|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
S Musharaxa MDX DG-Puntland Dr:Aadan M.CiiseaHalkan Riixwir
 
Sport
  Liiska Dadka Ka Taageeray Aarhus Danmark
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

   
   
   
  Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

Nayroobi:War ka soo baxay Wasaarada Arimaha gudaha ee dalkaasi Kenya ayaa lugu sheegay in ay dowlada Kenya ogaatay in Maleeshiyaadka ka dagaalama Dalka Soomaaliya ay yihiin kuwa udhashay dalka Kenya ayagoo laga qoro gobalada Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay hada baadigoob ugu jirto Dhalinyaro badan oo Soomaalida degta Waqooy Bari kenya ,waxa ayna sheegtay in ay rumeysan tahay in ay tageen gudaha Soomaaliya ayna yihiin kuwa loo adeegsanayo dagaalada ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Milateriga ee gobalkaasi oo la hadlayay Kumanaan dad ah oo ubadan Soomaali ayaa ku booriyey in laga hortago falalkaasi dagaalana lala galo kooxaha ku dhaqaaqaya ,falkaasi isagoo sidoo kale tilmaamay in wax laga xumaado tahay in ay dad udhashay Kenya ku dhintaan dagaalada ka dhacaya Soomaaliya.

Taliyahan wuxuu kaloo ku nuux-nuuxsaday in ay dowladoodu dadaal dheer ugu jirto sidii ay u ogaan lahayd goobaha ay dadkaan ka baxaan iyo goobaha laga qaro ,Sharciga horgeyneso isagoo walaac ka muujiyey kooxo ka mid ah kuwa ka dagaalama Soomaaliya ka bilaabeen dagaaladooda Gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya xili deegaanada ku teedsan Xuduuda lasheegayo in ay joogaan Xubno ka mid ahaa Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray ,kuwaasoo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo baaxad leh kana doonayaan in ay kula dagaalamaan Kooxaha heysta Magaalada Kismaayo.
MUqdisho:
Ciidamo ka mid ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa isku dhiibay ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna ciidamadan gaarayaan 60 ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Maleeshiyaadkan ayaa xaflad balaaran loogu sameeyey Xarunta Maamulka gobalka Banaadir ,waxaana hadalo ka jeediyey Masuuliyiin ka tirsan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo shaaca ka qaaday in ay Ciidamadan soo joosteen markii ay arkeen xaaladu meesha ay mareyso.

Taliyaha Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in looga baahan yahay dhamaanba dhalinyarada Soomaaliyeed ee la qaldayo in arkaan Wiilasha cusub ee ka soo baxaya kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka e Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa sidoo kale sheegay in ay Maamulkoodu cafis ufidinayaan cid walboo isasoo dhiibta ,ahna dhalintii ay Maskaxdooda qaldeen kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Maxamed Dheerre wuxuu kaloo ku nuux-nuuxsaday in looga baahan yahay qof walboo Soomaaliyeed in ay taageereen dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayna dowlada Soomaaliya in ay dadaal dheer ugu jirto Xasilinta amaanka Soomaaliya.

Talaabadan maanta lugu soo dhaweeyey Kooxo ka mid ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayaa horseedi kara in ay Soomaaliya noqoto meel nabadgayo baahsan ka jirto.

 

 

 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:        
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net