|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Soomaaliya?.     Maqaalo kala duwan...

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.  qaybta 1aad

Qaybta2aad Qaybta 3aad

Apollo 11 ma gaaray Dayaxa. WD: Xirsi Faarax xayir

Dhamaan Dadka Reer puntland WD:Siciid C. Cali-Ilweyn

 

 

 
 

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye. (Waxaan ka bilaabaynaa 1990)

WQ: Abdulmalik M. Farah (Gaas)

Isbedelka siyaasadeed ee Soomaliya waxaa uu maanta sabab u noqday in ay dad badan oo horay mas’uuliyiin uga ahaa dawladihii soomaaliya in ay  ku rido jahwareer iyo xeeraan, taasi waxaa ay in badan ku qeexaan in aysan jirin hadaf dhab ah oo la tixtaacayo ama mabda’ lagu sifeyn karo in ay u tacasubayaan siyaasiyiinta Soomalida, marka laga reebo Wadaadada oo iyagu mabda’oodu uu yahay mid si toos ah loo fahmi karo.

Siddii aan horey ugu soo marnay maqaalkii hore ee ku soo baxay cadadka 19aad aayatiin. Waxaan soo gaarnay siyaasada Soomaliya oo maraysay Madaxweynaha iyo Ra’isul baarlamaanka oo wada saxiixay heshiis magaalada cadan ee dalka Yaman. Heshiiskaas waxaad moodaa ilaa iyo xad in ay labada mas’uul muujiyeen xoogaa daacadnimo ah marka laga eego kulamada sida kii ka dhacay magaalada Gaalkacyo  oo ay ka soo qaybgalkeen mas’uuliyiinta ugu saraysay siyaasada Soomaliya iyo waliba mid kamid ah raga ugu caansan xaga mucaaradka maamulka C/lahi yusuf.

Sikastaba haloo sababeeyo kulanka gaalkacyo waxaa wada hadal badan oo albaabadu ay u xiran yihiin lagu gaaray heshiis la shaaciyay nuxur ahaan laakiinse aysan cidina ogayn waxa ay hoos ugu heshiiyeen raga madaxda ah. gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sh. Aadan ayaa gaaray gaalkacyo 10 febraayo isagoo ay wehliyaan xildhibaano iyo waliba wasiirka howlaha guud Cismaan caato.

C/laahi yuusuf oo isagu in badan ay ku dhaliilaan reer puntland in uusan weli dareensanayn in puntland ay xaq u leedahay in ay shirarka Soomali kadhexeeya ay marti gelin karto, ayaa si taasi uu u muujiyo uleexshay shirkaas waqti madaxweynaha Puntland uu safar dibada ugu maqnaa.

C/lahi yusuf oo ay dad badan isweydiinayeen meesha uu ka dhigan doono rugtiisa rasmiga ah xiliga ku meelgaarka ayaa waxaa uu si kaftan ah u yiri, aniga waxaan waa ahaan jiray reer Puntland haatan Reer Jowhar ayaan ahay. Waxaa uu sidoo kale kaga faa’idaystay kulankaas C/laahi yusuf in uu ku qanciyo hogaamiyaasha siyaasada labada beelood ee iyagu ku dagaalamayay qayb kamid ah mudug iyo galgaduud. 12 febraayo waxaa ka dhacay isu soo bixii ugu weynaa uguna horeeyay mudo 15sano ah koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaa goobjoog ahaa kana jeediyay halkaas qudbado koob kooban madaxweynaha, Gudoomiyahay barlamaanka, ra’isul wasaaraha iyo wasiirka howlaha guud iyo wasiirka reermiyiga..madaxweyne xigaha Puntland, gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland. Maamulada mudig waqooyi iyo koonfur.

Hoolka shirarka ee Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo ayaa 13 febraayo waxaa ka  dhacay kulan ballaaran oo ay si wada jir ah u qabteen madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha baarlamaanka , Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo rasyulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro , iyo xildhibaanno aad u badan oo qaarkood intii uu shirku socday ay yimaadeen hoolka shirarka, iyo sidoo kale safiirka dawladda Yaman u fadhiya Soomaaliya .

afhayeenka dawladda Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo kulanka xiriiriniyay , ayaa  kusoo dhaweeyay magaroofanka wasiirka hiddaha iyo tacliinta Xuseen Sheekh Maxamud si uu u akhriyo war murtiyeedkii laga soo saaray kulanka oo ka koobna 7 qodob oo kala ahaa;

1. In si wada jir ah heshiiskii ay cadan ku gaareen madaxwaynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka loo hir galiyo oo loo taageero.

2. In Kalafadhiga baarlamaanka Soomaaliya oo dhici doona 26ka bisha Feebaraayo la hir galiyo oo xubnuhu isugu tagaan magaalada Baydhabo xilliga lagu ballamay.

3. In madaxwaynaha , guddoomiyaha baarlamaanka , iyo raysulwasaaraha ay si isku duubni ah u wada shaqeeyaan, si loo abuuro kalsooni ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

4. In madaxwaynaha , guddooomiyaha iyo raysulwasaaruhu ay inay ka shaqeeyaan is cafid , isa saamixid iyo isu soo dhawaansho.

5.In beesha caalamku , midowga Yurub, AU, IGAD iyo jaamacadda Carabtu ay goob joog u ahaato kulanka baarlamaanka ee ka dhacaya Baydhabo si ay ugu noqoto markhaati cad.

6.Waxaa baaq nabadeed si wada jir ah loogu soo jeedinayaa beelaha ku dagaalamaya dalka Soomaaliya meelo kamid ah iyo in sidoo kale beesha caalamku ay gar gaar u soo fidiso dadka abaaruhu ku hayaan dalka Soomaaliya.

7.Waxaa mahad celin ballaaran loo soo jeedinayaa dawladda Yaman gaar ahaan madaxwaynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo isku hawlay heshiisiinta madaxda dawladda Soomaaliya.

Isu soo dhawaanshaha madaxda Soomaliya waxaa ay dan u tahay Shacabka, waxaa weeye halku- dhega kaliya la daliishan karo marka larabo in aan la dhaliilin madaxda mudada kala guurka ah, si kastaba ha noqotee magaalada Baydhabo oo iyada la sheegay in ay ku kulmi doonaan markii ugu horaysay gudaha soomaliya mudanayasha baarlamanka ku meelgaarka ah ayaa la shaaciyaay in ay ugu danbayn soo galaan 25febraayo iyadoo 26febraayo uu si rasmi ah u furmi doono shirka koowaad ee baarlamaanka.

 Waxaa si diiran loo soo dhaweeyay baydhabo 25 febraayo madaxweynaha iyo raisul wasaaraha oo isagu ka soo hormaray. Madasha shirka ma lahjayn bilicda ay ku diirsan lahaayeen mudanayaal si rabitan ah loo soo doortay hayeeshee waxaa meesha buuxiyay xamaasad iyo qiiro, waxaa mararka qaar aad garan kartaa in 30% ay daacad ka yihiin Mudanayaasha baarlamaanka marka laga hadlayo wadaniyada iyo u hurida waxwalba si wadanka loo bad baadsho waa maalinkii kuwaasi si toos loo arki karay.

Waxaa soo xaadiray madasha 205 mudanayaal , iyadoo inta maqana badankood ay soo gudbiyeen cudur daar. goobta kulanka baarlamaanka uu ka dhacayo waxaa ay horay u ahayd kaniisad xiligii talyaaniga wadanka joogay hayeeshee waxaa kaniisada ka bedelay oo ka dhigay dugsi dowladii kacaanka, wax lala yaabo weeye  in ay dad islaam ah ay ku kulmaan meel kaniisad horay u ahayd iyagoo wadan iyo umad masiirkooda ka talinaya, kaniisadii dhistay waxaa laga yaabaa in ay u argto guul usoo hooyatay, hayeeshee anagu lama yaabayno in ay ku kulmeen goobtaas ee waxa lala yaaban yahay ayaa ah in ayba isu yimaadeen oo ay kulmeen. Waxaa qabsoomida kulankaas bar bar socday dagaal xoogan oo dhexmarayay qaar kamid ah hogaamiyaasha muqdisho imikana wasiiro ka ah DKMG iyo wadaaddada maxkamadaha, dagaalkaan waxaa la rumaysan yahay ay ka danbeeyaan ciidamada fadhiya bariga afrika ee maraykanka ah,

sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, in madax maraykan ah ay xiriir la sameeyeen dowlada iyo madaxweynaha ay isku afgaran waayeen in lala dagaalamo argagixisada iyadoo maraykanka ay ilaashanayeen danahooda la dagaalanka waxa ay u yaqaaniin argagixasada, ayagaa waxaa madaxweynaha soomaaliya si toos ah wuxuu ugu xiray shardi ah in maraykanka uu marka hore muujiyo taageerid iyo in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya,waxaa kaloo uu u carabaabay in aysan suuragal ahayn in laga adkaado haddii sidaas wax ka duwan loola tago. taasi ayaa waxaa ay u arkeen madaxdaas maraykanka ah waqti dheer in ay qaadan karto sidaas darteed ayaa waxaa ay xiriir hoose la sameeyeen oo ay adeegsadeen Hogaamiyaasha muqdisho si ay uga taqalusaan maxkamadaha Muqdisho, 

 dagaalka oo khasaare badan geystay weli hadal cad lagama hayo dowlada kumeelgaarka ah. welina cidana kuma guulaysan dagaalkaa. Hase yeeshee waxa jira dacaayado badan oo lagu kala jihaysanayo dadka degan waqtigan muqdisho. Isbahaysiga ladagaalanka argagixasada ee dhowaan la dhisay ayaa nin u hadlay oo ganacsade hubaysan ah lana yiraahdo bashiir raage ayaa sheegay in ay xiriir leeyihiin booliska interpol loo yaqaan.? Waxaase la yaab noqotay in interpol ay xiriir la leedahay ganacsatada qaarkood iyadoo ay dowlada joogto Baydhabo. Maxkamadaha muqdisho oo hab reer ama qabiil ku dhisan ayaa waxaa ay dadka qaar badan oo kamid ah u arkaan in ay buuxsheen nidaamkii cadaalada ee madaniga ahaa,

kadib markii ay si dhexe ukala dhexgaleen inbadan oo isku haystay xoolo ama diyo. Dadka waxaa ay ku tuhmayaan maxkamadaha muqdisho diin, waana tan keentay in hogaamiyaasha kooxaha ay  si toos ah uga horyimaadaan una muujiyaan colaad, markii ay arkeen shacabka muqdisho oo u jihaystan xaga maxkamadaha islaamiga ee muqdisho.

Waxaa jira weli isbaryaac dhinac walba ah, soomaliya waa meel lagu soo baxo doorashada markaad dishid dad maata ah. DKMG ayaa iyada tiradii ugu badnayd ku joogta Baydhaba hayeeshee waxaa jira weli isdiyaarin la’aan iyo iyadoo Baydhaba lagu soo dagay si deg deg ah.

kadib markii ay adkaatay in la fahmo hogaamiyaha siyaasada shabeelada dhexe. Waxaa la odorasayaa in hanka siyaasadeed ee C/lahi yusuf uusan la dhacsanayn Maxamed Dheere. Xiisada u dhaxaysa DKMG iyo  gudoomiyaha siyaasada jowhar waxaa ay soo if baxday kadib markii uu Maxamed Dheere saxaafadda ka weeraray madaxwaynaha Soomaaliya oo uu ku eedeeyay asagoon kala tashan inuu u guuray magaalada Baydhabo isla markaana uusan si siman u qaybin saanadii iyo deeqda umada udhaxaysa, hayeeshee eedayntaas waxba kama aysan oran Mdaxwene C/lahi iyo Dowladiisaba.

Hadallada kasoo yeeraya Maxamed Dheere ee uu kusheegayo inuusan la shaqayn doonin dawladda ayaa bilowday tan iyo markii guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo uu ka dhacayo shirka baarlamaanka Soomaaliya halka Maxamed Dheere doonayay in shirku ka dhaco magaalada Jowhar oo ay dhamaan dawladu dagto Jowhar.

Horay dawlada federaalka Soomaaliya ayaa intii ayan kasoo guurin dalka Kenya oo lagu dhisay waxay  go'aansatay in magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ay ku sii hakato dawladu  inta caasimada laga nabadaynayo, inkastoo ay markaas ka dib maleeshiyooyin ku diriray awgeed ay dawladu u dagi wayday Baydhabo oo hadda u muuqata inay kasoo kabatay dirirtii kooxaha.

Maxamed Dheere wax xil ah kama hayo dawldda , hase ahaatee wuxuu mar ahaa saaxiibka ugu wayn ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya , kama aysan soo bixin wax war ah oo loogu jawaabayo hadallada kasoo yeeraya Maxamed Dheere. Waxaase laga yaabaa in xiligeeda la qancin doono saaxiibkii hore ee DKMg. Inkastoo wararka qaar ay tibaaxayaan inuu ku sheeganayo DKMG dhaqaalo ka yar 10malyan,

hase yeeshii waxaa laga yaabaa in dhaqaalahaas uu yahay mid looga sii qaatay buuga ku qoro dib ayaa lagaa siinayaa, maadaama uu isagu ahaa xiligii Jowhar ninka sida muuqata ugu tunka weynaa, wixii uu yiraahdo qiimahooda waa intaas asagaa mudnaa..? DKMG oo imika la liicaysa dhaqaalo xumi iyo iyadoo weli ku ceebaysan in aysan waxba ka qaban abaaraha dalka iyo colaadaha ka jira koonfurta, waxaa ku adkaanaysa in bixiso dhaqaalo intaa dhan  oo lagu leeyahay, waaxaase suuragal ah in Maxamed dheere uu si fudud u dhihi doono waan u cafiyay DKMG deeyntaan ku lahaa, sida bangiga aduunka oo kale.

 

Newyork-Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa si xooggan u taageeray in kulanka baarlamaanka uu si habsami ah ugu qabsoomo magaalada Baydhabo .

Golaha ammaanku wuxuu ugu baaqay baarlamaamka Federaalka in uu qabsado hawshiisa ah inuu dalka nabad kusoo dabbaalo , isla markaana uu xooggiisa isugu geeyo dib u heshiisiinta dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kaloo laga codsaday inay qayb libaax leh ka qaataan sidii dadka dhibaataysan ee Soomaalida ah ay gar gaar u heli lahaayeen.

Qoraalka taageerada kulanka baarlamaanka waxaa akhriyay madaxwaynah adalka Argantina oo madax u ah 15ka dal ee golaha amaanka ku jira.

Golaha ammaanka wuxuu cambaareeyay dadka dhibaateeya gaadiidka iyo shaqaalaha u gar gaaraya dadka abaaruhu ku hayaan Soomaaliya.

Wuxu kaloo cambaareeyay afduubka maraakiibta gar gaarka iyo kuwa kale ee maraya biyaha Soomaaliya inay wax u dhimayaan in Qaramada midoobay ay dadaalkeeda gar gaarka sii waddo.

Golaha ammaanka wuxuu cambaareeyay ku xadgudubka lagu xadgubyo cuna qabataynta lasaaray hubka Soomaaliya, ayadoo lasheegay in dagaallada dalka ka soconaya ay qayb ku leeyihin in lagu xadgubo cuna qabataynta.

Golaha ammaanku kuma uusan hadlin arin ay u bandhigeen ururka midowga Afrika iyo IGAD oo ay kaga codsanayaan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka.

Waa markii ugu horaysay ee golaha amaanku uu si rasmi ah uga hadlo shirka baarlamaanka Soomaaliya uga furmay Baydhabo.

Nairobi.Inkastoo ay jiraan dadaaalo ay ka imaanaya dowladaha deriska ah. shirkii dhowaan ka dhacay Nayroobi ee IGad. Ayaa

Madaxwaynaha dalka Kenya oo magaca wayn ku lahaa dhismahaha DFKGS , ayaa iminkana waxaa lasheegay inuu sii fuulay xilkiisa kaga aaddan urur goboleedka IGAD arimaha Soomaaliya. Maadaama uu isagu madaxtinimadii IGAD kala Wareegay Musaveeni

Todobada dal ee kuwada jira IGAD ee kala ah:- Soomaliya,Sudan, Uganda, Kenya, Ethiopia, Eritrea, and Djibouti ayaa isla aqoonsaday in Soomaaliya ay iminka u baahan tahay gacan qabasho lixaad leh , ayadoo aysan meesha kasaarin in hogaamiyeyaal hubaysan ay dalka ammaankiisa fara ba'an kuhayaan.

Culayska wadamada IGAD haystaa ma aha oo kaliya colaadaha balse waxaa jira cudurka Shimbiraha oo laga baqayo iyo abaaraha oo saameeyay dad lagu qiyaasay 11milyan oo ay abaaruhu ku dhufteen marka laga reebo UGaandha oo isagu weligii ahaa wadan doog badan dadkiisana aysanba u baahan wax kaalmo dibada. Marka laga reebo xalinta colaadihii soomaray wadnkaas. Kibaki waxaa la filayaa in uu xooga saari doono arimahaas.

Urur Goboleedka IGAD waxay samaysay intii ay ku shirsanaayeen Nairobi dadaal dheeri ah kaasoo aan wali gaarin heerkii ugu danbeeyay oo ah in ciidamo ay geeyaan Soomaaliya, hase ahaatee waxay ballan qadeen inay codsiyo kala duwan gudbin doonaan.

Sida uu qoray wargayska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda , waxaa beesha caalamku naf ahaanteeda ay ka gaabisay inay Soomaaliya ciidamo u diraan ,kadib markii Maraykanku uu sheegtay in dalka Soomaaliya si aan fiicnayn loogala dhaqmay sagaashameeyadii.

Tallaabooyin wanaagsan ayaa dalka Soomaaliya laga sameeyay muddo laba sano ah gudohood ayadoo lagu soo dhisay dawlad leh baarlamaan , wasiiro iyo garsoor.

Arinta diiradda la saarayo iminka waa in la hir galiyo waaxyihii dawladda Soomaaliya , iyo in laga gudbo is bar baryaaca ka jira Soomaaliya .

Dalka Soomaaliya waxaa kusugan malleeshiyo gaaraysa 60,000 oo qof kuwaasoo hubaysan qoryaha fud fudud noocyadooda kala duwan, waxayna dhammaan ubaahan yihiin awood hubka ka dhigta, xitaa magaalada imika xaruunta u noqotay DKMG ee Baydhabo waxaa ka jirta fowdo xaga sharci darada ah iyo iyadoo weli ay shaki qabaan hogaamiyaasha kooxeed ee ka jiray Baydhabo. Arinta waxaa ay cirka gashay markii ay soo gaareen Ciidamadii daacada u ahaa madaxweyne C/lahi Yusuf Gobolada Baay iyo Bakool iyagoo ka soo kicitimay magaalada Jowhar.

 Shakiga kuma eka oo kaliya Hogaamiyaasha xildhibaanada noqday ee waxaa isagana dhiniciisa la dareemayaa in uu weli shakisan yahay Gudoomiyaha baarlamaanka oo isagu la gaaray heshiis kal hore Madaxweyne C/lahi yusuf. Inkastoo C/lahi yusuf ay ka shakisan yihiin dadka ku nool Koonfurta iyo waqooyiga Soomaliya qaarkood hadana waxaa cad in dadka ku nool Puntland ay mararka qaar sitoos ah u cadeeyaan in ay udarsadeen C/lahi yusuf xaga amaanka marka laga eego. Xiriirka uu la yeeshay madaxdii hore ee soo martay soomaaliya siiba kuwii ugu danbeeyay ee xiligii Kacaanka waxaa ay muujinaysaa in Madaxweyne C/laahi Yusuf uu qorshaynayo in uu helo rag xirfad iyo waayo aragnimo maamul leh, si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan waana arinta ku beertay shakiga madaxdii kooxaha.

welise wax isbedel ah ma aysan helin saboolka iyo maatada unugul waxyeelada ka dhalatay fowdada.

yaa diidan in dowlad kala danbayn lahelo.? maxaad ku salaysy doodaada.?..

Qore: Abdulmalik M Farah

Abdulmalikfarah@gmail.com

 

 

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net