top
logo

User Login




Home Warka Faalo Waddanka Jarmalka oo qaxooti ka soo qaatay Malta
Waddanka Jarmalka oo qaxooti ka soo qaatay Malta Print E-mail
User Rating: / 6
PoorBest 
Written by Aayatiin-Jarmalka   
Tuesday, 26 October 2010 07:48

Qaxooti laga soo qaaday Malta oo la keenay waddanka Jarmalka

Waxaa Maalintii 18.10.2010 ka soo deggan waddanka Jarmalka magaalada Hamburg labo qof oo soomaali(Nin iyo Xaaskiisa) ah iyo nin suudaani ah, lagana soo qaaday waddanka Malta.

Qiyaastii inta qaxooti oo ay waddanka Jarmalka ka soo qaateen waddanka Malta waxay ahaayeen 100 qof. "qiyaastii 75 qof waxay ahaayeen  Soomaali, 22 Elatareeya iyo 13 Suudaani ah" ayuu yiri Ninkii soomaaliga ahaa ee ka soo deggan Magaalada Hamburg isagoo u waramayey Aayatii.net.

 

Dhammaan qaxootigaas waxaa loo kala qaybiyey waddanka oo idil. Saddexdaan qof ayaa la keenay Hamburg. Dadkii kale intii ugu badnayd waxay ahaayeen 15 qof oo soomaali ah oo halmeel lagu qoray waana magaalada Berlin. Inta kale saddex-saddex ama afar-afar ayaa lagu qoray dhammaan magaalooyin kala duwan.

 

Waxaa loo badinayaa in qaxooti badan ay soo qaataan waddamada Iswiidhan, Norweey, Bortuqaal, Luksanbuuk, usteeriya iwm. NInta ugu badan dadkaasna waa soomaali, waayo dadka ugu badan qaxootiga waddanka Malta waa Soomaali.

 

Waddanka jarmalka wuxuu bilaabay in qaxootiga soomaaliyeed ee sida sharci darro u soo gala waddanka kana yimaada Malta, Taalyaaniga iyo Giriiga  uu ku celiyo.

Waxaana ugu badan dadka dhaqa gacmaha si aan loo soo helin gacmahooda.

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS