top
logo

User Login




Home Warka Faalo Xasan Maxamuud (Xasan jaamaci) oo ku booriyay Soomalida USA in ay aayahooda kataliyaan
Xasan Maxamuud (Xasan jaamaci) oo ku booriyay Soomalida USA in ay aayahooda kataliyaan Print E-mail
User Rating: / 2
PoorBest 
Written by puna   
Thursday, 15 October 2009 23:11
Hay'adaha ammaanka Maraykanka ayaa wali sii wada baadhitaankii lagu waday dhalinyaradii 20-meeyada ahaa ee sida qarsoodiga uga baxay Mareykanka.

Baadhitaankan ayaa marba marka ka dambaysa yeelanaysa weji cusub.
6 ka mid ah willashaasi waa dhinteen,  3 waa xidhanyihiin intii kalena waa la la’yahay. Xadhigii ugu dambeeyey waxa uu dhacay salaasadii  la soo dhaafay. Waxa la sheegayaa in ay weli si qarsoodi ah wiilal isugu deyayaan in ay wadanka ka baxaan.

Xasan Maxamuud (Xasan jaamaci) ahna qareen iyo imaamba kuna nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in diinta Islaamku dadkeeda farayso nabad ilaalinta iyo in la qaderiyo oo la tixgeliyo ammaanka guud, lagana hortago cid walba iyo qof kasta oo ka hor iman karta.
Waxa uu sheegay Xasan Jaamaci in Somaliada looga baahan inay ka faa’iidaystaan fursadaha ay haystaan oo wax bartaan. Jaamici wuxuu FBI-da ku booriyay inay bartaan dhaqanka Somalida si markaasi la isaga kaashado wixii dhibaato ah ee Mujtamaca ku imaan kara.
Xasan Jaamici wuxuu uu ku guubaabiyey dadka Soomaaliyeed in ay sharciga Maraykanka  aad u dersaan si ay xuquuqdooda u ilaashadaan.

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS