|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Soomaaliya?.     Maqaalo kala duwan...

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.  qaybta 1aad

Qaybta2aad Qaybta3aad

Apollo 11 ma gaaray Dayaxa. WD: Xirsi Faarax xayir

Dhamaan Dadka Reer puntland WD:Siciid C. Cali-Ilweyn

 

 

 
 

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye. (Waxaan ka bilaabaynaa 1990) ilaa iyo.......

WQ: Abdulmalik M. Farah (Gaas)

Curashadii Maxaakimta.

Maalinba Maalinka Kadanbaysaa waxaa sii kordhayay Soomaaliya dhibka iyo ku tumashada xuquuqda iyo sharafta umada Soomaaliyeed, taas oo ay horjoogayaal u ahaayeen raga loo yaqaan Hogaamiya kooxyo. sikastaba

Xubno ay kamid yihiin Wasiirada kala ah Cumar Finish, Muuse Suudi, Qanyare iyo Bootaan Ciise iyo Ganacsatada kala ah C/rashiid Ilqeynte ,Bashiir Raage iyo Axmed Shukri ayaa kaga dhawaaqay18 Febrayo.2006 Isbaheysi lagu sheegay inuu yahay mid la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa shalayto loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho,iyadoo Isbaheysigan ay ka buuxaan qaar ka mid ah Wasiirada hubeysan ee Argagaxa kuhayey 15-kii sano  Magaalada Muqdisho iyo Ganacsato caan ah oo ay ka mid yihiin Milkiilaha Hotelka saxafi C/rashiid Ilqeynte iyo Bashiir Raage.

Ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa waxaa uu yimid shirar wadatashi ah oo u socday raggan,iyadoo dad badanina ay aaminsanyihiin inuu yahay Mashruuc Cusub oo dhaqaale looga raadsanayo Dowladaha Reer galbeedka oo kuhowlan ladagaalanka Argagixisada. iyadoo ku dhawaaqista Isbaheysigan lagu sheegay inuu bartimaameed u yahay Wadadaada Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa hadana lagaran karin inuu isu bedeli doono mid lagula dagaalamayo Culimada diinta islaamka gebi ahaan.

Xubnaha Isbaheysigan la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa waxaa ka mid ah Wasiiradka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare, wasiirka Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamed Maxamud (Finish), Ganacsade Bashiir Raage,Ganacsadaha kale C/rashiid Shire Ilqeynte iyo xubno kale.

Bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay la dagaalimi doonaan kooxaha wejiyada soo xirta ee xambaarsan fikiro laga keenay Dibadda,waxayna sheegeen in kooxahan ay ka dambeeyaan dilalka loo geysto Saraakiisha iyo shaqsiyaadka Aqoonta leh ee Somaaliyeed.

Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa Sheegay in wixii ka dambeeyo maanta aan loo dul qaadan doonin kuwa sheeganaya Maxkamadaha Islaamiga.

Iyadoo maanta lagu dhawaaqay Isbaheysigan ayaa haddana waxaa isbaheysigan ku jira nin Maanta dagaal kula jira Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho kaas oo lagu eedeyay inuu dilay bishii July ee sanadkii hore Taliyihii Maxkamada Islaamiga Ifka Xalane, kaas oo lagu Magacabo Cabdi Nuure Siyaad Cali (Cabdi Waal),inuu ninkan uu ahaa Maskaxdii dishay Taliyihii Maxkamadda Ifka Xalane waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho.

Ganacsade Bashiir Raage ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Galgalato oo u dhaxeeyay Maleeshiyadiisa iyo kuwa Xaaji Abuukar Cumar( Caddan) uu ahaa mid ay ka dambeeyan wadaado xiriir la leh Dibadda.

Hadaba marka la eego isbahaysigaan ujeedadiisa ayaa ah mid khatar ku ah Culimada Diinta islaamka ee Soomaaliya Guud ahaan iyo Nabadgelyada shacabka soomaaliyeed.Waxa ay Reer Galbeedku  u adeegsadaan ereyga ah Argagixiso ayaa ah mid la isku haysto dadka caadiga oo maankooda feyoow waxay Argagixiso u yaqaaniin qofka halis ku ah qof kale naftiisa iyo maalkiisa diintuu doona ha aaminsanaadee Laakiin waxaa jira dhibaatooyin weyn oo loogeysto dad Muslim ah Naftooda iyo Maalkooda ayada oo reer galbeedku ku eedeyneynin Xukuumadaha dhibkaas geysta Ereyga Argagixiso wax layiraa Tusaale waxaa kuugu filan sida dadka reer falastiin loo galo, Laakiin marka qof diinta islaamka sheegtaa dhib geysto waxaad had iyo goor maqashaa Ereyga ah Argagixiso Iyada oo kuhaboonaan laheyd in loogu yeero shaqsigaas denbiile maadaama ay yihiin dadkaas dhibaatada ugeysta reer galbeedku dad tiro yar marka loo eego dadka diinta islaamka aaminsan.hadaba hadii aan usoo laabano tan soomaaliya shaqsiyaadkan isbahaysigaan sameystay waa kuwii Nafta iyo maalka qofka soomaaliyeed ee doonayey inuu si xor ah wadankiisa ugu noolaado udiiday 15-kii sano ee lasoo dhaafay ee Argagixiso nimada kuwadey..(Warka waxaan ka xigtay.Ahmed Moallim Ali (uudow)doynet.com.

arinka ladagaalanka ayaa waxaa si toos ah ugu jiray dowlado reer galbeed ah oo uu ugu weyn yahay Maraykanka, Wadaadada ama maxkamadaha ayaa waxaa u suura gashay in ay helaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaan xitaa waxaa sida lala socdo xiligaa taageeray Maxaakimta DKMG ee uu C/lahi yusuf ka yahay Madaxweynaha, arinkaan ayaa sababay in ay soo badato kalsoonida Maxaakimta iyo waliba Shacabka oo rumaysnaa in ay sahlantahay in ay heshiiyaan maxaakimta iyo dowlada haddii ay guuleystaan maxaakimta. arinka ayaa waxaa ay qaadatay mudo in la kala ogaado cida yeelanaysa guusha  inkastoo ay soo dhoweysay dowlada KMG haddana waxaa jiray soo muuqan karay, taas oo ah in Maxaakimta ay noqdaan awood ka garab taagan Dowlada, arintaan ayaa waxaa markiiba laga dareemayay oraahda ka soo baxaysay madaxda DKMG iyagoo ku tilmaamayay, Kacdoonka Shacab, halka Maxaakimta ay iyagu ahaayeen cida wax Hogaaminaysay, sikastaba, dabayaaqadii bisha juunyo 2006 ayaa si weyn loo ogaaday in maxaakimta ay ku guulaysteen dhamaan Muqdisho iyo inta kulaasha ee magaalooyinka kale ah.

Guusha Maxaakimta ma wax iska yimidbaa mise.???

Haddii si qota dheer aan u eegno lama oran karo waa guul iska timid, hayeeshee waxaanu u baahanahay in aan dib u jaleecno wixii ay soo martay soomaliya, taas oo kaliya naguma filna ee aynu isha ku hayno dhacdooyinkii la soo maray.cidana ma gaari karto go'aan taariikheed ilaa ay hesho ama ogaato (tagtadeeda,tan socota iyo timaadada) waxaan oran karaa shaqsiyan ka Abdulmalik ahaan in ay arinka guusha uu ahaa maxsuulkii ay heleen Culumadii bilowda ka shaqaynta xisaabtii ahayd in umada la baro Caqiidada saxda ah taas oo ah (AL walaa Wal baraa) taas oo ay ku kala ogaan karayeen cida saxda ah, waxaa intii lagu jiray xiligii kala guurka ee dagaalada Sokeeye ay soo saareen dhalin tira badan oo ku kala fidhidhsan daafaha Soomaaliya iyo weliba wadamada ay u badan yihiin Soomaliya ee Galbeedka ama Afrika, waxaa ay ka qayb qaateen Culumada, dhisida masjidyada, goobaha waxbarashada, Caafimaadka iyo ukaalmaynta dan yarta iyo masaakiinta, iyagoo inta badan ka sheegayay Masaajida. arinkaan ayaa waxaa uu kalsooni siiyaya shacabka caadiga ah ee Soomaaliyeed, marka laga reebo kuwa iyagu awooda ama madaxda ahaa oo iyagu ka horjoogay si toos ama dadban in ay wax mansab ah qabtaan Culumada. isku dayo hore oo ay Culumada qaarkood isaga dayeen Magaalooyinka Bari Soomaaliya ee hatan Layiraahdo Puntland bilowgii sagaashameeyada ayaan lagu guulaysan iyo kii xigay ee Gedo iyo nawaaxigeeda oo ay Itoobiya ku soo duushay xaruuntii waagaas u ahayd Wadaada siiba kuwa Soomaalida ay u taqaan Al itaxaad al islaami. arimaha aan soo sheegnay oo ahaa in culumada ay iyagu meelo badan oo ay umada u baahan tahay gacanta ugu hayay ayaa waxaa sii dheeraa in Culumada ay Hal mar Suuqa shaqada galeen oo ay wada noqdeen ganacsato, tani waxaa ay sabab u noqotay cida la aaminaa in ay noqoto qof Tukada oo fuliya waajibaadka alle,  sikastaba Gobolada oo kala daruuf duwanaa waxaa ay ku noolaayeen hadba sida ay tahay meesha ay ku nool yihin iyo amaankeeda, wadaadada ku noolaa Magaalada Muqdisho waxaa ay samaysteen maxkamad taas oo tii ugu horeysay la sameeyay Xiligii Cali mahdi uu ahaa Madaxweynaha lagu doortay Jabuuti, balse waa ay baa'baday, kadib waxaa dib loo abaabulay maxkamado kala du duwan oo beelo ku salaysan, iyagiina Xiligii C/qaasim salaad Madaxweyne loogu doortay Carta Jabuuti ayaa la baa ba'shay, sikastaba waxaa ay soo laabteen iyagoo intii hore ka mug weyn intii la joogay Shirkii Imbakaati, kadib markii la dhisay dowlada KMG ee C/lahi Yusuf uu madaxweynaha ka yahay ayay la kowsadeen iyagoo ah awood qarsoon, si fududna uga taqalusay dhamaan hogaamiye kooxeedyadii la baxay magaca ladagaalanka arxgagixisada iyo soo celinta nabada. taasi waxaa ay muujisay in maanta awooda Maxaakimta laga dareemo caalamka oo idil laguna tilmaamo in ay ka taliyaan dhamaan dhulka koonfureed Soomaaliya.

weli ma aysan dhamaan xaaladii cakirnayd ee Soomaliya

 

Qore: Abdulmalik M Farah

Abdulmalikfarah@gmail.com

 

 

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net