
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Madaxweynaha Waddanka Jarmalka oo iscasilay |
|
|
| Written by Aayatiin Jarmalka |
| Monday, 31 May 2010 19:00 |
|
Madaxweynaha dalka Jarmalka Horst Köhler ayaa daqiiqado ka hor iska casilay xilkiisii. Sababka keentay inuu iska caliso xilkaas waxay daba socotaa waraysi uu siiyey Raadiya 22.05.10 oo ku saabsanaa socdaal uu ku tagay dalka Afganistaan oo uu halkaas kula kulmay ciidamada xoogga dalka jarmalka oo waddankaas ka dagaalamaya. Wuxuuna waraysigaas ku sheegay in ciidamdaas iyo kuwa soomaaliya badaheeda ilaaliya yihiin kuwo fulinaya shaqo ku saabsan xagga dhaqaalaha(sidii waagii gumaysiga). Wuxuuna sheegay inay wanaagsan tahay in ciidamadaas marwalba loo diro meel kasta oo dhaqaalaha waddanka jarmalka ku xiran. Hadday noqoto inay waddan ku duulaan sida afganistaan iyo Soomaaliya wixii la mid ah tahay wax sax ah oo aan ogolaaday. Dad badan ayey arrintaas uu sida cad u sheegay ka xanaajisay ilaa iyo maantana intaas wargeysyada iyo raadiyayaasha waddanka jarmalka laga doodayey. Maanta ayuu si xanaaqsan ugu dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay. Waddanka jarmalka waxaa xukunta raysalwasaaradda Angela Merkel, madaxweynahana waa nin ka sareeya iyada, balse aan lahayn awood sida iyada u leedahay oo kale. Waxa madaxweynaha shaqadiisu tahay marka dowlad la dhiso ayuu ansixaa iyo marka sharciyo cusub la qoro ayuu saxiixaa.
Aayatiin Jarmalka |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Madaxweynaha waddanka oo daqiiqado ka hor iska casilay xilkii uu hayey, sababtana ay tahay ciidamada jarmalka oo jooga badda Soomaaliya iyo Afganistaan oo uu ku sheegay inay yihiin xagga dhaqaalaha u jooga. 


