
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Digniin laga sheegay H1N1(Hargabka Khaansiirka) iyo in dadka ay ka digtoonaadaan goobaha .? |
|
|
| Written by Abdulmalik M farah Abdulmalik@aayatiin.net |
| Thursday, 06 August 2009 01:16 |
|
Waxaa aad usoo xoogaysanaya qeylo dhaanta ka imaanaysa reer galbeedka iyo dowladaha kale ee ku dhaqan Asia. sikastaba waxaa aad looga hadlayay maalmihii tagay xowliga ay ku socoto Virus-ka loo yaqaan H1N1 (Hargabka Khaansiirka) magacaan ayaa waxaa diiday Dowlada iyaga cuna Khaansiirka ama ka ganacsada taasna ay keentay in ay u baxshaan erey bixin cusub oo ah H1N1. inkastoo wadamada Muslimiinta ama TV-yadooda loogu yeero Hargabka Khaansiirka. waxaa gududiga UN u qaabilsan caafimaadka ay ka sheegeen Geneva in ay kordhayso dadka uu haleelayo Virus-kan. sidaas daraadeed ayaa laga sheegayaa in wadanka IRaan ay soojeediyeen in dadkooda aysan tagin sanadkaan Xajka, warkaan weli si buuxda Dowlada Iiraan loogama maqlin laakiinse waxaa faa'fiyay qaar kamid ah TV. reer galbeedka. waxaa ay dadka uga digayaan in ay kadigtoonaadaan goobaha lagu kulmo. waxaa lagu kala qaadaa qaabka loo kala qaado durayga ama hargabka. waxaa haboon in uu qofka markuu tago gurigiisa uu saabuun ku mayro gacmahiisa. haddii uu iska dareemo astaamaha Hargabkaan uu markiiba ula xiriiro Dhaqtar. waxaa aad ugu nugul caruurta, inta badan waxaa aad looga hadlayaa dugsiyada iyo xanaanada caruurta lagu hayo. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow







