|
 Maraykanka iyo Qaramada midoobay oo ku muransan quudinta Soomaalida gaajeysan iyo Soomalida oo weli isdilaysa.
Hey'adda qaramada midoobay u qaabilsan cuntada adduunka WFP oo ku doodda in ay quudiso maato Soomaaliyeed oo gaajeysan ayaa waxay ku eedeyneysaa dowladda Mareykanka in ay hortaagantahay raashinkaas in la bixiyo ayadoo sabab uga dhigtay in galey gaduuda iyo saliid cadeyda laga yaabo in ay gacanta u gasho dagaalyahannada Soomaaliya. oo ay u isticmaalaan si qaldan.
Dowladda Mareykanka waxay alaaba isu dhaga tirtaa si kas ah. Yaa u sheega in Madaxda ragga dagaalka Soomaaliya ka wada ay subixii ku quraacdaan beer duhurkiina isaga dajiyaan neef dhaylo ah oo duban.
Taladeydu waa Mareykanka iyo UNka in ay qaska Soomaaliya ka daayaan, hubka iyo laaluushka ay waddanka ay ku soo daldalayaanna ka joojiyaan. Mar aan booqasho gaaban ku tagnay Nairobi waxaan la kulanay rag u shaqeeya UNka waxay ii sheegeen in ay bishii qaataan illaa ku dhowaad 50.000 oo USD, guriga, caafimaadka, ceymiska iyo safaradana dalxiiskuna ay ka baxsan yihiin. Warximaha sannadkiiba mar la qoro waxaa ku qoran in kharashkaas uu ku baxay dad gaajeysan oo Soomaali ah oo malaayiin ah oo galey guduud iyo saliid caddey loo qeybiyay.
Sida ay galeydan iyo saliidan rakhiis u tahay, jaaliyadda degan magaalo kaliya ee yurub ayaa waxay quudin kartaa dhowr gobol oo Soomaaliyeed. Midda kale haddii dadka maatada ee qodotada ah (beeraleyda) iyo dhaqatada (reer guuraaga) cadaadiska gudaha iyo dibadda laga daayo waxay kheyraadka Soomaaliya ka soo saari karaan raashin ku filan kana badan dhowr waddan oo Afrikaan ah, adduunkana loo iib geyn karo.
Waxaa jira caddeymo in UNku uu qeyb weyn ka yahay burburka iyo burbur ku sii jiridda Soomaaliya. Illaa ay Soomaalidu gudaheeda ka tashato maslaxadooda guudna iska fahamto musalsalkan lugooyada oo aan maalin walba maqalno meshiisa ayuu ka sii socon doonaa.
Halkan ka akhri maqaalka:
http://politiken.dk/udland/article829273.ece
Xigasho: Xaruunta cilmibaarista |