|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
   
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

   
   
   
  Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

 Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay Caafimaadkiisa ,ka dib markii ay soo baxeen wararka ka soo baxaya Caafimaadka Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 inkastoo uu lahaa shalay  madaxweynaha la kulan  dhexmara isaga iyo  dhaqaatiirtiisa horay ugu samaysay qaliinka ayaa waxaa ay ahayd oo kaliya sida uu sheegay mid kamid ah raga la socday kulankaas in ay ahayd kulan talo maadaama uu madaxweynaha ku laabanayo Soomaliya si uu halkaas uga sii wato waajibkiisa shaqo.

Madaxweynaha oo Wareysi siiyey Idaacada Codka Mareykanka ,ayaa sheegay in warka soo baxayaa ee sheegaya in uu caafimaadkiisu yahay mid qatar ah ,wuxuuna tibaaxay in ay taasi tahay mid ay faafiyeen Kooxaha Argagixisada ,Muqaawimada iyo Kooxaha ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladiisu ka shaqeyneyso howlaha Qaran ee horyaala ,isagoo sheegay in uu dhawaan tagayo dalka Soomaaliya isagoo howlihiisa qaran sii wadayo ,wuxuuna tibaaxay in waxyaabo la taaban karto ka qaban doonaan arimaha Soomaaliya.

Md. Yuusuf wuxuu tilmaamay in ay dowladiisu wax ka qabaneyso arimaha ka taagan dalka Soomaaliya ,isla markaana dibu heshiisiintu ay qeyb ka qatahay howlaha Baaxada leh ee horyaala dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu laabanayo dalka Soomaaliya ,isagoo sheegay in laga yaabo in uu tago Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalo Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa oo halkaasi ka dhacaya dhamaadka todobaadkan.



 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:         
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net