top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Dagaal xoogan oo ka socda Muqdisho,DKMG oo guulo sheegatay iyo AMISON oo sitoos ah u gashay dagaalka
Dagaal xoogan oo ka socda Muqdisho,DKMG oo guulo sheegatay iyo AMISON oo sitoos ah u gashay dagaalka Print E-mail
User Rating: / 0
PoorBest 
Written by Puna   
Sunday, 12 July 2009 12:55

al-shabaabMuqdisho:Dhinacyada ku dagaalamaya Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa markale saaka magaaladaasi dib uga bilaabay dagaalo qaraar oo ka dhex socda dhinacyadooda, waxaana dagaaladu ay geystee s aaka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa xoogiisu hada wuxuu ka socdaa degmada C/casiis oo ah goobtii ay shalay dhinacyado si xoog leh ugu dagaalameen, waxaana maanta dagaalka xoogiisu ka socdaa Isgoyska Hotelka Global, Manaboolyo, Juba & Barakaat, waxaana dagaalada ay sheegayaan wararku in ay ka xoog badan yihiin kuwii dhacayay maalmihii ugu dambeeyey.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo galinkii hore ee shalay dagaalka ka sameeyey horukac ayaa laga qabsaday shalay galab deegaano badan oo ay duhurnimadii joogeen, sida ay cadeeyeen Warar Madax banaan oo ay Puna ka heshay caasumada dalka Soomaaliya.

Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ujirsaday goobaha ay doonayaan wax aan ka badneyn 2 KM, waxaana dhawaaqa rasaasta iyo hubab kale toos looga maqlayaa Aqalka Madaxtooyada, waxaana mucaaradku umuuqdaa kuwa doonaya in ay maanta qabsadaan goobo badan.

Taliska ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay uhabar wacan doonaan Ciidamada AMISOM, hadii ay xaalada uyaabaan waxaana ciidamada Mucaaradka lageeyey goobo badan oo ay saakadii hore ka bilaabeen xabbada, inkastoo ay warar shegayaan in uu dagaalkan bilaabay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo ay ciidamadiisa qaar ka mid ah ay dagaalka ku jiraan.

War goodhow soo gaaray Puna ayaa sheegaya.Dagaaladi ka qarxay saaka xaafadaha W/Muqdisho ayaa ku fidaya meelo fog fog , waxaana ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ay goor dhaw dagaal ku tageen cisbitaalka Keysaney ee W/Muqdiso.

Wasiiru dawlaha gaashandhiga Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacade oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay agagaarka cisbitaalka Keysaney ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ay saaka qaadeen dagaal saf balaaran ah oo ay ku jabiyeen xoogaga mucaaradka.

Dagaalka oo hada socda waxaa safka hore ku jira dabaabadaha dagaalka Amisom iyo saraakil dawladda ka tirsan .

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS