|
GAROWE>>DABAAL DEG >> Xuska 11aad ee aas aaska Puntland oo loo farxad cayaarayo.
Amaanka guud ee caasumada Puntland ayaa la adkeeyey waxaana ciidamado dheeri ah lakeenay magaalada, maalmihii ugu dambeeyey, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo laamaha amaanka ee magaalo Madaxda dowladda Puntland.
Dowladda Puntland ayaa ujeedka ciidamadan ku sheegtay kuwa lugu sugayo amaanka Magaalada, maadaama loo diyaar garoobaya maalmaha lugu tilmaamay Farxada Puntland oo ah dhismihii dowladda Puntland.
Sannad guureed 11aad ee Dowladda Puntland ayaa looga diyaar garoobayaa magaalada Garowe iyo guud ahaan gobalada Puntland, waxaana hada socda abaabulid iyo kicin dadweyne oo ay wadaan Gudi heer Puntland ah oo uu magacaabay k/simaha Madaxweynaha dowladda Puntland todobaadyo ka hor.
Gudigan ayaa qaatay kulankoodii 4aad oo ay uga hadlayaan udiyaar garoowga Munaasabadan Xasuusta Mudan, waxaana ay soo bandhigeen gudi hoosaadyada arimahan loo xilsaaray waxqabadyii ay muujiyeen mudadii ay howsha wadeen, waxaana Gudi walba uu soo gudbiyey howlaha ay ubaahan yihiin iyo sida ay wax uqabanayaan.
Gudiyada ayaa iskugu jira dhamaanba cida ay khuseyso udabaal-daga dhismihii dowladda Puntladn ee Soomaaliyeed, waxaana ugu muhiimsanaa gudiyadaasi gudiga ciidamada, Bulshada rayidka ah, Shaqaalaha dowladda iyo Gudiyo kale.
Ciidamada dowladda Puntland oo ka tiro badan doona guutadiiba 300 Askari ayaa mari doona Jidadka waa weyn ee caasumada, sidoo kale Tiknikada ciidamada oo iskugu jirta noocyo badan ayaa mari doona, sida ay cadeeyeen gudiga ciidamada dowladda Puntland oo leh nooc walba.
Gudigan ayaa shaaciyey in laga bilaabo 20-ka bishaan ay bilaabi doonaan howlgal wardoon ah, si loo ogaado xaalada ka jirta deegaanada Puntland iyo waxyaabaha jiri kara ee ay wadaan dad ka soo horjeeda horumarka Puntland.
Kooxaha Fanka ayaa sidoo kale ayaguna udiyaar garoobaya xafladan, waxa ayna soo bandhigi doonaan Heeso, Riwaayado, Gabayo iyo waxyaabo kale oo ay sheegeen in ay dadka ugu sheegayaan wanaaga iyo Midnimadu qeymaha ay leedahay, oo ah mid aad uweyn.
Abwaanada joogta Xuskan ayaa kuwa aad looga yaqaano Soomaaliya, loogana dambeeyo arimaha Sameynta waxyaabo walba oo fanka lahalmaala waxaana ka mid ah, Abwaan C/qaadir Shube, Abwaan Xasan Guulwade, Abwaan Jaamac Kadiye, Abwaan Xasan Warsame Xiireey, oo dhamaantood ka tirsanaa kooxihii Qaranka ee Soomaaliya ahaana ragii sameyn jiray heesaha maanta ay Soomaalidu qaado.
Kooxda Farshaxanka oo ka mid ah kooxaha howlahooda ladiyaariyey ayaa soo bandhigay,sida ay udoonayaan in ay waxqabadkooda ku muujiyaan maalintan,waxaana ay sheegeen in ay magaalada oo dhan ku xiri doonan Hal-ku-Dhagyo ka hadlaya Puntland iyo Isbadalada ay xukuumadan cusub dooneyso in ay fuliso.
Madaxtooyada ayaa lugu xardhi doonaa Magacyo muujinaya horumarka Puntland, waxaa kaloo lugu qorayaa Boorar ladhigi doono magaalada in aysan Puntland marnaba ka go'idoonin Soomaalida, ayna ka mid noqon doonto dowlad kasta oo Faderaalism ku dhisan, In Siyaasadoodu tahay horumar iyo Nabad ee aysan aheyn dagaal iyo dhibaato.
Kooxda Farshaxanka ayaa ku dhajinaya Madaxtooyada, Magaalada oo dhan iyo goobaha shirarka kuna sawirayo sawirada 4 Madaxweyne oo soo maray maamulka Puntland, kuwasoo kala ah C/laahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamuud Muuse Xirsi iyo C/rixmaan Maxamed Maxamuud, sla markaasna ladoonayo in qof walbaa isku dayo in uu ka shaqeeyo amaan iyo Horumarka deegaankiisa.
Gudiga Shaqaalaha dowladda, waxaana soo maraya socdaalka ay dhinacyadu sameynayaan gudiga Shaqaalaha dowladda Puntland oo xiran (SHAAR CAD & SURWEEL MADOW), waxa ayna ka kala imaan doonaan Wasaarada dowladda oo dhan.
Gudigan Haweenka waxa ay sheegeen in ay ka imaan doonaan In ka badan 100 Haween ah oo xiran (DHARKA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA), isla markaasna ay mari doonaan Munaasabada.
Gudiyada Ardayda nooc walba, Dhalinyarada waxaa ka imaan doonta 75 Dhalinyaro, kuna labisan Direys gaar ah, Ardayda dhigata Iskuulada H/Dhexe oo ayana qabi doona dhararkooda lugu yaqaano, 75 qof oo ka mid ah dadka barta Kuliyada Caafimaadka Puntland oo qabi doona dharka lugu yaqaano, 100 Arday oo dhigata Jaamacadaha Puntland markaasna xiran dharka Jaamacadaha & Macalimiinta oo xiran direyskooda mari doonaan goobta.
Dhamaanba dhinac marka uu marayo Wadooyinka ama Tarabuunka, waxaa la qorsheeyey in uu qaado hees iyo Hal-ku dhag ugaar ah, waxaana ay dad badan uarkayaan hadii ay howshan hirgasho mid ay dadka Puntland u arki doonaan talaabo xasuus weyn ku reebi doonta.
11-kii sanno ee ay soo jirtay Puntland dad badan ayaa aaminsan in aan wali la gaarin Yoolashii loo baahnaa, waxaana taasi sabab looga dhigay xaaladaha kala gedisan ee soo maray Puntland, ayadoo hada Maamulka cusub laga dhowrayo Isbadalo waa weyn, inkastoo ay hadaba soo muuqdaan Isbadalaasi.
ALp F. C. Maxamed |