|
Maalinta Bari ah waxaa ka furmaya sida la qorsheeyey Magaalada Addis
Ababa ee dalka Itoobiya Shirweyne ay iskugu imaanayaan Madaxweynayaasha
dowladaha Africa oo sannadkii mar yeeshaan.
Shirkaasi waxaa tagaya inta badan Madaxweynayaasha dowladaha Africa ,waxyaabaha
looga hadlayo ee ay diyaariyeen Wasiirada arimaha dibada Africa waxaa ku
jira Arimaha Soomaaliya ,Suudaan ,Kenya & Dhaqaale loo uruuriyo Ururka
Midowga Africa.
Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya waxaa utagaya shirkaasi Raysalwasaaraha
Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ku cusub Masraxa Siyaasadeed ee dalka
Soomaaliya.
Madaxweynaha
Soomaliya C/lahi yuusf ayaan isaga la hubin in uu tagi doono, laakiinse
waxaa dad badan ay rumaysan yihiin in madaxweynaha uu wakiilan doono
Raysal wasaaraha Soomaliya.
Raysalwasaaraha waxaa lafilayaa in uu maalinta ugu danbeysa hadal ka
jeediyey shirka uu kaga hadlayo waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay
dalka ,waxa ay dowladu ubaahan tahay iyo Codsi ku aadan Ciidamo la keeno
Soomaaliya.
Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Africa ayaa soo gudbiyey
Ajendayaasha shirka ,waxa ayna qodob walba soo raaciyeen Warbixin kooban
oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Wasiirada Arimaha dibada ee dowladaha Africa intooda badan waxa ay isku
raacsan yihiin in sare loo qaado howlgalka nabad raadinta ah ee dalka
Soomaaliya ,dhaqsana ciidamo ka socda Africa lugu geeyo dalka Soomaaliya
si gacan usiiyaan Hay'adaha Dastuuriga ah.
Madaxweynayaashu waxa ay dalab ujeedin doonaan Madaxweynayaashii
dowladihii balanqaaday ciidamada in ay geynayaan dalka Soomaaliya oo ay
ka mid yihiin Nayjeeriya ,Sinigaal iyo dowlado kale oo ay ka mid yihiin
Ruwaanda.
Warbixin dheer oo taabaneyso dhinacyo badan ayaa lafilayaa in uu jeediyo
gudoomiyaha nabada Iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo dhawaan
tagey magaalada Muqdisho.
wadamada Afrikanka ee asal ahaan ah Carabta oo ay ugu horayso Masar ayaa
la filayaa in ay taageeri doonaan hindisaha lagu rabo in lagu geeyo
ciidan
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |