|
Written by puna
|
|
Tuesday, 18 August 2009 23:32 |
|
Mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya badankooda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaban-qaabo xoog leh ugu jira, qorshe ku aadan in Aaden Madoobe uu baneeyo Kursiga uu ku fadhiyo ee ah Gudoomiye-nimada baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in uu ku e'eg yahay 22-ka Bishan, isla markaasna loo baahan in uu baneeyo gudoomiye-nimada baarlamaanka Soomaaliya.
Mudanayaal kor udhaafaya 125 Xildhibaan ayaa wada qorshahan, waxa ayna doonayaan in ay uusan Aaden Madoobe sii wadin howlaha baarlamaanka Soomaaliya labada sanno ee nagu soo aadan, inkastoo ay jiraan Mudanayaal kale oo difaacaya Aaden Madoobe.
Dood xoog leh ayaa ka taagan sharci nimada Aaden Madoobe ee Afhayeenimo baarlamaan, markii la gaaro 22-ka Bishan, taasoo noqotey mid ay hadal hayaan dad badan oo Soomaaliyeed, waxa ayna walaac ka qabaan xaaladahaasi sida loo maareeyo iyo talaabada ay qaadi doonaan Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
wararkale oo aan xog ogaalnimo ku helnay ayaa sheegaya in qorshahaan ay wadaan Mudanayaal raba in ay ku bedelaan Shariif xasan adaan oo horey u ahaa Gudoomiya Baarlamaanka xiligii C/lahi yusuf, kooxdan ayaa lasheegayaa in ay talaaban haddii ay ku guulaysataan tan xigtaa uu noqon doono Madaxweynaha inkastoo xiligaan ay isku dhawyihiin laf ahaantiis.
Aaden Madoobe ayaa wada hadalo ku aadan arrintan layeeshay Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmd oo uu ka codsaday in uu ka taageero dhiniciisa, sidi uusan uguuleysan laheyn Qorshahaasi, taasoo lasheegay in uu balan qaaday Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha waqtigan ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugu eedeeyaa in uusan aqoon, shaqadiisa uuna jabiyey Axdiyada udagsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana horay ueedeeyey Mudanayaal ay ka mid yihiin Ismaaciil Hure Buubaa iyo Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo uu sheegay in uu ka qaaday xildhibaanadii, taasoo wax lugu qoslo ay ku sheegeen mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Sharciyaqaanada Soomaaliya. |