
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Talibaan oo jaajuusiintii maraykanka u shaqeeynayey laynaysa |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Wednesday, 28 July 2010 16:02 |
|
Ururka Talibaan oo jaajuusiintii maraykanka u shaqeeynayey laynaysa sir culus oo ay bixiyeen.Wikileaks...
Waxay Talibaan ku dhaarteen inay laynayaan dad badan oo magacyadooda laga helay qoraan la soo gashay bogga internetka ee wikileaks 26.07.10 Wikileaks oo ah urur dabagala dhibaatooyinka ay ciimada maraykanka ku hayaan dhammaan dacalada dunida iyo xagga dhaqaalaha ayaa maalintii isniinta ahayd soo bandhigay qoraallo kor u dhaafay 90.000(90 kun) bog. Kuwaasoo laga soo xaday ciidamada gaashaandhiga maraykanka, kuna qoran dagaaladii afganistaan wixii dhacay intii u dhaxaysay janaayo 2003 ilaa Disember 2009.
Qoraaladaan waxay aad iyo aad uga nixiyeen wasaaradda gaashaandhiga maraykanka iyo waliba madaxweynaha maraykanka, waayo waxaa qoraaladaan lagu tilmaami jiray inay yihiin kuwo sir adag ah oo aan cidwalba heli karin. Waxay kaloo ka xanaajisay waddamada xulufadda la ah maraykanka oo cabsi wayn ka muujiyey sirtaan fakatay. Waxayna qaarkood ku tilmaameen wax aan laga fiirsan soo bandhigooda.
Waxaa qoraaladaan ku qoran magacayada dadka afganistaanka ah ee la shaqeeya ciidamada maraykanka. Waxayna Talibaan maanta ku dhawaaqeen inay laynayaan dadkaan ku qoran qoraaladaas. Waxaa ku jira dadka badan oo Talibaan ah oo si jaajuusnimo ah ula shaqeeya maraykanka iyo waliba dad rayad ah. Waxaa maanta meel walba maraykanka kaga dhawaaqay in qoraalladaas dadka ku qoran magacyadooda la badbaadiyo.
Waxaa qoraaladaan ka mid ah ciidamo loogu magacdaray Task Force 373. Waa ciidamo si toos ah uga amarqaata wasaaradda gaashaandhiga ee maraykanka, waana ciidamo si gooni ah u ugaarsada talibaan. Waxaana qoraaladda laga arki karaa inta shacab ay dileen magacyadooda iyo waliba sida xun ay u gumaadaan ciyaalka iyo haweenka.
Maraykanka iyo Xulufadiisu waxay ku doodaan inay halkaas u tageen inay la dagaalamaan Talibaan badbaadiyaanna dadka reer afganistaanka ah. Waxay kaloo ku doodaan in amarka qaramada midoobay ay halkaas u tageen. Muddo badan ayaa ururada u dooda xuquuqda aadanaha beeniyeen in xulufadaas halkaan ku joogaan amar qaramda midoobay ah. Waxaa si cad u xaqiijiyey inaysan u joogin amar qaramada midoobay ah madaxweynihii hore ee dalka jarmalka Horst Köhler yirina"Ciidamadeenna waxay halkaas(afganistaan) iyo soomaaliya baddeeda u joogaan, inay dhaqaalaheenna iyo nolosha wanaagsan oo aynu haysano difaacaan". Hadalkaas markuu yiri ayaa lagu kacay iskana casilay jagadii. akhri http://www.aayatiin.net/warka/faalo/447-madaxweynaha-waddanka-jarmalka-oo-iscasilay.html buuga lagu magacaabo Weissbuch 2006 ayey ku qoran tahay inay xulufadaas u joogaan meelahaas si ay noloshadooda wanaagsan u badbaadiyaan iyo in waliba cadowga lagula dagaalamo meelaha uu deggan yahay intuusan yurub iyo ameerika imaan.(buugaan weissbuch 2006(afsoomaali waa buugii caddaa waxaa qoray waddanka jarmalka kuna qoray waxa wanaagsan ee ay samaynayaan ciidamdiisa iyo waliba kuwa reer galbeedka) cidwalba oo afka jarmalka iyo afigiriiska taqaan waa akhrisan kartaa: http://www.bmvg.de/portal/a/bmvg/sicherheitspolitik/angebote/dokumente/weissbuch?yw_contentURL=/C1256F1200608B1B/W26PLC3A472INFODE/content.jsp (afjarmal) http://merln.ndu.edu/whitepapers/Germany_Weissbuch_2006_oB_sig.pdf (afjarmal) http://merln.ndu.edu/whitepapers/Germany_White_Paper_2006.pdf (afingiriis)
Waxaad halkaan ka akhrisataa dhammaan wixii wara ee wikileaks http://www.guardian.co.uk/world/series/afghanistan-the-war-logs afingiriis http://www.spiegel.de/politik/ausland/0,1518,708311,00.html afjarmal http://www.guardian.co.uk/world/2010/jul/25/afghanistan-war-logs-explained-video afingiriis
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Ururka Talibaan oo jaajuusiintii maraykanka u shaqeeynayey laynaysa sir culus oo ay bixiyeen.Wikileaks...



