top
logo

User Login




Home Warka Faalo Shiikh Xasan oo sheegay xabad joojin labada dhinac dhexmartay
Shiikh Xasan oo sheegay xabad joojin labada dhinac dhexmartay Print E-mail
User Rating: / 8
PoorBest 
Written by puna   
Tuesday, 06 October 2009 14:43

Shiikh Xasan oo sheegay xabad joojin labada dhinac dhexmartay iyo Alshabaab oo ku tilmaamtay mid aan loo dhamayn.  

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa ku dhawaaqay Xabad joojin deg deg ah oo dhexmarta Ururka uu hogaamiyo iyo Ururka Mayalka adage e Al- Shabaab, oo aad uga soo horjeeday maalmihii ugu dambeeyey mawqifka Ururkiisa.

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay manta magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aad uga xun yihiin dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobalka Jubada Hoose, wuxuuna cadeeyey in ay dagaaladaasi wadaan Xarakada Al- Shabaab, oo uu sheegay in ay wax ka tamanayaan xubno ka tirsan Ururkiisa.

“ Waxaan ugu baaqayaa Al- Shabaab in ay dagaalada joojiyaan oo ay wada hadal isku diyaariyaan, waxaan leeyahay raaca wadiiqada nabadgalyada, Xisbul Islaam rag ka mid ah hadii aad wax ka tamaneysaan, waxaan ubaanahay in aad wada hadal ka raadisaan” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada hada ka socda magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in aad uga xun yahay xaaladahaasi, isla markaasna wuxuu ugu baaqay Madaxda Al- Shabaab in ay raacaan wado kasta oo lugu helayo nabadgalyo baahsan.

Mr. Aweys wuxuu diiday in dhinacyadoodu ay horay isku hayeen, wuxuuna shaaciyey in ay xaaladoodu u eg tahay sharuud lugu xiray dhinacyada, isagoo sheegay in uu ku qanacsan yahay in shareecada Islaamka la mariyo cidii yeelata qaladyadii ka dhacay dagaaladii Kismaayo-yana sababey.

“ Al- Shabaab waxaan ka codsanaynaa in ay dagaalka joojiyaan, waxaan leenahay wax kasta waxaa ka fiican wada hadalka, dad Muslim ah in ay dagaalaan waa wax laga fiican yahay, markaas wada hadal ayaan ku baaqayaa” Ayuu yiri markale Hogaamiyaha Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale.Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al- Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in hadalkii Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo ahaa mid aan loo dhameyn, wuxuuna cadeeyey in dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Kismaayo, aysan masuuliyadooda laheyn, ayaga kaliya ah, balse ay qeyb wanaagsan ku lahaayeen Madaxda Ururka Xisbul Islaam.

Sarkaalkan oo ka hadlayay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay Xisbul Islaam, qaarkood hoos ka taageersan yihiin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay ka been sheegayaan dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo markaas ula jeeday dhinacyadii dhawaan kula dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo.

Al- Shabaab ayaa sheegay in aysan marnaba diyaar uaheyn dagaal ay lagalaan Xisbul Islaam, balse waxa ay sheegeen in ay la dagaalameen shaqsiyaad ka soo horjeeday Shareecada Islaamka, waa sida ay hadalka udhigeene.

Sheekh Axmed Madoobe Islaan ayaa dhawaan la dagaalamay Al- Shabaab,waxa ayna ka saareen gudaha magaalada Kismaayo, isagoo hada ku sugan deegaano ka baxsan magaalada Kismayo, halkaasi oo lasheegay in ay Xarakada Al- Shabaab udirtay ciidamo kula sii dagaalama.

Dagaaladii ugu dambeeyey ayaa dhacay xalay, waxaana guulo sheegtay Xisbul Islaam, balse Al- Shabaab ayaan wali si toos ah uga jawaabin, qaraarka ah in wada hadal lafuro, isla markaasna ay xabada joojiyaan, inkastoo ay shaaciyeen in aysan marnaba la dagaalameyn Xarakada Xisbul Islaam.

Labadan Urur ee dagaalamaya ayaa horay uga soo horjeestay dawladda Soomaaliya, waxa ayna ugu dambeyntii dhinacyadooda ku dagaalameen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose oo ay hada isku hayaan.
 iyo

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS