
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| 40 sano kadib Kacaanka 21 oktobar. maxaa lagu saxuusta kahor iyo kadib kacaanka. |
|
|
| Written by Abdulmalik M Farah |
| Wednesday, 21 October 2009 21:56 |
|
Ragaan waxaa lagu kala xasuustaa Dimoqraadiyad,Kacaan kali taliye iyo dhisme, Dumin, sun aasid,barakac, xasuuqid, Ciidan ajanabi adeegsasho, lacag lunsasho, qabiil u adeegid,khayaame qaran, korsi jaceel, waxaase ayaga ka daray kooxaha imika jooga wadanka oo iyagu aan la sheegi karin waxay rabaan. wadanka markii uu qaatay xuriyada madaxweynaha ugu horeeya waxaa loo doortay, Aadan Cabdile, kadib waxaa uu si dimoqraadiyad ah ugu wareejiyay kadib markii looga adkaaday doorashada 1967 madaxweyne C/rashid Cali sharmarke oo isagu hayay 2sano inta aan toogasho lagu dilin 1969, kadibna wadanka waxaa qabsaday ciidamadii uu horkacayay maxamed siyaad bare 1969. Meeshaas waxaa ku dhamaaday xiligii cagaarnaa Waxaa laga joogaa maanta 40,sano goortii ay Xukunka la wareegeen Kacaankii uu hogaaminayay Jaale Maxamed Siyaad Bare oo xukunka wadanka kula wareegay awood ciidan. waxaa lagu xasuustaa waxyaabo badan oo ay kamid yihiin dhisme badan oo wadanka laga hergelshay oo ay ugu badnaayeen goobaha waxbarashada,isbitaalo, xaruumo ciidan, balaarinta iyo furitaanka gegedaha dalka, bad iyo hawo, warshado, waxaa kaloo lagu xasuusta qorida afsomaliga iyo hergelintiisa in dugsiyada dalka wax lagu barto afka hooyo., dagaaladii 77, kii jabhadaha, waxaa ka dambeeyay kacdoomkii lagu riday 1991, kaas oo fuuqsaday wixii ladhisayay 21 kacaanka iyo 8 sano ee kahoreysay, waxaa intaa sii dheer waxaa la xasuuqay dadkii rayidka ahaa, iyagoo maanta ay ku kala baahsan yihiin daafaha aduunka. waxaa dhamaaday xiligii Jaalaha. waxaa bilowday Xiligii Casaanka/gaduudka sanadkii 1991 waxaa jabuuti lagu doortay Mdaxweyne kumeelgaar ah Cali mahdi maxamed, waxaa markiiba diiday Gen. Maxamed Faarax Ceydiid, waxaa markiiba dhex maray dagaal loogu magacdaray kii 4 bilood. waxaa sanadkii 1993 madaxweyn ay udoorteen kooxdii taagersanayd Gen. Maxamed Faarax ceydiid dowladaas ayaa waxaa loo baxshay salbalaar laakiinse cidna ma aqoonsan gude iyo diba.waxaase lagu dilay Muqdisho isagoo weli kumagacaaban Madaxweynaha, waxaa markiiba loo magacaabay wiilkiisa Xuseen ceydiid Madaxweynaha. waxaa sanadkii 2001 loo doortay marlabaad wadanka Jabuuti dr C/qasim salaad waxaa markiiba kahor yimid hogaamiye kooxeedyadii koonfurta Somaliya iyo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland. Dowlada uu hogaaminayay waxaa ay aqoonsi kaheshay carabta qaar kamid ah Afrika.
2004 waxaa wadanka Kenya loogu doortay Madaxweyne Col: C/lahi yusuf Axmed oo xiligaas madaxweyne kasii ahaa Puntland, waxaa uu xaruun kadhigtay Somaliya Jowhar, kadib Baydhabo kadibna xamar. isagoo noqday madaxweynhii ugu horeeyay ee Dega Villa Somaliya kadib Maxamed Siyaad bare. waxaa uu adeegsaday ciidan Itoobiyaan ah, iyo kuwa kale oo Afrikan ah. waxaa ay noqotay Dowladiisa tii ugu badnayd ee ay aqoonsadaan Caalamka. iyadoo magacawday safiiradii ugu badnaa, waxaa ay dhisatay Ciidan gaaraya khiyaastii 10,000. laakiinse waxaa dowlada ay ka kici weysay iyada dhexdeeda markii Ay isqabteen madaxda ugu sareysay. 2009. waxaa loo magacaabay madaxweyne Shiikh Shariif shiikh Axmed oo isagu horey u ahaa Gudoomiyaha Midowgii Maxkamada, laakiinse markii dambe ay kala bexeen. waxaa imika uu haya talada waxaa ku kacsan kooxdiisii horey isaga uu gudoomiyaha u ahaa. caalamka waxaa ay uqoonsan yihiin Mdaxweyne laakiinse uma taageersana sida tii ka horeysay ee Madaxweyne C/lahi yusuf. weli ma uusan dhisin ciidan dowladeed waxaase la shaqeeya intii kahartay kuwii uu dhisay Col: C/lahi yusf. waxaa uu dagaalka ugu daran uu kula jiraa asxaabtiisa laxagata shaqeysata iyo kooxaha la diriraya,xili ay ay u muujiyeen shaki Reer Galbeedka. waxaa imika jooga wadanka kooxo kala duwan oo magacyo badan leh waxaase ugu magac dheer alshabaab. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow












. malaha lama yaqaan waxa aysiin dhali karaan haddii aan xalkae alle ukeenin umada soomaliyeed.


