
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Yaman |
|
|
| Written by puna |
| Tuesday, 27 October 2009 10:06 |
|
Madaxweynaha dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku maraya dalalka Carbeed, qaarkood ayaa socdaal aan qaadan mudo dheer ku tagay magaalada Sanca ee dalka Yemen, isagoo ay soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee dalka Yemen oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibada ee dawladda Yemen. Shariif Sheekh Axmed ayaa la geeyey Aqalka Madaxtooyada ee dalka Yemen, halkaas uu wada xaajoodyo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Yemen iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaasi, oo ay isla soo qaadeen qodobo kala gedisan oo ay ku jiraan kuwa si gaar ah ukhuseeya xaalada Soomaaliya. Shariif ayaa ka dal-baday Madaxweynaha Yemen taageero balaaran oo lasiiyo hanaankiisa Maamul, si buu yiri ugutaan howlaha adag ee horyaala, wuxuuna sheegay in ay Yemen ka mid tahay dalalka adka ula socda Siyaasada dalka Soomaaliya, isla markaasna ay muhiimad gaar ah uleedahay in ay Yemen raadiso xal loo helo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya. Madaxweynaha KMG ah ayaa sidoo kale sheegay in ay Yemen soo dhaweysay qaxooti badan oo Soomaaliyeed, isla markaasna ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta qaxootigaas ay si nabadgalyo ku jirto ay ku joogaan gudaha dalka Yemen, isagoo ugu baaqay dadkaasi lasoo dhaweeyey in aysan qeyb ka qaadan nabadgalyo daro ka dhacda dalka Yemen. Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax oo markii uu dhamaaday wada hadaladii uu la qaatay Shariif Sheekh Axmed la hadlayay Wakaalada Wararka ee SABA-NEWS ayaa usheegay in ay waxyaabo badan ka hadleen, isla markaasna ay isku afgarteen dhamaanba waxyaabihii ay isla soo qaadeen, oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen Xiriirka labada dhinac, taageerida DF iyo Arrimaha Burcad Badeeda Soomaalida |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






