
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Wafdiga DKMG oo uu horkacayo R.W. Cumar ayaa lashiray Madaxda Puntland welina iskuma raacin qodobada |
|
|
| Written by puna |
| Tuesday, 18 August 2009 23:23 |
|
Hotelka Taar City ee duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxa ay maanta wada hadalo uga bilowdeen dowladda faderaalka ee Soomaaliya iyo dowladda Puntland oo marti loo yahay, markii ay shalay soo gaareen magaalada Gaalkacyo wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya. Wada xaajoodyada ayaa soo bilowday xalay, waxa ayna ahaayeen horudhac sida uu sheegay Madoobe Nuunow Maxamed oo ka mid ah Wasiirada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ee la socda Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Kulankii xalay ayaa lugu soo qaaday Iswareysi ku aadan xaaladaha Amaan, Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxa ayna dhinacyadu soo jeediyeen qodobo kala gedisan oo ku aadan xaaladaha dalka Soomaaliya. Puntland ayaa maanta hordhigaysa Cumar C/rishiid iyo Wafdigiisa waxyaabaha ay ka dhowraysay dowladda Soomaaliya, balse lugu guuldareystay in ay fuliso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jira kuwo badan oo leh dhinacyo badan. Magaca ay adeegsadaan wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ah midnimo Qaran ayaa lafilayaa in ay dowladda Puntland ku sheegto mid aysan aqbali karin, isla markaasna ay dowladda Puntland ay cadeyso mawqifkeeda ku aadan xaaladahaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinacooda soo bandhigi doona warbixino iyo xogo ku aadan waxyaabaha ku soo xambaaray waqtigan adag in ay soo gaaraan gudaha Puntland, ayadoo ay horay usheegeen in ay kala hadlayaan Madaxda Puntland arrimaha Milateriga iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida oo xal kama dambeys ah loo baahan yahay in laga sameeyo. Saacadaha nagu soo aadan ayaa lafilayaa in ay faahfaahin ka soo baxaan wada xaajoodyadan, waxaana Saxaafada loo diiday in ay goob-joog ka noqdaan wada hadaladu inta ay socdaan, waxaana marka ay dhamaadaan lasoo saari doonaan Warsaxaafadeed sida uu AllPuntland usheegay Wasiiru dowladdaha Maamul-Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan). |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






