top
logo

User Login




Home Warka Faalo Labadaan nin oo degan magaalada Chicago ayaa lagu soo eedeeyey iney qorshaynayeen iney qaraxyo ka fu
Labadaan nin oo degan magaalada Chicago ayaa lagu soo eedeeyey iney qorshaynayeen iney qaraxyo ka fu Print E-mail
User Rating: / 9
PoorBest 
Written by Puna   
Wednesday, 28 October 2009 23:23

Labadaan nin oo degan magaalada Chicago ayaa lagu soo eedeeyey in ay qarxin lahaayeen laqarxinayayDanmark xaruunta  Jylland Posten oo ah joornaalkii qoray Aflagaadada ugu xumayd aduunka.

Labadaan nin oo degan magaalada Chicago ayaa lagu soo eedeeyey iney qorshaynayeen iney qaraxyo ka fuliyaan meelo ka baxsan Mareykanka oo Danmark ka mid tahey. Waxaa lasheegay in uu kamid ahaa goobaha laqarxinayayDanmark xaruunta  Jylland Posten oo ah joornaalkii qoray Aflagaadada ugu xumayd aduunka.

Copenhagen:Labdaan nin oo lakala yiraahdo David Coleman Headley, 49, iyo Tahawwur Hussain Rana, 48, Mr. Headley ayaa magaciisa badashey 2006 magaciisa saxda ahna waa Daood Gilani .
Nimankaan ayaa damacsanaa iney qarxiyaan xafiiska wargeyska Jylands posten oo kasoo baxa Danmark ahaana wargeyskii daabici jirey sawiradii aflagaadada ahaa ee Nabi moxamed NNKH.

Nimankaan mid ka mida ayaa labo jeer booqdey Danmark isagoo waliba booqdey xafiisyada wargeyskaan ee Copenhagen iyo Århus,si uu wax uga ogaado,waxey labadaan nin xitaa tageen Pakistan sida ay sheegeen bileyku waxeyna u tageen ururka lagu magacaaabo Lashkar-e-Taiba ee ka jira Pakistaan.
midka mida nimankaan waxaa xabsiga loo taxaabey 2 bishaan isagoo damacsan inuu markale u safro Pakistaan.
Xariga nimankaan oo ka dhacey magaalada Chicago oo ay daganaayeen ayaa waxaa kawada qayb qaatey FBI iyo waliba sirdoonka Danmark PET oo qaybka qaatey soo ururinta xogta nimankaan.
Lama sheegin xiliga ay qorsheynayeen iney weeraraan Xafiisyada wargeyska Jyllands posten ee Danmark.
Wargeyskaan ayaa sanadkii 2006 wuxuu daabacay sawiro cartoon ah oo lagu dacaayadeynayey Nabi Moxamed NNKH, taasi oo ka careysiisey malaayiin muslimiin ah oo aduunka ku nool.
Puna.
Copenhagen

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS