelatay gobolada oo dhan oo ay ku jireen Soomaaliland iyo Puntland.

Dowlada lagu soo dhisay Carta jabuuti waxaa ay furtay dhinaca kale bog cusub oo aysan horay isugu dayi jirin madaxweynayaashii lamagacaabi  jiray 1991 ilaa iyo 2001, waxaa ay xooga saartay in ay gado siyaasadeeda iyadoo Cali Khaliif Galaydh oo ahaa ra’isul wasaaraha waagaas uu reer galbeedka xooga saaray xaga madaxweynihiisii C/qaasim uu Carabta xooga saaray ilaa iyo xad waxaa indhaha caalamka ku soo laabtay shakli dowladeed oo ay leedahay Soomaliya. Shirarkana waa aay tagayeen in badan. 

 Laakiinse waxaa ay si cad ugu fashilantay dowladii carta jabuuti lagu soo dhisay in ay wax ka hirgeliso habayaraatee wadanka gudihiisa.

Waxaa Dowlada KMG ee ladhisay Carta jabuuti  xigay shir kale oo ay abaabuleen wadamada Igad siiba kuwa dariska la ah Soomaaliya. Shirkaan oo lagu qabtay Kenya waxaa ka soo qayb galay dhamaan hogaamiyaasha kooxaha iyo madaxda DKM.

Waxaa uu shirku qaatay in la soo afjaro laba sano, Bisha sagaalaad 2004 waxaa ugu danbayntii lagu guulaystay in la doorto  baarlamaan iyo gudoomiye baarlamaan oo loo doortay Shariif Xasan Aadan oo ahaa nin ganaci haysta. Waxaa isna loo doortray Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu ahaa xiligaa Madaxweynha MG Puntland.

 Dowlada soomaaliya waxaa loo baxshay magac ah Dowlada Federaalka ee kumeelgaarka Soomaliya mudaduna waa 5sano. Waxaa xusid mudan in heshiisyadu ay ahaayeen kuwa waqti qaatay walow inta badan laga wada saxiixay kooxaha u hogaansanka waxa soo baxa hadana sidaa waxba uma fulin, oo caqabado ayaa bilowday markiiba kuna salaysan kala duwanaanshaha rayiga iyo waliba nin tooxsi.

Sanadka 2004 qolo waliba dunida dusheeda wax bay ku xasuusataa hayeeshee soomalida waxaa ay ku xasuusataa in la soo gabagabeeyay shir dowlad Soomaaliyeed lagu soo dhisay. Taasi lama oran karo xalkii ayaa lagaray, balse waad orankartaa waxbaa bilowday, madaxweynaha DFKMG waxaa uu markiiba bilaabay in uu qorshe samaysto laakiinse yaa kula ogaa waa la’orankaraa maxaa yeelay waxba gacanta uguma jiraan, waxaa  uu dalbaday wax yar kadib markii loo dhaarshay xilka madaxweyne 14 oktobar 2005 ciidan gaaraaya 20,000 oo afrikaan ah. (muxuu ku falayaa wadanka ayaaba laga helayaa dagaalyahano xariifiin ah.? bal adba.)

Arintan waa la fahmi karaa in ay tahay wax dhici kara markaad si gaar ah u qiimaysid nabadgalyo xumida jirtaa Soomaaliya, laakiinse qiimayntu ma aha oo kaliya nabada xiligana waa  in wax la waydiiyaa oo la fiirshaa qaabka.

 Dhaatrii iyo saxiixyadii ay horay usameeyeen kooxihii hore ee siyaasada ayaa markiiba dhaawac gaaray oo kooxaha siyaasada ee awalba ka mowqif duwanaa madaxweyne C/lahi Yusuf ayaa cirka ku shareeray arinta, doodana kuma aysan ekaan ciidamo lakeenaa Soomaaliya ee waxaa soo if baxay in loo baahan yahay in laga wada hadlo meesha noqonaysa caasimada, arinta waxaa ay keentay gacan kahadal dhexmaray 17 -03- 05 golaha baarlamaanka Soomalida, isu gacan qaadka waxaa sabab u ahaa diidmo ladiidan yahay fikirka ay wateen madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Prof. Cali Maxamed Geedi oo ahayd in wadamada deriska ay ciidamo nabad ilaalin u soo diraan Soomaaliya, inkastoo ay arintaani ahayd wax aan fiicnayn hadana waxaa ay qancisay dadbadan in sidaasi ay wax u dhacaan,

 sikastaba haloo dhigee waxaa jirta in dowladu ay imika dhisan tahay marka hay’adaheeda waa weyn marka laga reebo iyadoon weli samaynin safaaradaha Soomaalida ee dibada ku yaala cidii fariisan lahayd, wax qabadka ay samaysay mudada sanadka ah ma aha wax markiiba lagu taabsiin karo, laakiinse dhinaca kale markaad ka eegtid,

 mudada sanadka ah ma’ aysan dhicin wax isdil iyo iska hor imaad ah oo ay yeesheen inta isaga soo horjeeda fikirka, dhamaan golayaasha waxaa ay ku wada qanacsan yihiin in ay dowlada ka tirsan yihiin welise macada cida si toos ah udiidan, waxaase ay muujiyaan in lagu kala duwan yahay fekerka, waxaa kaloo dowlada lagu xiray in ay tagto wadanka gudihiisa haddii ay rabto in la taageero arinkani oo aha amid ku cuslaa madaxweynha  ayaa sababay in ay sii dheeraato doodii Caasimada Soomaaliya,

Wasiirada awooda ciidan ku leh Muqdisho iyo Gudoomiya baarlamaanka ayaa si fudud u yiri waa in la tagaa xamar anagaana nabad ka keenayna arinkana waxaa uu neef ka keeneyna, hadalkaas waxaa uu neef ka keenay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, waxaa la isku afgartay in la siiyo sedex bilood oo ay ku soo nabadeeyaan Xamar waase ay adkaatay, ugu danbayntii waxaa loo soo guuray magaalada Jowhar oo ay xaruun kumeel gaar ah ka dhigteen xubnaha dowlada.

 Aqoonsiga Dowlada FKMG ee caalamka waa uu ka wayn yahay kii DKM ee carta jabuuti lagu soo dhisay, inkastoo aan lasiin dhaqaalo buuran oo ay wax ku kala furdaamiyaan, balse waxaa ay si toos ah u tagaanm kulamada caalamka in kabadan intii ay samaysay DKMG ee carta lagu soo dhisay, waxaa uu madaxweyne C/lahi yusuf Ka qayb galay shirka qaramada midowday ee lagu qabtay New York, qudbada oo kaliya kuma uusan ekaan ee waxaa uu la kulmay halkaas 48 madaxweyne iyo Boqortooyo isugu jirta,  waxaase weli aan cadayn inta ay la egtahay inta ay ka taageerayaan, inta lahubo waxaa si muuqda u taageeray wadamada deriska yaman,Etoobiya, Kenya, jabuuti iyo Ugandha.

Talyaaniga, biljam iyo shiinaha. Waxaa kaloo jira wadamo  muujiyay kalsooni iyo rabitaan oo ubadan wadamada carabta. Faransiiska. Koonfur afrika musanbiiq iyo nayjeeriya.

Hayeeshee waxaa jira iyana wadamo balan qaadyo u sameeyay qaarna ay ku casuumeen in madaxweynaha uu ku soo booqdo. Intaa oo kaliya ma aha wadamada qaar wax rabitaan ah uma ay muujin dowlada FKMG Soomaaliyeed iyo tii ka horaysay ee lagu soo dhisay Carta Jabuuti, waxaa ka mid ah dowladahaas USA iyo Ingiriiska,

 Arintu siday doonto ha noqotee waxaa cad in uu isbedelku ahayn mid ka imaan doona dibada balse uu  yahay mid laga rabo in ay sameeyaan shacabka iyo mas’uuliyiinta oo wada socda, haddii taasi ay dhici weyso waa ay adkaanaysaa in dib la isugu abaabulo shir kale  mustaqbalka dhow.

 

DFKMG xiriirka dibada waa ay ku guulaysatay ilaa iyo xad maxsuulkuba ha yaraadee, waxaa sidoo kale ay ka howl gashay dowladu gudaha waxaa ay imika joogtaa magaalooyinka ugu badan gobolka marka laga reebo qayb ka mid ah Muqdisho, marka iyo Baydhabo, waxqabad badan lama sameyn balse waxaa bilow ah dib udhis laga bilaabay meelaha qaar, waxaa la aruurshay ciidamo, tababarna loo bilaabay, 21 disember ayuu furay Ra’isul wasaare Geedi Xero tababareed ciidanka Pooliska magaalada Carmo oo u jirta Boosaaso 100km. 

 waxaase wali socda da’daal lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed , inkastoo kala shakigu uu badan yahaay Soomalida dhexdeeda, balse waxaa ay imika u muuqataa in aysan is fursan doonin, waxaa meesha ka baxay in dhex dhexaadintu ay sameeyaan beesha caalamka fikirkani waxaa qabay G. Baarlamaanka iyo wasiirada  muqdisho jooga, halka dowlada inteeda kale ay rabtay in dhexdhexaadinta iyo cida wada hadlaysaa aysan Soomali cidaan ahayn Noqon, waxaa markiiba soo if baxay in wasiirka dibu dhiska DFKMG Bare Hiiraale uu rabo in uu isagu dhexdhexaadinta furo Kismaayana lagu qabto wada hadalka waana la wada ogolaaday, waxaase aan weli la qeexin goorma iyo intee loogu talagalay in wada hadalku uu socdo.

Quusta ka timid dibada iyo daalka ku yimid Siyaasada Soomaaliya iyo waliba shacabka oo muujiyay in aysan kala jeclayn/rabin dowlad iyo dowlad la’aan, taas oo ah in aysan shacabku waxba kala dooran karin tiih iyo jahwareer ku dhacay owgeed, ayaa la filayaa in ay qasabto siyaasiyiinta.

Waxaa jira intaa dad ka baxsan oo laakiinse si muuqata gacanta ugula jira qaska wadanka waana dadka dibada kaga nool Soomaaliya, soo dhawaynta iyo quudinta dadka duminaya wadanka waa ay ukala dheereeyaan, in lataageero waxaa uu ku mutaysan karaa oo kaliya in uu sheego in uusan aqbalayn waxa soo baxay heshiis ama go’aan kale, taasi oo kaliya  ma aha waxaa intaa ka mug weyn qabyaalada. Oo iyadu ah halbeega koowaad ee la saaro qofka  soomaaliga ah maanta.

su’aasha taal ayaa ah yaa  laga rabaa in uu maanta Soomaaliya daba qabto.????. maxay la aamusan yihiin culumada soomaliya mise gabayga iyaasada ayaa ka xiran.?

Maxaadse akhristow adigu aad ugu yaboohday dadka Soomaaliyeed marka laga reebo intaad adiga shaqsiyan aad u qabsatay. Ma  hubtaa in aad ka fara maran tahay dulmiga ka jira wadanka……..geeska afrika

 

Waa socotaa Abdulmalik M Farah

Abdulmalikfarah@gmail.com

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net