
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Dacwadii Dilkii Wasiirkii Warfaafinta hore ee Puntland oo la bilaabay |
|
|
| Written by alp |
| Tuesday, 13 October 2009 22:06 |
|
Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta la horgeeyey gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug C/nuur Maxamed Diiriye, oo lugu eedeeyey in uu wax ka ogaa dilkii Wasiirkii Warfaafinta ee dawlada Puntland Warsame Cabdi Shirwac, oo ay maleeshiyo hubeysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo bishii ogoosto horaanteedii. Maxkamada ayaa loo soo gudbiyey eedaha lo ohayo Cabdi-Nuur Maxamed Diiriye (Geeseey), kuwaas oo lugu sheegay in uu wax badan ka qaban waayay howlihii ay dawladda Puntland ugu wakiilatay gobalka Mudug iyo dilkii Wasiirka oo uu wax ka ogaa. C/nuur Maxamed Diiriye ayaa ku sheegay eedaymaha loo soo jeediyey, kuwa aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in mida ah dilkii Wasiirkii Warfaafinta, uu la hadlay markii uu falkan dhacay Laamaha amaanka, kuna wargaliyey amrayna in lasoo qabto cidii ka dambeysay. Laakiin wuxuu sheegay in ay laamihii amaanku ka gaabiyeen wax ka qabashada arrintaasi, wuxuuna sidoo kale xil gudasho la’aanta sheegay in uu xanuunsanaa markii uu Madaxweynaha Puntland booqanayay gobalka Mudug. Maxkamada darajada koowaad ayaa markii ay dhageystay eedaha iyo jawaabta uu ka bixiyay Geeseey, waxa ay gaartay go’aan in xukun dhan 6 bilood oo xarig ah ay ku xukunto gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug, ayadoo loo dhaadhiciyay Xabsiyada amaanka aadka loo adkeeyo ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale maxkamada ayaa maanta lasoo hordhigay waajibaadka la marsiinayo difaacayaasha dambiilayaashii dilka geystay iyo kuwii fuliyey, waxaana lasheegay in ay falkan fuliyeen 2 nin, oo riday rasaasta ku dhacda Wasiirkii dhintay (Allaha Uraxmadee), 3 nin oo kalena ay difaaceen nimankaasi, markii ay dadweynuhu ku yaaceen. Dambigalayaasha ayaa lugu xukumay toogasho, sadexda kalena waxaa lugu xukumay min 15 sanno oo xarig ah, ayadoo aysan joogin dadka la xukumayo, balse waxa ay maxkamadu sheegtay in maalintii la arko lugu fulin doono, qaraarka ay maxkamadu gaartay. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






