|
Waxaan salaan diirran u gudbinayaa dhammaan siyaasiyiinta,
isimada- iyo
odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo
dhammaan
dadweynaha reer Puntland. Waxaan idinku hambalyeynayaa sidaad
deegaankiinna
u gaarsiiseen heer nabadgelyo iyo kala dambayn, taasoo ah meel
laga sii
ambaqaadi karo lagana sii horumari karo.
Salaan ka dib, waynnu wada ognahay wixii la soo maray iyo
xilliga lagu jiro,
waana aynnu qiyaasi karnaa mustaqbalka iyo waxa dhci kara,
haddaan si fiican
u fakarro.
Burburkii ka dib, dalku wuxuu kala noqday degaanno ismaamulay
heer kastaba
ha gaareene, degaanno ismaamuli kari waayey iyo degaanno ku
jirey
dagaallo/qabsi iwm.
Nasiib wanaag, Puntland waxay ka mid ahayd degaannadii
ismaamulay, nabad iyo
barwaaqana ku gaarey. Waa jirtaa inaan wali heerkii la rabey
laga gaarin
dhinacyada badan oo horumarka dalka iyo dadka. Waana caadi in
waligeedba
dadku u halgamo horumar iyo isbeddelkii lagu gaari lahaa.
Laakiin, maaha in laga raadiyo horumarka meel uusan jirin. Maxaa
markii roob
do’o loo dirsan jirey sahan? Maxaa loo yiri miro geed saran kuwo
gunti ku
jira looma daadiyo? Maxaa loo yiri hubsiino hal baa siistaa?
Maxaa loo yiri
ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara?
Dadka Reer Puntland maaha inay u riyaaqaan dad woxoodu ku
salaysan yihiin
kacdood beeleed ka dhacay degaanno an wax maamul ahi hore uga
jirin oo fawdo
iyo dhibaato ku jirey. Puntland la heer iyo baahi maaha Xamar oo
jabhadihii
isku haystey ku kala adkaadeen, laakiin loo samayn kari waayey
wax maamul
ah, oo markasta ku noqon karta sideedii iyo si ka daran maamul
la’aan
awgeed. Haddaba, maxay tahay sababta Xamar loogu samayn waayey
maamul oo loo aadey ilaa Puntland iyo Kismaanyo, looguna
dhaaranayo ilaa Somaliland?
Dhibaatooyinka lugta ina haya waxa ugu waaweyn labo waxyaalood:
1. qabiil
iyo 2. aqoon yari. Labadaas qodob ayaa dadweynaha u diiddan in
wax la
hubsado, in qof walba lagu tixgeliyo wixii uu isagu qof ahaan
yahay ama
leeyahay, in wax la hubsado, in wax la diiwaan galiyo, in si
wanaagsan loo
xisaabtamo iwm.
Maxkamadaha soow labada qodob dhab ugama muuqdaan, mar hadday
intaas
degaanno dad kale oo nabad haysta ku duulayaan? Dhinaca kale,
soow ma cadda
inay dowlad diid yihiin, illaa Soomaaliya hadda dowlad adduunku
aqoonsan
yahay baa ka jirtee? Diinta iyo dowladnimo midna looma wakiilan
ee way
khasbanayaane.
Haddaba, miyey Puntland iyo degaannnada la midka ah matali
karaan shaqsiyaad
an dhab wax u ogeyn amaba u xaglinaya dan shaqsi? Miyaan la
ogeyn xaaladda
dhabta ah oo manta ka jirta Gobolka Shabeellada Hoose, Kismaanyo
iyo
dhammaanba meelaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan? Dadku waa la
hayste an wax
talo iyo ikhyaar ah lahayn. Waayo, hubkii ayaa waxaa ka qaaday
jabhad
beeleed diinta Islaamka oo dadweynaha Soomaaliyeed aad u
xurmeeyo si ogaan
ah ugu soo gabbatay. Haddii ayan saas ahayn Yuusuf Indhacadde
kuma mataleen
Barre Hiiraale Shaar u baddalayo markii uu doono, isagoo leh
”Barre awalba
annagaa meesha u dhiibney, haddana annagaa ka qaadnay”. Yuusuf
Indhacadde
afkee buu ku hadlayaa markuu saas leeyahay? Mase ogtahay
akhristow inaan
marka Barre Hiiraale Kismaanyo loo dhiibayo Maxkamaduhu jirin.
Marka wuxuu ka wadaa beel ahaan baan meesha kuugu dhiibanney,
haddana
annagii ayaa kaa qaadnay. Soow ma cadda hadda in micnuhu yahay:
“jabhaddayadii baa maxkamado isu beddeshey ilaahow waa kugu
mahad”.
WD: Siciid
Cabdille Cali-Ilweyn
|
|