
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo ah nin Khaniisa |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Thursday, 07 January 2010 10:57 |
|
Guido Westerwelle Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka laga soo bilaabo 28.10.2009. Westerwelle waa ninka kaliya ee ku jira Baarlamaanka jarmalka ee aan qarsan inuu yahay Khaniis. Waxaa iyana ah nimanka goddoomiyaasha ka ah magaalooyinka Berlin iyo Hamburg Wuxuu Guddoomiye u yahay ururka lagu magacaabo ( Freie Demokratische Partei), micnaheeduna yahay Ururka Dimuqraadiga xorta ah. Wuxuu ururkaan xubin ka noqday 19980. 4.Maay 2001 ayaa loo doortay inuu guddoomiye ka noqdo ururkaan. Waxay aqoontiisu gaarsiisan tahay Qareen bartay sharciyada ururada iyo sharciyada ururada dhallinyarada. 27.09.2009 ayaa waxaa ka dhacay doorasho lagu dooranayo madaxweynanimada. Ayaa rururkiisa FDP iyo ururka kale ee lagu magacaabo CDU/CSU ku guulaysteen doorashadaan. Waxayna dhisteen dowlad loo dhan yahay. Ururade kale ee CDU(Christlich Demokratische Union Deutschlands) una madax ah haweenayda Agela Merkel ahna marakan madaxweynaha waddanka Jarmalka iyo ururka kale CSU( Christlich-Soziale Union wuxuu ka dhisan yahay oo kaliya gobolka Baayaan). Labada urur waxay sheeganayaan inay yihiin ururo masiixi ah oo isutagay. Waxaase la yaab ku noqotay dadka ururadaas xubita ka ah in ururkoodu la xulufo noqdo ururka FDP oo ninka madaxda u ah yahay Khaniis. Diinta masiixiguna ka fogaato waxyaabaha uu ilaahay xaaraantimeeyey. Labadaan urur way iska indha tireen dadka jarmalka ah waxay rabaan. Waxaa laga qaaday dadka jarmalka ah waydiimo lagu waydiinayo inay jecelyihiin in Westerwelle uu noqdo wasiirka Arrimaha Dibadda ee jarmalka. Waxaa lagu ogaaday in dadka jarmalka ah ay yiraahdeen 53% inuusan u istaahilin inuu booskaa qabto isagoo khaniis ah oo uu matalo dowlad sheeganaysa inay tahay dowlad masiixiya.
Waydiintaas dadka iyo jawaabtooda toonna ma noqon mid taaba gasha. Westerwelle wuxuu noqday wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Jarmalka. Wuxuuna ku indha adeegay inuusan qaban jago aan taas ahayn, waayo sida lagu yaqaanay axdiyada ururada dhisa dowlad in la siiyo madaxda ururada midna madaxweyne midka kalana wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kuxigeenka koowaad ee madaxweynaha. Taas ayuuna ku indha adeegay inuu noqdo.
Westerwelle waxa uu doonayey inuu dunida oo dhan tuso in waddanka jarmalka wax walba ka suuroobi karaan, teeda kalana wuxuu doonayaa inuu dowladaha Muslimka ah tuso inuu isagoo khaniis ah uu tagi karo dowlad walba oo muslim ah, loona diidi karin waddankaas, sida dad badan oo jarmal ah yiraahdeen inay qabaan cabsi xagga wadashaqaynta wadamada muslimka ah iyo jarmalka wax gaaraan. Dowladaha muslimka ah waxaa dhabar jab ku ah inay ninkaas soo dhaweeyaan ogyihiinna in diinta muslimka ah ka dheeraato waxyaabaha uu ilaahay neceb yahay, kana mid ah ninkaan.
Westerwelle wuxuu 06.01.10 u duulay waddanka Turkiya, taasoo uu ka sii aadi doono maalinta Jimcaha ah 08.01.10 waddanka Sucuudi Careebiya(Maalinta jimcaha ah muxuu u doortay inuu Sucuudiga aado). Jimcaha waa maalin qiimo weyn ugu fadhida dadyowga muslimka ah isaguna waa uu ogyahay. Su'aasha lays waydiinayo waxaa weeye muxuu waddanka Sucuudigu ugu ogolaaday inuu maalintaas yimaado haddiiba uu imaanayo????. Kadib wuxuu kaga sii duuli doonaa waddanka Khadar, kadiban waddanka isutagga Carabta(Abuu dabeey).
Waxaanu idhaha ku haynaynaa sida loogu soo dhaweeyo waddamadaas muslimka ah ee laga jeclayn dadka ah khaniisiinta.
Aayatiin
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






