|
Isbedelka
siyaasadeed ee Soomaliya waxaa uu maanta sabab u noqday in ay
dad badan oo horay mas’uuliyiin uga ahaa dawladihii soomaaliya
in ay ku rido jahwareer iyo xeeraan, taasi waxaa ay in badan ku
qeexaan in aysan jirin hadaf dhab ah oo la tixtaacayo ama mabda’
lagu sifeyn karo in ay u tacasubayaan siyaasiyiinta Soomalida,
marka laga reebo Wadaadada oo iyagu mabda’oodu uu yahay mid si
toos ah loo fahmi karo.
Siddii aan horey ugu soo marnay maqaalkii hore ee ku soo baxay
cadadka 19aad aayatiin. Waxaan soo gaarnay siyaasada Soomaliya
oo maraysay Madaxweynaha iyo Ra’isul baarlamaanka oo wada
saxiixay heshiis magaalada cadan ee dalka Yaman. Heshiiskaas
waxaad moodaa ilaa iyo xad in ay labada mas’uul muujiyeen xoogaa
daacadnimo ah marka laga eego kulamada sida kii ka dhacay
magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo qaybgalkeen mas’uuliyiinta ugu
saraysay siyaasada Soomaliya iyo waliba mid kamid ah raga ugu
caansan xaga mucaaradka maamulka C/lahi yusuf.
Sikastaba
haloo sababeeyo kulanka gaalkacyo waxaa wada hadal badan oo
albaabadu ay u xiran yihiin lagu gaaray heshiis la shaaciyay
nuxur ahaan laakiinse aysan cidina ogayn waxa ay hoos ugu
heshiiyeen raga madaxda ah. gudoomiyaha baarlamaanka shariif
xasan sh. Aadan ayaa gaaray gaalkacyo 10 febraayo isagoo ay
wehliyaan xildhibaano iyo waliba wasiirka howlaha guud Cismaan
caato.
C/laahi
yuusuf oo isagu in badan ay ku dhaliilaan reer puntland in uusan
weli dareensanayn in puntland ay xaq u leedahay in ay shirarka
Soomali kadhexeeya ay marti gelin karto, ayaa si taasi uu u
muujiyo uleexshay shirkaas waqti madaxweynaha Puntland uu safar
dibada ugu maqnaa.
C/lahi yusuf
oo ay dad badan isweydiinayeen meesha uu ka dhigan doono
rugtiisa rasmiga ah xiliga ku meelgaarka ayaa waxaa uu si kaftan
ah u yiri, aniga waxaan waa ahaan jiray reer Puntland haatan
Reer Jowhar ayaan ahay. Waxaa uu sidoo kale kaga
faa’idaystay kulankaas C/laahi yusuf in uu ku qanciyo
hogaamiyaasha siyaasada labada beelood ee iyagu ku dagaalamayay
qayb kamid ah mudug iyo galgaduud. 12 febraayo waxaa ka dhacay
isu soo bixii ugu weynaa uguna horeeyay mudo 15sano ah koonfurta
magaalada Gaalkacyo, waxaa goobjoog ahaa kana jeediyay halkaas
qudbado koob kooban madaxweynaha, Gudoomiyahay barlamaanka,
ra’isul wasaaraha iyo wasiirka howlaha guud iyo wasiirka
reermiyiga..madaxweyne xigaha Puntland, gudoomiyaha
golaha wakiilada Puntland. Maamulada mudig waqooyi iyo koonfur.
Hoolka shirarka ee Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo ayaa 13
febraayo waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay si wada jir ah u
qabteen madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ,
Guddoomiyaha baarlamaanka , Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo
rasyulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro , iyo xildhibaanno
aad u badan oo qaarkood intii uu shirku socday ay yimaadeen
hoolka shirarka, iyo sidoo kale safiirka dawladda Yaman u
fadhiya Soomaaliya .
afhayeenka dawladda Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo kulanka
xiriiriniyay , ayaa kusoo dhaweeyay magaroofanka wasiirka
hiddaha iyo tacliinta Xuseen Sheekh Maxamud si uu u akhriyo war
murtiyeedkii laga soo saaray kulanka oo ka koobna 7 qodob oo
kala ahaa;
1. In si wada jir ah heshiiskii ay cadan ku gaareen madaxwaynaha
Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka loo hir galiyo oo loo
taageero.
2. In Kalafadhiga baarlamaanka Soomaaliya oo dhici doona 26ka
bisha Feebaraayo la hir galiyo oo xubnuhu isugu tagaan magaalada
Baydhabo xilliga lagu ballamay.
3. In madaxwaynaha , guddoomiyaha baarlamaanka , iyo
raysulwasaaraha ay si isku duubni ah u wada shaqeeyaan, si loo
abuuro kalsooni ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
4. In madaxwaynaha , guddooomiyaha iyo raysulwasaaruhu ay inay
ka shaqeeyaan is cafid , isa saamixid iyo isu soo dhawaansho.
5.In beesha caalamku , midowga Yurub, AU, IGAD iyo jaamacadda
Carabtu ay goob joog u ahaato kulanka baarlamaanka ee ka dhacaya
Baydhabo si ay ugu noqoto markhaati cad.
6.Waxaa baaq nabadeed si wada jir ah loogu soo jeedinayaa
beelaha ku dagaalamaya dalka Soomaaliya meelo kamid ah iyo in
sidoo kale beesha caalamku ay gar gaar u soo fidiso dadka
abaaruhu ku hayaan dalka Soomaaliya.
7.Waxaa mahad celin ballaaran loo soo jeedinayaa dawladda Yaman
gaar ahaan madaxwaynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo isku
hawlay heshiisiinta madaxda dawladda Soomaaliya.
Isu soo dhawaanshaha madaxda
Soomaliya waxaa ay dan u tahay Shacabka, waxaa weeye halku-
dhega kaliya la daliishan karo marka larabo in aan la dhaliilin
madaxda mudada kala guurka ah, si kastaba ha noqotee magaalada
Baydhabo oo iyada la sheegay in ay ku kulmi doonaan markii ugu
horaysay gudaha soomaliya mudanayasha baarlamanka ku meelgaarka
ah ayaa la shaaciyaay in ay ugu danbayn soo galaan 25febraayo
iyadoo 26febraayo uu si rasmi ah u furmi doono shirka koowaad ee
baarlamaanka.
Waxaa si diiran loo soo
dhaweeyay baydhabo 25 febraayo madaxweynaha iyo raisul wasaaraha
oo isagu ka soo hormaray. Madasha shirka ma lahjayn bilicda ay
ku diirsan lahaayeen mudanayaal si rabitan ah loo soo doortay
hayeeshee waxaa meesha buuxiyay xamaasad iyo qiiro, waxaa
mararka qaar aad garan kartaa in 30% ay daacad ka yihiin
Mudanayaasha baarlamaanka marka laga hadlayo wadaniyada iyo u
hurida waxwalba si wadanka loo bad baadsho waa maalinkii kuwaasi
si toos loo arki karay.
Waxaa soo xaadiray madasha 205
mudanayaal , iyadoo inta maqana badankood ay soo gudbiyeen cudur
daar. goobta kulanka baarlamaanka uu ka dhacayo waxaa ay horay u
ahayd kaniisad xiligii talyaaniga wadanka joogay hayeeshee waxaa
kaniisada ka bedelay oo ka dhigay dugsi dowladii kacaanka, wax
lala yaabo weeye in ay dad islaam ah ay ku kulmaan meel
kaniisad horay u ahayd iyagoo wadan iyo umad masiirkooda ka
talinaya, kaniisadii dhistay waxaa laga yaabaa in ay u argto
guul usoo hooyatay, hayeeshee anagu lama yaabayno in ay ku
kulmeen goobtaas ee waxa lala yaaban yahay ayaa ah in ayba isu
yimaadeen oo ay kulmeen. Waxaa qabsoomida kulankaas bar bar
socday dagaal xoogan oo dhexmarayay qaar kamid ah hogaamiyaasha
muqdisho imikana wasiiro ka ah DKMG iyo wadaaddada maxkamadaha,
dagaalkaan waxaa la rumaysan yahay ay ka danbeeyaan ciidamada
fadhiya bariga afrika ee maraykanka ah,
sida ay sheegayaan ilo xog
ogaal ah, in madax maraykan ah ay xiriir la sameeyeen dowlada
iyo madaxweynaha ay isku afgaran waayeen in lala dagaalamo
argagixisada iyadoo maraykanka ay ilaashanayeen danahooda la
dagaalanka waxa ay u yaqaaniin argagixasada, ayagaa waxaa
madaxweynaha soomaaliya si toos ah wuxuu ugu xiray shardi ah in
maraykanka uu marka hore muujiyo taageerid iyo in cunaqabataynta
hubka laga qaado Soomaaliya,waxaa kaloo uu u carabaabay in aysan
suuragal ahayn in laga adkaado haddii sidaas wax ka duwan loola
tago. taasi ayaa waxaa ay u arkeen madaxdaas maraykanka ah waqti
dheer in ay qaadan karto sidaas darteed ayaa waxaa ay xiriir
hoose la sameeyeen oo ay adeegsadeen Hogaamiyaasha muqdisho si
ay uga taqalusaan maxkamadaha Muqdisho,
dagaalka oo khasaare
badan geystay weli hadal cad lagama hayo dowlada kumeelgaarka
ah. welina cidana kuma guulaysan dagaalkaa. Hase yeeshee waxa
jira dacaayado badan oo lagu kala jihaysanayo dadka degan
waqtigan muqdisho. Isbahaysiga ladagaalanka argagixasada ee
dhowaan la dhisay ayaa nin u hadlay oo ganacsade hubaysan ah
lana yiraahdo bashiir raage ayaa sheegay in ay xiriir leeyihiin
booliska interpol loo yaqaan.? Waxaase la yaab noqotay in
interpol ay xiriir la leedahay ganacsatada qaarkood iyadoo ay
dowlada joogto Baydhabo. Maxkamadaha muqdisho oo hab reer ama
qabiil ku dhisan ayaa waxaa ay dadka qaar badan oo kamid ah u
arkaan in ay buuxsheen nidaamkii cadaalada ee madaniga ahaa,
kadib markii ay si dhexe ukala
dhexgaleen inbadan oo isku haystay xoolo ama diyo. Dadka waxaa
ay ku tuhmayaan maxkamadaha muqdisho diin, waana tan keentay in
hogaamiyaasha kooxaha ay si toos ah uga horyimaadaan una
muujiyaan colaad, markii ay arkeen shacabka muqdisho oo u
jihaystan xaga maxkamadaha islaamiga ee muqdisho.
Waxaa jira weli isbaryaac
dhinac walba ah, soomaliya waa meel lagu soo baxo doorashada
markaad dishid dad maata ah. DKMG ayaa iyada tiradii
ugu badnayd ku joogta Baydhaba hayeeshee waxaa jira weli
isdiyaarin la’aan iyo iyadoo Baydhaba lagu soo dagay si deg deg
ah.
kadib markii ay adkaatay in la
fahmo hogaamiyaha siyaasada shabeelada dhexe. Waxaa la
odorasayaa in hanka siyaasadeed ee C/lahi yusuf uusan la
dhacsanayn Maxamed Dheere.
Xiisada u dhaxaysa DKMG iyo gudoomiyaha siyaasada jowhar waxaa
ay soo if baxday kadib markii uu Maxamed Dheere saxaafadda ka
weeraray madaxwaynaha Soomaaliya oo uu ku eedeeyay asagoon kala
tashan inuu u guuray magaalada Baydhabo isla markaana uusan si
siman u qaybin saanadii iyo deeqda umada udhaxaysa, hayeeshee
eedayntaas waxba kama aysan oran Mdaxwene C/lahi iyo
Dowladiisaba.
Hadallada kasoo yeeraya Maxamed Dheere ee uu kusheegayo inuusan
la shaqayn doonin dawladda ayaa bilowday tan iyo markii
guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo
uu ka dhacayo shirka baarlamaanka Soomaaliya halka Maxamed
Dheere doonayay in shirku ka dhaco magaalada Jowhar oo ay
dhamaan dawladu dagto Jowhar.
Horay dawlada federaalka Soomaaliya ayaa intii ayan kasoo guurin
dalka Kenya oo lagu dhisay waxay go'aansatay in magaalooyinka
Jowhar iyo Baydhabo ay ku sii hakato dawladu inta caasimada
laga nabadaynayo, inkastoo ay markaas ka dib maleeshiyooyin ku
diriray awgeed ay dawladu u dagi wayday Baydhabo oo hadda u
muuqata inay kasoo kabatay dirirtii kooxaha.
Maxamed Dheere wax xil ah kama hayo dawldda , hase ahaatee wuxuu
mar ahaa saaxiibka ugu wayn ee dawladda Federaalka Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya , kama aysan soo bixin wax war ah
oo loogu jawaabayo hadallada kasoo yeeraya Maxamed Dheere.
Waxaase laga yaabaa in xiligeeda la qancin doono saaxiibkii hore
ee DKMg. Inkastoo wararka qaar ay tibaaxayaan inuu ku sheeganayo
DKMG dhaqaalo ka yar 10malyan,
hase yeeshii waxaa laga yaabaa in dhaqaalahaas uu yahay mid
looga sii qaatay buuga ku qoro dib ayaa lagaa siinayaa, maadaama
uu isagu ahaa xiligii Jowhar ninka sida muuqata ugu tunka weynaa,
wixii uu yiraahdo qiimahooda waa intaas asagaa mudnaa..? DKMG oo
imika la liicaysa dhaqaalo xumi iyo iyadoo weli ku ceebaysan in
aysan waxba ka qaban abaaraha dalka iyo colaadaha ka jira
koonfurta, waxaa ku adkaanaysa in bixiso dhaqaalo intaa dhan oo
lagu leeyahay, waaxaase suuragal ah in Maxamed dheere uu si
fudud u dhihi doono waan u cafiyay DKMG deeyntaan ku lahaa, sida
bangiga aduunka oo kale.
Newyork-Golaha
ammaanka ee qaramada midoobay ayaa si xooggan u taageeray in
kulanka baarlamaanka uu si habsami ah ugu qabsoomo magaalada
Baydhabo .
Golaha ammaanku wuxuu ugu baaqay baarlamaamka Federaalka in uu
qabsado hawshiisa ah inuu dalka nabad kusoo dabbaalo , isla
markaana uu xooggiisa isugu geeyo dib u heshiisiinta dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kaloo laga codsaday inay qayb
libaax leh ka qaataan sidii dadka dhibaataysan ee Soomaalida ah
ay gar gaar u heli lahaayeen.
Qoraalka taageerada kulanka baarlamaanka waxaa akhriyay
madaxwaynah adalka Argantina oo madax u ah 15ka dal ee golaha
amaanka ku jira.
Golaha ammaanka wuxuu cambaareeyay dadka dhibaateeya gaadiidka
iyo shaqaalaha u gar gaaraya dadka abaaruhu ku hayaan Soomaaliya.
Wuxu kaloo cambaareeyay afduubka maraakiibta gar gaarka iyo kuwa
kale ee maraya biyaha Soomaaliya inay wax u dhimayaan in
Qaramada midoobay ay dadaalkeeda gar gaarka sii waddo.
Golaha ammaanka wuxuu cambaareeyay ku xadgudubka lagu xadgubyo
cuna qabataynta lasaaray hubka Soomaaliya, ayadoo lasheegay in
dagaallada dalka ka soconaya ay qayb ku leeyihin in lagu xadgubo
cuna qabataynta.
Golaha ammaanku kuma uusan hadlin arin ay u bandhigeen ururka
midowga Afrika iyo IGAD oo ay kaga codsanayaan in Soomaaliya
laga qaado xayiraadda hubka.
Waa markii ugu horaysay ee golaha amaanku uu si rasmi ah uga
hadlo shirka baarlamaanka Soomaaliya uga furmay Baydhabo.
Nairobi.Inkastoo
ay jiraan dadaaalo ay ka imaanaya dowladaha deriska ah. shirkii
dhowaan ka dhacay Nayroobi ee IGad. Ayaa
Madaxwaynaha dalka Kenya oo magaca wayn ku lahaa dhismahaha
DFKGS , ayaa iminkana waxaa lasheegay inuu sii fuulay xilkiisa
kaga aaddan urur goboleedka IGAD arimaha Soomaaliya. Maadaama uu
isagu madaxtinimadii IGAD kala Wareegay Musaveeni
Todobada dal ee kuwada jira IGAD ee kala ah:- Soomaliya,Sudan,
Uganda, Kenya, Ethiopia, Eritrea, and Djibouti ayaa isla
aqoonsaday in Soomaaliya ay iminka u baahan tahay gacan qabasho
lixaad leh , ayadoo aysan meesha kasaarin in hogaamiyeyaal
hubaysan ay dalka ammaankiisa fara ba'an kuhayaan.
Culayska wadamada IGAD haystaa ma aha oo kaliya colaadaha balse
waxaa jira cudurka Shimbiraha oo laga baqayo iyo abaaraha oo
saameeyay dad lagu qiyaasay 11milyan oo ay abaaruhu ku dhufteen
marka laga reebo UGaandha oo isagu weligii ahaa wadan doog badan
dadkiisana aysanba u baahan wax kaalmo dibada. Marka laga reebo
xalinta colaadihii soomaray wadnkaas. Kibaki waxaa la filayaa in
uu xooga saari doono arimahaas.
Urur Goboleedka IGAD waxay samaysay intii ay ku shirsanaayeen
Nairobi dadaal dheeri ah kaasoo aan wali gaarin heerkii ugu
danbeeyay oo ah in ciidamo ay geeyaan Soomaaliya, hase ahaatee
waxay ballan qadeen inay codsiyo kala duwan gudbin doonaan.
Sida uu qoray wargayska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda ,
waxaa beesha caalamku naf ahaanteeda ay ka gaabisay inay
Soomaaliya ciidamo u diraan ,kadib markii Maraykanku uu sheegtay
in dalka Soomaaliya si aan fiicnayn loogala dhaqmay
sagaashameeyadii.
Tallaabooyin wanaagsan ayaa dalka Soomaaliya laga sameeyay muddo
laba sano ah gudohood ayadoo lagu soo dhisay dawlad leh
baarlamaan , wasiiro iyo garsoor.
Arinta diiradda la saarayo iminka waa in la hir galiyo waaxyihii
dawladda Soomaaliya , iyo in laga gudbo is bar baryaaca ka jira
Soomaaliya .
Dalka Soomaaliya waxaa kusugan malleeshiyo gaaraysa 60,000 oo
qof kuwaasoo hubaysan qoryaha fud fudud noocyadooda kala duwan,
waxayna dhammaan ubaahan yihiin awood hubka ka dhigta, xitaa
magaalada imika xaruunta u noqotay DKMG ee Baydhabo waxaa ka
jirta fowdo xaga sharci darada ah iyo iyadoo weli ay shaki
qabaan hogaamiyaasha kooxeed ee ka jiray Baydhabo. Arinta waxaa
ay cirka gashay markii ay soo gaareen Ciidamadii daacada u ahaa
madaxweyne C/lahi Yusuf Gobolada Baay iyo Bakool iyagoo ka soo
kicitimay magaalada Jowhar.
Shakiga
kuma eka oo kaliya Hogaamiyaasha xildhibaanada noqday ee waxaa
isagana dhiniciisa la dareemayaa in uu weli shakisan yahay
Gudoomiyaha baarlamaanka oo isagu la gaaray heshiis kal hore
Madaxweyne C/lahi yusuf. Inkastoo C/lahi yusuf ay ka shakisan
yihiin dadka ku nool Koonfurta iyo waqooyiga Soomaliya qaarkood
hadana waxaa cad in dadka ku nool Puntland ay mararka qaar
sitoos ah u cadeeyaan in ay udarsadeen C/lahi yusuf xaga amaanka
marka laga eego. Xiriirka uu la yeeshay madaxdii hore ee soo
martay soomaaliya siiba kuwii ugu danbeeyay ee xiligii Kacaanka
waxaa ay muujinaysaa in Madaxweyne C/laahi Yusuf uu qorshaynayo
in uu helo rag xirfad iyo waayo aragnimo maamul leh, si uu uga
gudbo caqabadaha hortaagan waana arinta ku beertay shakiga
madaxdii kooxaha.
welise wax isbedel ah ma
aysan helin saboolka iyo maatada unugul waxyeelada ka dhalatay
fowdada.
yaa diidan in dowlad kala
danbayn lahelo.? maxaad ku salaysy doodaada.?..
Qore: Abdulmalik M Farah
Abdulmalikfarah@gmail.com
|