top
logo

User Login




Home Warka Faalo Soomaaliya-Dal aan Sharci lahayn
Soomaaliya-Dal aan Sharci lahayn Print E-mail
User Rating: / 19
PoorBest 
Written by Aayatiin(Germany)   
Monday, 26 April 2010 07:11

Germany(Aayatiin.net)Waxaa laga soo daayey telefisoonka waddanka jarmalka ZDF, waa telefisoonka dowladda leedahay keeda labaad filim(Barnaamij) 21.04.2010 saacaddu 22:45(habeennimo)kaasoo loogu magacdaray "Somalia – Land ohne Gesetz" oo macneheedu yahay "Soomaaliya  Dal aan Sharci lahayn“, oo uu soo duubay nin Jarmal ah oo asal ahaan ka soo jeeda waddanka Hindiya lana yiraahdo Ashwin Raman oo u shaqeeya telefisoonkaas ZDF.

Ashwin Raman wuxuu xirnaa jaakad yar oo celisa xabadaha, wuxuuna sitay filinqaade yar (kaamaro). Wuxuuna ka degay soomaaliya(muqdisho) horraantii sanadkii la soo dhaafay 2009.  

Wariyayaasha shisheeyaha ah kana soo jeeda waddamada reer galbeedka waa ay ku adagtahay inay halkaas tagaan, baqdin ay ka qabaan in noloshooda lagu dilo awgeed.

Waddankaas ku yaal geeska afrika waxaa ku sii faafaya isbalaarinta ay isbalaarinayaan ururka ka soo jeeda argagixisada islaamiyiinta ah ee xulufada la ah al-qaacida laguna magacaabo Al-shabaab. Magacyada wariyayaasha lagu dilay ama lagu afduubay soomaaliya waa magacyo aad u tira badan. Hal malyan oo soomaaliyeedna waxay ku waayeen noloshoodii dagaaladaas ka socda soomaaliya muddada 20-ka sano.

Ashwin Raman wuxuu ku guulaystay inuu kasoo duubo filim dhammaan ururada dagaalamaya qaybta Al-shabaab iyo dowladda, tiro ma lahayn inta jeer oo laga soo riday xabado baabuurkii uu saaraa tasoo sii dhaafaysay meesha uu wax ku duubayey. Wuxuu ka soo duubay filim mar ay dagaalamayeen ururka Al-shabaab iyo dowladda, halkaas oo lagu arkayo nin ay ku dhacayso xabad dhulkana ku dhacayo.
Filinkaas wuxuu hoos u sii bilicsanayaa oo uu u tagayaa saldhigga milateri ee uu maraykanka ku leeyahay waddanka Jabuuti, kuna waraysanayaa ninka ugu sarreeya saldhigaas. Ninkaas wuxuu caddeeyey in xukunka Shiikh Shariif uu yahay mid fashilmay una dhammaatay.

Ciidamada maraykanka ee halkaas jooga waxay dhan yihiin 2000(labo kun) oo askari. Mana aha kuwo u soo jeeda inay soo galaan soomaaliya, waayo ayuu yiri: Waxaa wali dhagahooda ka qaylinaya dharbaaxaddii loogu gaystay muqdisha 1993, oo looga soo riday labo haylikabtar, dhulkana lagu jiiday nin waday haylikabtarkaas.

Waxa ay isku dayeen inay halkaas kala socdaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, fuliyaanna gargaar biniaadanimo oo ay siiyaan dadka ku nool xuduuda soomaaliya si ay ugu soo jaajuusaan, una sheegaan dadka lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Waxay kaloo sameeyaan ciidamadaas maraykanka inay ciidamada Ugaandha ee la keenayo soomaaliya tababaro ku siiyaan waddanka Ugaandha.

Halkaan ka daawo filinka oo dhan laga bilaabo saacadda habeen walba 22:00 ilaa 06:00 subaxnimo(10:00p.m. – 06:00 a.m) (saacada Jarmalka)wuxuuna ku hadlayaa afjarmal. Carruurta darteed ayey dowladda jarmalku ka dhigtey Barnaamijka mid la daawan karo xiliga caruurtu seexdaan, dagaalada iyo isdilka iyo waliba sawirada laga naxayo oo ku jira barnaamijkaan awgiis.

Riix halkaan hoos
Daawo Barnaamijka(Filmka) inta u dhexeysa 22:00-06:00 sacada Berlin (Saacada London 21:00-05:00)

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS