top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Raysal wasare Cumar C/rashiid oo Faransa u fasaxay in ay xoog kaga furtaan 2 nin ee laga haysto iyo
Raysal wasare Cumar C/rashiid oo Faransa u fasaxay in ay xoog kaga furtaan 2 nin ee laga haysto iyo Print E-mail
User Rating: / 0
PoorBest 
Written by puna   
Monday, 20 July 2009 11:52

Raysal wasare Cumar C/rashiid oo Faransa u fasaxay in ay xoog kaga furtaan 2 nin ee laga haysto iyo Dayaarado Dagaal oo joog hoose ku socda oo dulmaraya muqdisho xafadaha lagu hayo maxaabiista.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Shar'marke ayaa sheegay in dawladda Faransiiska ah ay u fasaxantahay talaabo miltari oo ay ku soo furato muwaadiniinteeda .

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo wareysi siiyey Wakaalada wararka Reuters ayaa ku nuuxnuuxsaday in xukuumadiisana ay gacan ka geysan doonto tilmaamaha lagu soo furan karo la heystayasha reer Faransa oo xoogaga Al-Shabaab ay heystaan.

"Waxaan qabaa in kooxdan ma naxayaasha ah la maquuniyo oo xoog looga soo furto la heystayaasha ay heystaan , wax kale oo ay fahmayaan ma jirto waxaa ay fahmaan waa awood iyo xoog" ayu yiri Ra'isal wasaare Shar'marke.

Hadalka Ra'isal wasaaraha ayaa imaanaya xili dawladda Faransiiska aysan wali gaarin go'aan ah in ay xoog ku soo faragaliso la heystayaasheeda laga qafaashay maalma ka hor otel Saxafi.

Muqdisho:Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa dul heehaabaya xaafado ku teedsan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahaan ayaa ah nuuca qumaatiga u kaca ee Holicoptarada , waxaana la arkayey iyagoo joog hoose ku socda .

Dadka fara ku tiriska ah ee ku nool xaafadaha wadada warshadaha ayaa sheegaya in diyaaradaha oo tiro ahaan ahaa laba diyaaradood ay cabsi galiyeen dadka deegaanka.

Goobaha ay ku dul socdaan diyaaradahaan ayaa loo meleynayaa in ay yihiin xaafado lagu hayo la heystayaashi reer Faransa .

Waa marki ugu horeysay ee diyaarado nuucaas ah lagu arkay hawada Muqdsiho tan iyo markii la afduubtay saraaksha faransiiska ah.

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS