
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| EU-da oo difaacaysa Maraakiibteeda sida sharcidarada ah kaga Kalluumaysta Soomaaliya |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Tuesday, 24 November 2009 09:48 |
|
Eeg inta markab dagaal ee ku sugan badda soomaaliya
Maalinta Arbacadda 25.11.09 ayaa waxaa lagu qabanayaa baarlamaanka yurub dood iyo go'aan ku saabsan sida wanaagsan ee ay EU-da ciidamadeeda u difaaci karaan iyo waliba u nabadeynkaraan badaha soomaaliya, kana difaaci karaan maraakiibtooda kalluumaysiga burcad badeeda soomaaliyeed. Dhawr qodob ayey ka wadahadli doonaan waxaana ka mid ah: - in laga sifeeyo burcadbadeeda soomaaliyeed ee jooga gacan ka cadan(Golf of Aden) - Sidii loo badbaadin lahaa maraakiibta kalluumaysiga yurub ee halkaas ka kalluumaysanaya - in la tababaro ciidamo soomaaliyeed oo la dagaalama burcadbadeeda - iyo in laga gaaro go'aan sida loo caawin karo ciidamadaas soomaaliyeed ee la dagaalamaya burcadbadeeda.
Halkaan ka akhriso iyadoo afjarmal ah.una badelo afkaad doonto.
Faallo: Ciidamada soomaaliyeed ee la samayndoono ma waxay noqon doonaan kuwo caawiya siyaasadda reer galbeedka iyo reer yurub oo u sahli doona inay maraakiibtooda si dhib la'aan ah u xaalufiyaan badda soomaaliyeed. Ciidamada la dhisao oo ah kuwo dhaqaalaha ku bixi doonna ay bixinayaan reer galbeedka waxay noqon doonaan kuwo amarada ka qaata reer galbeedka ee aan ka qaadan amarada soomaalida. Taasna weeye waxay baarlamaanka yurub ka doodi doono maalinta Arbacadda ee la soco baarlamaanka doodaas oo aad ka daawan karto europarl.europa.eu Marwalba oo ay soomaalida kala hadasho arrimaha burcadbadeeda soomaaliyeed reer galbeedka iyo EU-da oo ay ku yiraahdaan burcad badeeda way joogsanayaan haddii aad adinku joojisaan kalluumeysiga sida sharci darrada ah u guranaysaan. Waxay ku doodaan EU-da inaysan jirin maraakiib kalluumaysiga ah oo ay leeyihiin EU-da oo halkaas ka kalluumeysta. Xagga kalana waxay maqaalkooda kor ku xusan ku caddeeynayaan inay jirto arrintaas. Si EU-da iskaga horkeento dowlad goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka soomaaliyeed waxay bilaabeen in qoloba mar ku yiraahdaan adinkaan lacagta ciidamada ka hortagaya burcadbadeeda lagu dhisayo idin siinaynaa. EU-da ma rabto inay Puntland u dhisto ciidamo waayo nawaaxiga laga daldalanayo Kalluunka waa nawaaxiga Puntland oo haddii ciidamo loo dhiso noqon doonaan kuwo hadhow ka horyimaada ciidamada EU-da. Haddii ciidamadaas Dowladda Federaalka loo dhiso waxay noqon doonaan kuwo laga keeno dhanka koonfurta soomaaliyeed oo aan hadhow kala jeclayn maraakiibtaas guranaya. Siyaasaddaas waa siyaasaddii Gumaysiga ee Talyaaniga ku guran jiray nafaqada soomaaliyeed xilligii gumaysiga isagoo adeegsanayo ciidamo soomaaliyeed oo uu isagu dhistay. Maantana taas waxna kama duwana qarnigaan aan joogto. ---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- Maalintii Isniinta 16.11.09 ayaa waxaa Baarlamaanka yurub khubad ka jeedshay sarkaalka xukuma ciidamada EU-da ee la dagaalamaya burcadbadeeda laguna magacaabo Peter Hudson oo dhalashadiisu tahay Ingiriis. Wuxuu khudbadaas u soo jeediyey dadka xubnaha ka ah baarlamaanka ee qaybta kalluumaysiga u qaabilsan. Iyadoo kooban haddii aan soo qaadano khudbaddiisa waxay ahayd: Ciidamada uu hogaamiyo waxaa hoosyimaada maraakiibta ciidamada waddamada Biljam, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Giriiga, Hoolaand, Isbeyn, iyo waddanka Iswiidhan. Wuxuu baaxadda badeed ee ay ilaaliyaan ku sifeeyey mid la eg baaxad u dhaxaysa sida uu yiri labada magaalo ee Buruksal iyo Moosko, oo yiri waa arrin aad u dag in la ilaaliyo. Waxaana jira waddamo kale oo aan ku jirin EU-da oo iyagana halkaas ka shaqeeya. Dhina uu ku sheegay in ay adag tahay inay wadashaqeeyaan waddamadu taas oo kala duwan xagga sharciga waddamadaas markay qabtaan burcadbadeeda sida ay ka yeeli lahaayaan. Su'aal uu waydiiyey xubin ku jirta baarlamaanka yurub kana mid ah xubnaha kalluumaysiga u qaalbilsan baarlamaanka Alain Cadec: Maxay tahay dhibka haysata dadka kalluumaysta ee ku dhaqan halkaas? Hudson: Wuxuu ku sheegay inay noqon karto fursad ay burcadbadeedu hesho haddii dadkaas loo fasaxo inay soo kalluumaystaan(micnaheedu waa waanu waddatirtiri). Intaas waa nuxurka haddalkiisii Sakaal Peter Hudson.
Akhriso isagoo af ingiriis ah khudbaddii Peter Hudson
Halkaan ka eego inta markab dagaal ee ku sugan soomaaliya http://en.wikipedia.org/wiki/Piracy_in_Somalia
Maahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa: Wax wax ku siiya waxbadan baad aragtaa, balse wax wax kuu sheega ma aragtid. Dadka soomaaliyeed ee u haysta inay reer galbeedka iyo kuwa carabtaba khayr siinayaan markay intaas oo lacag ah siiyaan, ogow inay dhulkaaga iyo ubadkaaga ka go'an tahay.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Ciidamada sida la ogyahay la dagaalama Burcad badeeda soomaaliyeed ee ay leeyihiin isutagga Yurub(EU anti-piracy campaign off the Somali coast) ayaa ah kuwo ilaaliya oo kaliya Maraakiibtooda Kalluumaysiga, sida ay iyaguba ku sheegeen maqaalkaan hoosta ku xusan oo lagu soo daabacay homepage-ka baarlamaanka yurub.


