
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Maraykanka oo isbedelka dowlado badan mar hore qorsheeyey |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Monday, 04 April 2011 09:40 |
|
Gen. Clark hadalada laga duubay ma ahayn kuwo layska yiri, balse marakan ayey soo shaac baxeen in wixii lagu shiray shan sano ka hor ay marakan badan koodii la hayo. Soomaaliya waa dowladdi C/laahi yuusuf dowladda loo danlahaa waagaas, isagiina waa intii loogu yeeray Nairobi lagu yiri ka dag xukunka si cad, isagana iskaga dagay intaan la gaarin shantaas sano oo ay sheegeen inay wax ka badelayaan dunida. Waxaa soo caanbaxaysa in dowladaha Liibiya, Masar, Suuriya iyo Yemen aysan ahayn dadka shacabka ah dadka raba in madaxweynayaashooda iska ridaan ee waxaa la ogaaday in CIA-da iyo ururada lagu magacaabo NGO ee dowladaha reer galbeedka ka dambeeyaan arrintaas. Shacabkana loo maraniyo afka subag. Qorshihii waagaas ayuu fulinayaa Obama iyo dowladdiisa iyo waliba CIA-da. Liibiya waxay dowladaha reer galbeedka idaacadahooda qaarkood ka sheegayaan in CIA-da iyo ciidamada sirdoonka Masar ay duleedka Bangaasi ku tababarayaan ciidamo badan oo liibiyaan ah. Furinta hore ee dagaalkana ay joogaan dharcadka maraykanka iyagoohagaya meelaha diyaaradaha reer galbeedka duqeynlahaayeen, waxayna sheegtaan inay wariyayaal yihiin.
akhri halkaan waxaad ka helaysaa warar badan oo aan laga sheegin TV-yada ama Idaacadaha reer galbeedku leeyihiin. Daawo muqaalkaan yar ee Gen.Clark uu ku sheegayo qorshahaas hore. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=6ARihMrxdjU
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






