|
Written by puna
|
|
Thursday, 23 July 2009 11:34 |
|
Wararka puna ku soo dhacaya warqabadkiisa magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in ay dagaalo qaraar ka socdaan magaaladaasi, kuwasoo udhaxeeya ciidamada dowladda faderaalka ee Soomaaliya & Xoogaga mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeda.
Dagaalka ayaa ka dhacaya degmooyinka Wardhiigleey, Boondheere iyo Kaaraan oo dhamaantood ka mid ah waqooyiga caasumada Soomaaliya, waxaana dagaalka qeyb ka ah Madaafiicda ay soo ridayaan dhinacyada dagaalamaya.
Khasaaraha uu geystay dagaalkan ilaa hada lama hayo, waxaana warar Madax banaan ay sheegayan in ay dad rayid ah oo ku sugnaa degmada Kaaraan ay ku dhinteen dagaalkan, waxaana Madaafiicda dhinacyadu ay gaarayaan goobo uusan dagaalku gaarin.
Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in xalay lugu qaaday dagaalo culus oo ay qaadeen dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo wajahay degmooyin ay mucaradku joogeen,taasoo keentay in ay dagaaladu ugu dambeyntii ay garaan KM 4 oo ah meelihii ugu nabadda badnaa wadooyinka ay maamusho dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Dadka ku geeriyooday dagaaladaan aya gaaraya ku dhawaad 30-qof halka toro ku dhaw 60- ay ku dhaawacmeen , waxaana dhaawacyada ay gaarsiinayaan gawaarida gurmadka deg dega ah cisbitaalada magaalada Muqdisho
Dagaaladii xalay waxaa ku dhintay dad gaaraya 20 ruux, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan markii ay sida roobka Madaafiicda u adeegsadeen dhinacyada ku dagaalamaya Caasumada Soomaaliya, oo aan la ogaan doonin goorta ay joojiyaan dagaalada ay ku hayaan dadka rayidka ah.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay dowladda Soomaaliya qaaday dagaaladan, isla markaasna ay wadi doonto, ayadoo dooneyso in ay yareyso awoodaha baaxada leh ee ka soo horjeeda, maadaama dagaaladii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen gudaha dalka Soomaaliya loogana adkaaday. |