Ku socoto: Soomaalida waddaniyiinta ah
Waxaan horay u soo qornay in lagama maarmaan tahay oo aanu doonayno in aan
aasaasno urur Soomaaliyeed oo waddani ah, sidaas daraadeed waxaan imminka
doonayna sidii aan u heli lahayn waddaniyiin Soomaali ah oo diyaar u ah in
ay waddankooda iyo dadkooda wax u qabtaan.
Waxaan baadi goobaynaa 13 Soomaali ah oo waddaniyiin dhab ah isuguna jira
rag iyo dumar, iyagoo 13kaasi aasaaska u dhigaama udubka u taaga ururkaasi
oo aan magaciisa kor ku soo xusnay, shuruudaha laga doonayo qofka xubin ka
noqonayo maamulayaasha ururkaasi waa sidan:
-In 13kaasi ay go’aamiyaan xarunta ururka iyo qabanqaabada xeerka iyo
dastuurka uu ururku ku shaqaynayo, isla markaana lagu heshiiyo forum uu
ururkaasi leeyahay ama mel u gaar ah (internetka) oo ay ku kulmaan
-In uu Soomaali yahay waddanina yahay
-In uu yahay qof muslim ah oo diintiisa islam yahay
-In uu yahay qof ku xiran Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu calayhi
wasallama
-In uu yahay qof isku kalsoon isla markaana aaminsan in maskaxdiisa iyo
maalkiisa uu wax ku tabci karo waxna ku soo saari karo
-In uusan ahayn qof ku xiran oo dhaqaale ka sugaaya dad shisheeye iyo dal
shisheeyeba
-In uu si dhab ah uga fog yahay qabiilka iyo eexda
-In uu u arko in Soomaalida ay yihiin dad walaalo ah oo aan u kala
soocsoocnayn
- in uu yahay qof aaminsan midnimada Soomaali weyn
-In uu yahay qof diyaar u ah u shaqaynta dadkiisa iyo dalkiisaba
-In fulinta ujeeddooyinkiisawaddaniga ah uusan cidna ugu baqin,sida kaabo
qabiil iyo wixii la mid ah
Dadka e-mailadooda noo soo qora haddii ay tiradoodu gaarto 50 waan
joojinayna waxaana isku dayayna in 50kaasi ay isku yimaadaan forum u gaar ah
oo laga samayanayo internetka sidii 50kaasi ay u doortaan 13kii hoggaamin
lahayd ururka
Ciddii xiisaynaysa ururka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu magaciisa iyo
adreskiisa iyo waxa uu imminka hayo ku soo hagaajin karaa e-mailkan
soomaalibaanahay@hotmail.com
Wada shaqeyn iyo waddaninimo xamaasad wadata
Zahra Abdi Hersi
Holland
--
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |