|
Written by puna
|
|
Tuesday, 11 August 2009 17:09 |
|
Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya C/rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa shaqadii ka cayriyey gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdi-Nuur Maxamed Diiriye (Geeseey), isagoo mudooyinkii ugu dambeeyey lugu eedaynayay in uu ku lug ku lahaa Mashaakilaad ka dhacay gobalka Mudug.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ku sababeeyey xilka qaadistan in uu Geeseey maalmihii ugu dambeeyey ku jiray falal ka soo horjeeda dowladdiisa, wuxuuna cadeeyey in lugu eedeeyey gudoomiyaha gobalka Mudug in uu ka dambeyeey falal kala gedisan oo ku aadan hurinta colaad.
Madaxweyne Faroole ayaa shaqada Gudoomiye-nimo si KMG ah ugu wareejiyey gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobalka Mudug Beyxaani Axmed Barre, isagoo ku amray in deg deg uu qabto shaqooyinka dowladda.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha shaqada laga qaaday C/Nuur Maxamed Diiriye ayaa soo dhaweeyey xil ka qaadista lugu sameeyey, isagoo beeniyey in uu wax lug ah ku leeyahay arintii lugu dilay Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo ay Arbacadii Maleeshiyo hubeysan ku Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa xilkii gudoomiye-nimo ka qaaday Keyse Cabdi Yuusuf oo ahaa gudoomiyaha gobalka Cayn, isla markaasna uu gudan waayay waajibaadkii Qaran ee loo igmaday.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in uu Keyse Cabdi Yuusuf ku tuntay waajibaadkii loo igmaday, gudana waayay shaqadii Gudoomiye, sidaas darteedna laga qaaday Xilkaasi.
La shaqeyn la'aan Hay'adaha dowladda dhexe ayaa lugu eedeeyey sidoo kale, isagoo si toos ah usheegay in ay qaban doonaan xaaladaha deg deg ah ee ka jira guud ahaan deegaanada Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa maanta qaaday geedi dheer oo ugalayo, sidii wax uga qaban lahaa xaaladaha gobalada Puntland, gaar ahaana Maamulada gobalada iyo Degmooyinka oo dhan. toogteen gudaha magaalada Gaalkacyo. Dhinaca kale, |