|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
   

 

DHAMMAAN DADKA REER PUNTLAN   Maqaalo kala duwan...

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.  qaybta 1aad

Qaybta2aad

Apollo 11 ma gaaray Dayaxa. WD: Xirsi Faarax xayir

Dhamaan Dadka Reer puntland WD:Siciid C. Cali-Ilweyn

 
 

Talo Dhaxalgal ah

WD: Siciid Cabdille Cali-Ilweyn


Waxaan salaan diirran u gudbinayaa dhammaan siyaasiyiinta, isimada- iyo
odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo dhammaan
dadweynaha reer Puntland. Waxaan idinku hambalyeynayaa sidaad deegaankiinna
u gaarsiiseen heer nabadgelyo iyo kala dambayn, taasoo ah meel laga sii
ambaqaadi karo lagana sii horumari karo.
Salaan ka dib, waynnu wada ognahay wixii la soo maray iyo xilliga lagu jiro,
waana aynnu qiyaasi karnaa mustaqbalka iyo waxa dhci kara, haddaan si fiican
u fakarro.
Burburkii ka dib, dalku wuxuu kala noqday degaanno ismaamulay heer kastaba
ha gaareene, degaanno ismaamuli kari waayey iyo degaanno ku jirey
dagaallo/qabsi iwm.
Nasiib wanaag, Puntland waxay ka mid ahayd degaannadii ismaamulay, nabad iyo
barwaaqana ku gaarey. Waa jirtaa inaan wali heerkii la rabey laga gaarin
dhinacyada badan oo horumarka dalka iyo dadka. Waana caadi in waligeedba
dadku u halgamo horumar iyo isbeddelkii lagu gaari lahaa.
Laakiin, maaha in laga raadiyo horumarka meel uusan jirin. Maxaa markii roob
do’o loo dirsan jirey sahan? Maxaa loo yiri miro geed saran kuwo gunti ku
jira looma daadiyo? Maxaa loo yiri hubsiino hal baa siistaa? Maxaa loo yiri
ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara?
Dadka Reer Puntland maaha inay u riyaaqaan dad woxoodu ku salaysan yihiin
kacdood beeleed ka dhacay degaanno an wax maamul ahi hore uga jirin oo fawdo
iyo dhibaato ku jirey. Puntland la heer iyo baahi maaha Xamar oo jabhadihii
isku haystey ku kala adkaadeen, laakiin loo samayn kari waayey wax maamul
ah, oo markasta ku noqon karta sideedii iyo si ka daran maamul la’aan
awgeed. Haddaba, maxay tahay sababta Xamar loogu samayn waayey maamul oo loo aadey ilaa Puntland iyo Kismaanyo, looguna dhaaranayo ilaa Somaliland?
Dhibaatooyinka lugta ina haya waxa ugu waaweyn labo waxyaalood: 1. qabiil
iyo 2. aqoon yari. Labadaas qodob ayaa dadweynaha u diiddan in wax la
hubsado, in qof walba lagu tixgeliyo wixii uu isagu qof ahaan yahay ama
leeyahay, in wax la hubsado, in wax la diiwaan galiyo, in si wanaagsan loo
xisaabtamo iwm.
Maxkamadaha soow labada qodob dhab ugama muuqdaan, mar hadday intaas
degaanno dad kale oo nabad haysta ku duulayaan? Dhinaca kale, soow ma cadda
inay dowlad diid yihiin, illaa Soomaaliya hadda dowlad adduunku aqoonsan
yahay baa ka jirtee? Diinta iyo dowladnimo midna looma wakiilan ee way
khasbanayaane.
Haddaba, miyey Puntland iyo degaannnada la midka ah matali karaan shaqsiyaad
an dhab wax u ogeyn amaba u xaglinaya dan shaqsi? Miyaan la ogeyn xaaladda
dhabta ah oo manta ka jirta Gobolka Shabeellada Hoose, Kismaanyo iyo
dhammaanba meelaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan? Dadku waa la hayste an wax
talo iyo ikhyaar ah lahayn. Waayo, hubkii ayaa waxaa ka qaaday jabhad
beeleed diinta Islaamka oo dadweynaha Soomaaliyeed aad u xurmeeyo si ogaan
ah ugu soo gabbatay. Haddii ayan saas ahayn Yuusuf Indhacadde kuma mataleen
Barre Hiiraale Shaar u baddalayo markii uu doono, isagoo leh  ”Barre awalba
annagaa meesha u dhiibney, haddana annagaa ka qaadnay”. Yuusuf Indhacadde
afkee buu ku hadlayaa markuu saas leeyahay? Mase ogtahay akhristow inaan
marka Barre Hiiraale Kismaanyo loo dhiibayo Maxkamaduhu jirin.
Marka wuxuu ka wadaa beel ahaan baan meesha kuugu dhiibanney, haddana
annagii ayaa kaa qaadnay. Soow ma cadda hadda in micnuhu yahay:
“jabhaddayadii baa maxkamado isu beddeshey ilaahow waa kugu mahad”.
 

WD:Siciid Cabdille Cali-Ilweyn

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net