top
logo

User Login




Home Warka Faalo Sedex soomali oo lagu xiray Kenya sabab in ay qorsheynayeen dilka Hillry Clinton oo midkood Dhalasho
Sedex soomali oo lagu xiray Kenya sabab in ay qorsheynayeen dilka Hillry Clinton oo midkood Dhalasho Print E-mail
User Rating: / 5
PoorBest 
Written by puan   
Thursday, 10 September 2009 00:32

Copenhagen: Sida ay noo cadeysey wasaarada arimaha dibada Danmark waxaa jira nin Soomaaliya oo deganaansha ama dhalasho Daanisha heysta oo kamida dhowrka nin ee dowlada kenya soo qabatey sida ay sheegtey Kenya iyagoo damacasanaa iney fuliyaan qaraxyo la doonayey in lala beegsado wasiirada arimaha Dibada Mareykanka xiligii ay joogtey Kenya.

Charlotte Slente oo ka tirsan Wasaarada arimaha dibada xafiiskooda adeega shacabka (Borgerservice) ayaa sheegtey in Safaarada Denmark ee Kenya ay la xiriirtey Dowlada Kenya markii uu wargeystka ka soo baxa Kenya ee layiraahdo Sunday Nation uu qorey in nimanka xiran uu midkood waraaqo(Ducoment) Daanisha uu wato, waxeyna cadeysey haweyneydaan in Safaaradu hada la xiriirtey qofkaan oo asalkiisu yahay Soomali degan Denmark, wax kaloo tafaasiil ah idinkama siin karo baytir, aan ka aheyn in shaqsigaan uu deganaansho ama dhalashada Danmark leeeyahey.

Dhowrkaan nin ayaa la la xiriirinayaa iney qorshaynayeen iney qarxiyaan Xoghayaha arimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton xiligii ay kulanka la laheyd Madxweyne Shariif Ahmed.

Nimankaan oo lagu sheegey 3 Soomaali ah, iney ka badanyihiina laga yaabo waxey ka tirsan yihiin Al-Shabaab sida ay shegeen mas´uuliyiinta Kenya. 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS