top
logo

User Login




Home Warka Faalo Danmark:Qoxootigii Ciraaqiyiinta ee waayadaan dambe kaniisada ku dhuumanayey si aan loo celin oo maa
Danmark:Qoxootigii Ciraaqiyiinta ee waayadaan dambe kaniisada ku dhuumanayey si aan loo celin oo maa Print E-mail
User Rating: / 0
PoorBest 
Written by puna   
Thursday, 13 August 2009 23:08

Danmark:Qoxootigii Ciraaqiyiinta ee waayadaan dambe kaniisada ku dhuumanayey si aan loo celin oo maanta si xooga loo soo qabtey Copenhagen

Copenhagen: Waayadaan dambe waxaa si xooga loogu celinayey qoxootiga Ciraaqiyiinta ah oo diidey sharciga wadankaan Denmark,qaar badan oo kamida qoxootigaan diidmada (Nagetive)heysta ayaa baryahan dambe degey kaniisad ku taal bartamaha magaalada Copenhagen bal in ay ku badbaadaan oo aan la celin balse waxaa wasaarada arimaha qoxootigu ka codsatey bileyska in ay ku celiyaan xeradoodii si loo celisyo,aritaan farafalinta bileyska ayaa maanta dhalisey in dad gaaryaya 15,000 oo Daanisha oo kasoo hor jeeda in la celiyo qoxootigaan ay mudahaad weyn ku qabteen bartamaha magaalada iyagoo isku dayey xitaa iney ishortaagaan bileyska.

dadkii mudaharaadyey ayaa halmar laba jibaarmey oo ugu yaraan 25,000 qof oo daanisha ayaa wadad isugu timid waxeyna caawa arintaan dhalisey in siyaasiyiin waaweyn oo wadanka ahi ay ka hadlaan arinta kuna tilmaamaan mid aan la aqbali karin celinta qoxootigaan.

dhamaan 19 kii ciraaqiyiinta ahaa ee Kaniisada  Brorsons Kirke  ayaa bileysku kaxeysteen waxeyna geeyeen meel qarsooon aan cidna ogeyn.

Dawlada Iraq ayaa sanadkii hore la saxiixdey dowlada Danmak in qoxootiga ciraaqiyiinta ah ee sharciga looga diidey Denmark ay ku sooo celin karto Ciraaq, Sweden ayaa iyana sidoo kale balantaan la gashey ciraaq.

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS