|

Dad gaaraya 32 ayaa ku waxyeeloobay kuna dhintay weerarkii Hotel Muna Muqdisho. Al-shabaab oo sheegatay weerarka in ay lahaayeen, Xisbul Islaam oo ku taageeray iyo Mas'uuliyiinta Dowlaa KMG oo iyagu tagay goobta sheegayna in ay kaxun yihiin wixii dhacay
Muqdisho:Afhayeenka Guud ee Dhaqdhaqaaqa Alshabaabul Mujaahdiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa shaaca kaqaaday in Dhaqdhaqaaqiisu uu lahaa Mas’uuliyada weerarkii dhowrka waji lahaa ee lagu weeraray Hotel Muna oo ay degenyihiin madax dawlada katirsan.
Afhayeenku wuxuu sheegey in Guuto katirsan Ciidanka Alshabaab ay weerarkan geysteen,waxaana uu intaas kudaray in tani ay qeybweyn katahay Dagaalkii uu shalay ku baaqay islamarkaasna ay sii wadi doonaan.
Sidoo kale Cali Dheere wuxuu sheegey in Weeraradan noocan ah ay siiwadi donaan,waxaana uu dadkii maanta weerarkan ku geeryooday ku tilmaamay kuwo u shaqeynayey gaalada & kasoo horjeedka Diinta Islaamka & Mujaahidiinta.
Hadalka Afhayeenka Ayaa imaanay xili maanta koox hubaysani ay khasaaro xoogan u geyteen Hotelka Muna halkaas oo ay ku geeryoodeen Xildhibaano,Taliyeyaal & dad shacab ah,waxaana ay dawladu weerarkan ku tilmaamantay mid xiriir la leh Weerarkii Shaamow ee dhamaadkii sanadkii tagay dhacay.
Muqdisho:Ururka Xisbul Islaam oo kamid ah Ururo Diimeedyada kadagaalama Magaalada Muqdisho & Qeybo kamid ah Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa soodhaweeyey Weerarkii maanta lagu qaaday Hotelka Muna oo dhibaatooyin & Waxyeelo soo gaarsiiyey Dad badan oo ay Xildhibaano & Saraakiil ciidan kujiraan.
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xassan Daahir Aweys oo mardhaweyd Warbaahinta lahadlay ayaa sheegey in Ururkiisu uu weerarkaas soo dhaweynayo,waxaana uu sheegey in Dhaqdhaaqaaqa Alshabaab uu ugu hanbalyeynayo Weerarkaas oo uu kutilmaamay mid geesinimo ah.
Xassan Daahir Aweys wuxuu sheegey in Weerarkani uu kamidyahay Weerarada caadiga ah ee lagu qaado koox uu ugu yeeray Cadowga Diinta Islaamka,Waxaana uu intaas kudaray in ay sameyn doonaan Waxkasta oo suurtagal ah si ay ula dagaalamaan Ciidamada dawlada & Kuwo Amisom.
Muqdisho:Madaxweynaha dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa galabta casar liiqii si lama filaan ah Booqasho kedis ah ugu tagay Hotel Muna oo kuyaala Magaalada Muqdisho islamarkaasna Maanta Weerar Khasaaro badan geystay Lagu qaaday.
Safarka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ku weheliyey Tiro Wasiiro ah oo uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliya,Taliyaha Guud ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida,Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliya,Gudoomiyaha Gobolka Banadir & Madax kale,waxaana markii uu booqashadan sameeyey la xayiray dhamaan Wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya & Hotel Muna,Sidoo kalena Waxaa la yareeyey Dhaqdhaqaaqa Dadka ka agdhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Booqashada intii uu ku jira wuxuu la sheekaystay qaarkamid ah Xildhibaanadii saaka joogay Hotel Muna,Sidoo kalena Wuxuu Warbixin ka dhagaystay Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida & Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliya,waxaana ay uga warbixiyeen sidii uu weerarkii maanta Khasaarada Geystay u dhacay,Waxaana ay Saraakiishani soo jeediyey Talaabooyin Amaanka lagu sugayo.
Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliya ayaa Madaxweynaha & Saraakiishii booqtay Warbixin dheer siiyey,waxaana uu sheegey in ciidamada dawladu ay weli baaritaano wadaan islamarkaasna ay hayaan Raadad badan oo baaritaanadooda anfacay,Sidoo kalena Abaanduulaha Ciidamada Qalabkasida ayaa sheegey in Kooxdii maanta weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo qabay tababar laga yaabay,isagoo intaas kudaray in Ciidamada Dawladu ay u hogaansami doonaan Amar kasta oo dawlada lagu difaacayo.
Madaxweynaha Dawlada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa isna halkaas ka hadlay,waxaana uu Tacsi u diray eheladii dhamaan cidkasta oo wax ku noqotay weerarkii maanta,Sidoo kale wuxuu muujiyey sida uu ugu xunyahay Weerarkan oo uu ku tilmaamay mid Argagixiisa wata,waxaana uu sheegey in weerarkan uu ahaa mid siweyn u dhibaato badnaa,waxaana uu Ammaan balaraan usoo jeediyey ciidamada dawlada oo uu sheegey inay si badbaado kujiro maanta ula tacaaleen dadkii la dhibaateeyey.
Hotel Muna oo uu Galabta Booqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxbadan uma jiro Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya,Waxaana uu ahaa mid muhiim u ah Madaxda dawlada,sidoo kalena weerarkii maanta lagu qaaday wuxuu noqday mid siweyn looga dareemay qeybaha kaladuwan ee Maamulka dawlada,Isagoo maanta curyaamiyey dhamaan shaqooyinkii dawlada islamarkaasna saameyn kuyeeshay Dagaalkii ay dawladu kula jirtay Mucaaradka oo maanta si kulul u bilowday balse qaboobay kadib markii uu weerarkaasi dhacay.
|