|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
S Musharaxa MDX DG-Puntland Dr:Aadan M.CiiseaHalkan Riixwir
 
Sport
  Liiska Dadka Ka Taageeray Aarhus Danmark
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

   
   
   
  Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

Marka:Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Muuse Nuur Amiin ayaa maanta gaaray Magaalada Marka.
ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay soo eegida xaalada Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona boqolaal ruux oo caleemo qoyan sitay ay si weyn ugu soo dhoweeyeen Xarunta Gobolka.

Xubnaha Wafdigan oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Muuse Nuur Amiin ayaa waxaa ka mid ahaa Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade
Wafdiga ka socda Baarlamaanka iyo Xukuumada , Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, Xildhibaan Afaraale iyo xubno kale.

Xubnahani ayaa socdaalkooda ka sheegay meel fagaaraha ah oo dad boqolaal gaaraya isugu soo baxeen, iyadoona uu ugu horeyn halkaas ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Xaabsade ayaa sheegay in ay Magaalada Marka u yimaadeen, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen, xaalada nabadgelyo iyo tan bani'aadanimo ee Gobolka.

Waxa uu daboolka ka qaaday in Gobolka aanu hoy u aheyn waxa uu ku sheegay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, isagoona intaa ku daray in markii hore ay u heysteen in Deegaanada Gobolka Sh/Hoose ay aheyd meel hoy u ah kooxaha dowladda ka horjeeda sida uu yiri.

Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka ayaa dhowr maalmood ku sugnaan doona Magaalada Marka, iyadoona halkaas kulamo kula qaadaya Xubnaha Maamulka Gobolka iyo Hey'addaha Sama falka ee ka howl gala Gobolkaas.

Waa markii u horeysay ee wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda iyo Baarlamaanka ku tagaan Magaalada Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose.

Muqdisho:Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dhowaan canshuur uruurin ah uu ka bilaabi doono Degmooyinka Gobolka, marka laga reebo Labo Degmo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasada Axmed Tahliil Warsame oo maanta ka hadlay Shir Xubno ka tirsan Gobolka Banaadir ku yeesheen Xaruntii Gaadiidka Booliska.

Gen. Axmed Tahliil ayaa sheegay in Maamulka uu go'aansaday in wixii maanta ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabo howlo canshuur uruurin, taasoo ku sheegay in ay qeyb ka qaadaneyso sugida ammaanka Caasimada.

Waxa uu sheegay in canshuur qaadistu ka bilaabaneyso Degmooyinka Gobolka Banaadir, marka laga reebo buur yiri Labo Degmo oo ay kala baqayaan Shaqaalaha Dowladda Hoose in ay dhibaato soo gaareen.

Ma uusan carabaabin Labadaas Degmo, laakiin waxa uu qiray in Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay kala kulmi karaan weeraro gaadmo ah sida uu yiri.

Degmooyinka Huriwaa oo idil ayaa hoy u noqotay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, waxaana ku soo biirtay Degmooyinka Hodan iyo qeybo ka mid H/wadaag oo ay ka dhacaan iska hor imaadyada hubeysan.

Lama oga sida ay ugu dhaqan geli karaan Degmooyinka canshuur uruurinta, xilli Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo qeybo ka mid Yaaqshiid ay si toos ah uga socdaan Howlo canshuur uruurin ah.

Addis Ababa:Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shalay la kulmay Raysalwasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zanewi wuxuuna kala hadlay arimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu usheegay Raysalwasaaraha Itoobiya in looga baahan yahay dowladiisa in ay door muuqda ka qaatado arimaha Soomaaliya ,ayna sidoo kale dooneyso in ay Itoobiya qeynteeda ka qaadato kaga aadan Jadwalka wadahadalka Mucaaradka.

Md.Yuusuf wuxuu sheegay in ay dowladiisu Jadwal dhan udageysatey Dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya ayna dowlad walba oo caalamkaa meel ku qoondaysay ,ayna Itoobiya doorkeeda qaadato.

Masuul sare oo ka mid ah Safaarada Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in ay labada Masuul sidoo kale isla soo qaadeen arimaha Maamul usameynta gobalada dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu ka codsaday dowlada Itoobiya in aysan taageeradoodu ku koobanaan Milateri oo kaliya ee ay ka taageerto dowlada Soomaaliya dhismaha iyo tababarsiinta dhinacyada kala duwan ee Golaha wasiirada ee Soomaaliya.
Yuusuf wuxuu tilmaamay in ay Soomaaliya mudo ku jirtey nabadgalyo la'aan ayna hada dadaal ugu jiraan sidii ay wax walba uga soo qaadi lahaayeen meel hoose.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dhamaanba aqbalay Codsiyada uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuuna sheegay in aysan dowladiisu waxba ka hagraneyn Umada Soomaaliyeed.

Shirkan ay qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zenawi ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan ,waxa ayna Itoobiya balanqaaday in ay waxyaabo rasmi ah ka qabaneyso guud ahaan Soomaaliya.

 

 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:        
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net