top
logo

User Login




Home Warka Faalo Kulankii looga soo Horjeeday Burcad badeeda Haysata qoyska denishka oo ka dhacday Aarhus.
Kulankii looga soo Horjeeday Burcad badeeda Haysata qoyska denishka oo ka dhacday Aarhus. Print E-mail
User Rating: / 27
PoorBest 
Written by 2011-06-11 13:52:39   
Wednesday, 11 May 2011 14:09

Kulankii Looga soo horjeeda Burcad badeeda oo ka dhacday Magaalada Aarhus.Denmark

waxaa i Habeen hore lagu qabtay xaafada Gellerup ee magaalada Aarhus, loogana  soo horjeeday burcad badeeda, haysata qoyska danishka iyo dad badan oo masaakiin ah, xoogaa ayuu kasoo qaatay wariyahan ka socday borgerportalka.laakiinse waxaa jiray DVd ama video laga duubay kulankaas iyo wixii dhacay.

Kulankaan dadkii yimid oo u badnaa Soomali iyo Danish ayaa ahaa mid bilow ah oo lagu taageerayay dadka la haysto, waxaa meesha dadkii yimid loo soo jeediyay qudbadao ay kala akhriyeen dadkii soo agaasimay isla markaana ka kala socday qaar kamid ah ururada degan Denmark.

Dadkii meesha ka hadlay waxaa kamid ahaa Cali nuur oo isagu ahaa nin horey ugu jiray baarlamaanka Gobolka waxaana uu sheegay in ay ahayd wax fiican in la soo agaasimay kulankaan, waxaa sidoo kale ka hadlay Siciid cabdille cali oo isagu kamid ahaa dadkii soo agaasimay kana socday ururka Midnimada iyo talawadaaga somaliyeed.

waxaa uu halkaas ka sheegay sababta keentay in arinkaan la qabto waxaa goobta laga sheegay asbaabtii keentay in burcad badeed ka bilaabato Geeska afrika, iyo sida ay saameyn ugu leedahay gudaha soomaliya.

waxaa halkaas sidoo kale ka hadlay 

Abdulmalik M. farah- gaas oo isagu ka socday ururka dhaqanka iyo saxaafada isla markaana ah, nin u qaabilsan Qurba joogta Puntland denmark xiriirka gude iyo dibad waxaa uu isna ka waramay wixii dhaliyay iyo sida dowlada sooomaliya iyo shacabkaba ay uga soo horjeedaan arinkaas.

siddoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay marar badan codsatay in laga caawiyo gudaha isla markaana caalamka dhaqaalaha uu ku baxsho ilaalinta bada ay fiicnaan lahayd in gudaha wax looga qabto si loo helo dowlad wax ka qaban karta oo awood u leh suguda aminiga bad iyo beri.

 

si kastaba waxaa meesha joogay oo iyagana ka qayb qaatay ururo kale oo badan oo iyagu soo abaabulay kulankaan, waxaa meesha ka sameeyay mada daalo kooxda ka kooban Danish iyo Somali ee la yiraahdo Horn Africa Band, waxaa ay soo bandhigeen heeso badan oo ay kamid tahay kuwa cusub oo tiriyay burcad badeeda. dhawaan. si kastaba waxaa halkaas sidoo kale ka hadlay mas'uuliyiin badan oo danish ah. ugu dambayntii waxaa ay kusoo gaba gabowday jawi fiican oo dadkuna ay aad ula dhaceen. fikirkaan ayaa waxaa aad ula dhacay dadka degay magaalooyinka kale ee Denmark siiba Magaalada caasimada ee Kobenhagan,

 

Halkaas oo ay isu diyaarinayaan in ay qabtaan kulankaan oo kale, iyadoo qaban qaabayashii xafladaan baroor diiqda ahayd ay ku raaceen isla markaana u balan qaadeen in ay ka samayn doonaan.

halkaan kala soco  sawiraddii la qaaday qaar kamid ah 

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS