top
logo

User Login




Home Warka Faalo Muxuu waddanka Jarmalka uga aamusay codeyntii UNO
Muxuu waddanka Jarmalka uga aamusay codeyntii UNO Print E-mail
User Rating: / 22
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Monday, 28 March 2011 11:01

Sirta ka dambaysay in waddanka Jarmalka ka aamuso codeyntii loo codeeyey Liibiya ee Qaramda midoobay maxay ahayd.

 

Qaramada Midoobay

18.03.2011 ayey ahayd maalintii loo codeeyey in waddanka Liibiya lagu soo rogo inaysan diyaaradahoodu kicin karin.

Shirkii lagu codeynayey in taas lagu dhaqaaqo iyo inkale waxaa ka soo qeybgalay 15 waddan oo lagu tiriyo inay yihiin waddamada ka gaara goàamada Qaramada Midoobay markii wax dhib ah jiro. Waxaa Xubnahaas si rasmi ah xubin uga ah shanta waddan ee lagu magacaabo inay yihiin waddamada ugu quwad weyn dunida oo kala ah: Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ingiriiska iyo Ruushka.

Waxaa soo raaca 10 xubnood oo iyagana labadii sanaba la doorto oo dhammaan waddamada dunida loo qaybiyo. Goàamada ay gaaraan 15 xubnood waxaa lagu sheegaa inay shanta waddan ee hore ay gaaraan goàamadaas, tobanka kalana ay noqdaan kuwo haa iyo maya yiraahda.

Goàanka la gaaray haddii waddanka ka mid ah shanta waddan ee ugu quwad weyn dunida uu qancinwaayo waxay leeyihiin aqwood u sahlaysa in goàankaas uu san hirgalin oo miishiisa lagu joojiyo. Waxaana lagu magacaabaa (Vito) awooda ay adeegsadaan shantaas waddan..

Goàankaas  la gaaray 18.03.2011 ayaa ahaa mid aad iyo aad loola yaabay, waayo waddamada Shiinaha, Ruuska, Hindiya, Baraasiil iyo Jarmalka waa ay ka aamuseen.

 

Waddanka Jarmalka

Waddanka jarmalka waxaa loo micneeyey ka aamuska uu ka aamusay in bishaan dhexdeeda ay saddex gobol oo ka mid ah 16 gobol ee jarmalka uu ka dhacayey doorasho. Doorashadaas darteed ayey dowladda aysan dooneyn in lagaga badiyo.

Waxaase dhacday in doorashadaas ay ururada dowladda marakan haya ay si weyn ugu guuldarreysteen. 

Marakan xukunka dowladda waddanka jarmalka waxaa haya ururka ay xukunto Haweenayda Merkel oo ah ururka CDU(Christian Democratic Union) lana hayaan marakan ururada CSU(Christian Social Union) iyo FDP(Free Democratic Party).

Doorashadaas wakhtigeeda waa uu dhammaaday waxaana la filayaa in waddanka jarmalka uu cad marakan uga qaybgalo dagaalka Liibiya. Waxa uu jimcihii la soo dhaacay baarlamaanka waddanka jarmalka ansaxiyey in dayaaradda lagu magacaabo AWACS oo ah diyaarad raadar ku xiran yahay ay doonayaan inay u diraan waddanka Afganistaan. Dadka qaar waxay leeyihiin loolama jeedo afganistaan balse waxaa la diidayaa ina dadka jarmalka runta loo sheego ee waxaa loo wadaa waddanka Liibiya.

Waddamda Xulufada ah

Waxaa shalay xururka isbahaysiga yurub goàansaday in dagaalka liibiya ay iyaga la wareegaan cir iyo bad iyo waliba la filayo dhulka inuu yimaado.

Waddamad isbahaysiga yurub waa 27 waddan waxayna si hal cod ah ugu gaareen inay dagaalkaas wadayaan. Waxaa dhawr maalmood diidanaa waddanka Turkiya oo aad uga xumaa Madaxweynaha Faransiiska oo goàankiisa ah inuu weeraro Liibiya ka qariyey Turkiya oo la shiray oo kaliya Ingiriiska, maraykanka iyo Jarmalka. Wax lala hadlaba turkiya waa ay ogolaatay inay raacdo.

Waddamada marakan diyaarado iyo maraakiib geeyey waxaa ka mid ah:

Faransiiska100 diyaaradiyo AWACS ,

Ingiriiska diyaarad AWACS iyo F16,

Maraykanka F15 iyo F16, 

Talyaaniga diyaaradaha meesha ay ka soo kacayaan,

Kanada Lix diyaaradood CF-18 iyo markab jooga aagga liibiya,

Isbeyn F16 iyo Diyaarad shidaalka dusha ku siisa diyaaradaha dagaalamaya,

Denmark  afar F16,labo aan dagaalka toos u galayn oo sugaya haddii waxgaaraan kuwa ku jira inay iyagana galayaal, Dayaarad qaadda diyaaradaha oo joogta sisiiliya.

Biljam afar F-16,

Holaand waxay sheegeen inay diyaar u yihiin balse lama caddeyn waxa ay doonayaan inay kaga qayb qaataan.

Imaaraat(E.U.A) oo lacag ugu deeqday dagaalkaas waddamada reer galbeedka.

Baxreyn iyagana waxa u direen diyaarado F16.

Sucuudi oo isagana diyaaradao F-16 diray.

Waxay dadka ku sheegeen dagaalkaan inuu yahay dagaalkii madaxweynaha waddanka Faransiiska Nicolas Sarkozy, sida ay dadku ugu sheegeen dagaalkii Ciraaq iyo Afganistaan dagaaladadii madaxweynaha waddanka Maraykanka George Herbert Walker Bush.

Labadaan dagaal waxa dadka siyaasadda yaqaan ee reer galbeedka ku sheegeen inay yihiin labo dagaal oo xagga dhaqaale shiidaalka lagu sifeeyey.

Waddamda aan ka qeyb qaadan dagaalkaas waxaa laga qadinayaa shiidaalkaas sidii ciraaq ka dhacday.

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS