
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Shandadii laga helay gegida dayuuraha ee waddanka Naabiibiya |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Saturday, 20 November 2010 21:01 |
l Shandad ay ku jiraan waxyaabaha qarxa ayaa laga helay diyaarad u socotay waddanka jarmalka markii ay kici lahayd maalintii Khamiista. Waxaa lagu tuhmayaa inay ka dambeeyaan sirdoonka maraykanka. Sida ay qoreen wargeysyada waddanka jarmalka
Waddanka jarmalka oo bishaan la galiyey ciidamadiisa heegan adag ka dib markii baakad laga soo diray waddanka Yaman ay dhexmartay waddanka iyadoo u socotay waddanka Ingiriiska. Baakadaas ayaa la xaqiiyey inay ku jireen waxyaabaha qarka balse ay ahayd wax buda ah oo u dhigma waxa qarxa. Waxaana laysku raacay inay ahayd mid sahan ah oo ay dadka soo diray ay doonayeen inay ogaadaan sida ay tahay baaritaanka baakadaha ee waddanka jarmalka. Inkastoo ay waddanka Yaman diideen in baakaddaas iyaga dhinacooda ka timid, haddana waxay waddamada horeyumaray kuu gaareen go'aan ah in waxyaabaha ka imaanaya Yaman,Soomaaliya iyo waddamo kale in la adkeeyo soo galitaankooda waddamda horeyumaray.
Maalintii khamiistii ahayd ayaa waxaa waddanka Naabiibiya laga helay shanda la doonayey in la saaro diyaarad u socotay waddanka Jarmalka waxyaabaha qarxa. Waxaa la garan waayey qofka lahaa iyo qofka soo saaray alaabta la rabay in lasaaro diyaaraddaas. Jimcihii waxaa soo shaac baxay in qalabka ku jiray shandadaas ay ahaayeen hal kumbuyuurtarka gacanta lagu qaato ah, labo batari iyo labo fiilo. Waxaana la xaqiijiyey in qalabkaas ay ka yimaadeen waddanka maraykanka. Waddanka jarmalka xukuumadooda ayey uga xanaaqday waayo waxaysan ka maraysan in waddanka maraykanka waxaas uusan samayn karin. Waxaa markiiba soo shaacbaxay in qof u shaqeeya waddanka maraykanka qeybtooda sirdoonka ay iyagu doonayeen inay baaraan sida ay tahay baarista gegida dayaaradaha waddaka naabiibiya.
Waxaa jira in gegida dayuuradaha waddamda Jarmalka iyo maraykanka ay sameeyaa tijaabinta noocaan oo kale ah balse ay iswargaliyaan. WAxaase waddanka jarmalka ka xanaajisay inaysan maraykanka u soo sheegin arrintaa. Maanta oo Sabti ah waxaa soo shaacbaxaya in ninka u qaabilsan xagga ilaalinta gegida dayuuraha uu isaga saaray shandadaas. Mana la oga cidda u dhiibtay oo qandaraaska siisay inuu saaro shandadaas. Waana wax la baarayo marakan. Waxaase ninkaas laga cayriyey shaqadii.
Yaa dunida qasaya ma dad baa jira iska horkeenaya waddamada muslimka ah iyo dowladda Jarmalka?? Yaa ka dabeeya arrinta Yamen iyo Naabiibiya????? |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Shandad ay ku jiraan waxyaabaha qarxa ayaa laga helay diyaarad u socotay waddanka jarmalka markii ay kici lahayd maalintii Khamiista. Waxaa lagu tuhmayaa inay ka dambeeyaan sirdoonka maraykanka. Sida ay qoreen wargeysyada waddanka jarmalka



