
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Soomaalida Masiixiga noqonaysa oo sii kordhaysa |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Friday, 27 November 2009 11:27 |
|
AKHRISTAHA AAYATIIN WAX WALBA OG!
Dawladdii uu xukunka u hayey Max'ed Siyaad Barre waxay ku dadaali jirtay inaan dadka reer galbeedka ah ee doonaya inay diinta masiixiga ku fidiyaan soomaaliya aysan marna soo galin soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed ee diintaas masiixiga haystay waa ay yaraayeen, waana la yaqaanay dhibna looma gaysan jirin. Dadka reer galbeedka ah waxay marwalba iska soo dhigi jireen Dhakhaatiir, macallimiin, kalkaaliyaal, farsamoyaqaano kalkaalinaya ummadda soomaaliyeed, iyagoo dantooda kaliya ay ahayd sidii ay dadka soomaaliyeed uga dhigi lahaayeen kuwo qaata diinta masiixiga. Dowladdii soomaaliyeed iyadoo ogsoon sirta ay wataan dadkaas reer galbeedka ah ayeysan haddana u diidi jirin inay soo galaan soomaaliya. Waxayse daba dhigi jirtay dad dharcad ah oo intaas la socda dhaqdhaqaaqooda. Haddii mid ka mid ah shaqaalahaas shiyeeye lagu ogaado inuu fidinayo diinta masiixiga, si deg deg ah ayaa looga dhoofin jirin soomaaliya.Taas ayeyna ahayd inaysan marna kobcin tirada dadka soomaaliyeed ee haysta masiixiga.
Dagaalladii sokeeye ee ka bilowday soomaaliya dhammaadkii 1990 ayey heleen dadkii reer galbeedka ahaa ee intaas u hawoonayey inay soo galaan soomaaliya si ay ugu faafiyaan diinta masiixiga. Fursadaas ay heleen ayaa noqotay mid ay ilaa iyo hadda ka sheekeeyaan, waayo waxay heleen dad iyo dhul u dayacan. Dadkii soomaaliyeed waxay noqdeen kuwo iyaga un isku sii jeeda.
Ninka mid ah shaqaalihii ururka Bisha Cas ayaa Aayatiin u sheegay inuu isagu goobjoog ahaa markii ummadda soomaaliyeed ka soo yaacayeen magaalada muqdisho ee lagu soo daad guraynayey diyaaradaha lana keenayey magaalada Nayroobi ee dalka keenya. Wuxuu ninkaas noo sheegay in badelka dadka soomaaliyeed ay diyaaradahaas qaadi jireen baakado waaweyn oo ay ka buuxeen kitaabka bibel-ka isagoo afsoomaali ku qoran. Diyaaradahaasna waxay u ijaarnaayeen ururada sida Bisha Cas, ICRC, WFP, iwm oo intaasna oranayey waxaanu badbaadinaynaa dadka soomaaliyeed, laakiinse ay iyagu sir kale wateen.
Nin ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxa'ed Aadan ayaa Aayatiin u sheegay in laga soo bilaabo markii ay soomaaliya yimaadeen UNOSOM I ay aad u bilaabatay ku faafinta diinta soomaaliyeed. Gobollada Hiiraan, Shabeelada Hoose, Jubadda Hoose, Jubadda dhexe, Baay, Bakool, iyo Gedo ay ahaayeen meelihii ay degeen ciidamadaas UNOSOM I. Waana meelaha ugu masiixi badan marakan dadka soomaaliyeed. Sababta uu ninkaas ku sifeeyey in dadkaas qaataan diintaas masiixiga wuxuu ku sifeeyey: 1. In gobolladaas qaar ka mid ah ay deggan yihiin dad dadka soomaaliyeed takooraan ama xuquuqdooda hoos loo dhigo. Taasna ay u sahashay dadka reer galbeedka ah inay dadkaas meel cidla ah ka helaan. 2. iyo in laga dhacay dhulkii ay deganaansho lahaayeen laga soo bilaabo xukunkii gumeysiga ilaa iyo maanta aynu joogno(Jubadda hoose, Jubadda dhexe, Shabeelada hoose iwm), beerahoodii, dumarkoodii iwm. 3. Maaha dad dagaal jecel ama si dhib yar ku qaata qori. 4. Cid dibadda u jito ma jirto oo caawin karay markii uu dagaalka bilaabmay. Dhibkaas iyo kuwo ka badan ayaa u keenay inay miciin sadaan meel kasta oo ay ka heli karaan caawin dhaqaale iyo nabad. Dadka markay dhibaato la ku lanto siiba mid nabad la'aan iyo dagaalo aan kala go'in. Nafsaddu waxay noqotaa mid wax walba u dhaga nugul. Qofkana cabsi darteed uu qaato hadalkasta oo qof yiraahd. Waana wax waligeed soo jirtay jiri doontana.Reer galbeedkana waxay ka faa'iidaysteen dadkaa dhibaatada ku jira oo qalbiga wanaagsan. Wuxuu ninkaan intaas ku daray inay soomaaliya noqo doonto Aayatiinka soo socda sida waddanka Suudaan haddii ay sidaan ku socoto, oo loo kala qaybiyo koonfa soomaaliya Masiixiga iyo Waqooyiga soomaalida muslimka ah. Ciidamad alshabaab markay soo galeen magaalada Baydhabo in dad badan oo soomaali ah ku jiraahdeen alshabaab. "Annaga ma nihin muslim waxaanu nahay somali-masiixi ah, idinlama dagaalamayno ee dhinac ayaan ka degganahay magaalada ee ha noo imaanina". Alshabaabna waa ay ka diideen. Ururada hadda ka howigala ee samafalka waxaa lagu ee daynayaa inay shaqo siiyaan oo kaliya dadka magacyadooda loo keenay oo somali-masiixi ah. Dadkaan iyagaa shaqada isgeeya si ay wax iyaga dhexdooda iskuugu qarsadaan oo aan loo ogaan.
Magaalooyinka ay ku leeyihiin kaniisadaha qarsoon waxaa ka mid ah: Marka, Baraawe, Baladweyn, Baydhabo, Kismaayo. Ururuka u adeega ee soomaaliya ka dhisan waxaa lagu magacaa "Somali Community-Based Organization. Dadka soomaali-masiixiga ah ee lagu dilay soomaaliya: 28.09.09 Maryan Muhin Xuseen Waxaa dilay al-shabaab, waxay ahayd qof maamusha kaniisad qarsoodi ah oo ku taal magaalada Mareereey. Waxaa lagu dilay markii si sir lagu ogaaday iyadoo dad haween ah ufasiraysa kitaabka masiixiga. Gurigeeda markii la baaray waxaa laga helay 6 somali-bibles 19.09.09 Aamina Muuse Cali 45 jir. lagu dilay magaalada Gaalkacyo. waxaa dilay Sunna-waljameeca. Waxaa lagu dilay iyadoo diiday inay xijaabato. Waxaase laga shakiyey inay ogaadeen inay masiixi ahayd. Waxay ka timid oo ay deganayd magaalda Jilib. 23.09.09 Mansuur Max'ed 25 jir, madaxa ayaa laga gooyey markii ay ogaadeen Al-shabaab inuu masiixi yahay. Wuxuu u shaqaynayey WFP. Waxaana lagu dilay Maanyafuulka oo u jirta 10 km Baydhabo. 18.08.09 Axmed Mataan 41 jir lagu dilay Buulaxaawo, dileena Al-shabaab. 3.08.09 Cismaan Nuur Xasan 29 jir, ku xiran una dhashay somaliland, kuna jira xabsiga somaliland. Xukuumadda Riyaale ma doonayso inay sii dayso waayo waxay ka baqayaan inuu dadka ku faafiyo diinta masiixiga. Dowladda maraykanka iyo dowlada itoobiya ayaa xoogga saaraya sidii loo sii dayn lahaa. Halkaan ka daawo ama ka akhriso: http://somalisforjesus.blogspot.com/2009/09/somali-christian-martyred-in-merca.html http://www.compassdirect.org/english/country/somalia/9494/ Waxaad eegtaa webka Noloshacusub.net Somali Christian Ministries Codka waddada Nabadda Open Doors(eeg somali) Compass Direct(eeg somali)
Wixii rayigaaga ah noogu soo hagaaji Aayatiin
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Cumar Khalaafe waa soomaali- Masiixi ah 69 jir oo lagu dilay 15.09.09 meel u jirta 10 km magaalada Marka oo ay Ururka Alshabaab u taalay jid-gooyo ay dadka iyo baabuurta ku baarayeen. Waxaa Cumar laga helay 25 somali-Bibles(kibtaabka masiixiga) oo uu doonayey inuu si qarsoodi ah ku gasho magaalada Muqdisho. Waxaanu ka soo xiganay wakaaladda wararka codka masiixiga Compass Direct New oo wax ka qorta dhacdo kasta ee lagu sameeyo soomaalida-Masiixiga ah.


