top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Denmark.Xafladii sanad guuradii 11 ee 1 August ee ka dhacdey Danmark magaalada Århus
Denmark.Xafladii sanad guuradii 11 ee 1 August ee ka dhacdey Danmark magaalada Århus Print E-mail
User Rating: / 9
PoorBest 
Written by Ilko   
Sunday, 02 August 2009 10:41
 

Århus : Xafladaan loogu dabaal dagayey maalintii dhalashada Puntland ayaa jaaliyada Puntland ee Denmark maanta si heersare ah uga xuseen magaalada Århus ee caasimada labaad ee Danmark.

Waxaa xaflada ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada gaar ahaan jaaliyada Puntland oo ay hormuud u ahaayeen odayaal,haween,dhalinyaro iyo caruur. Xuska 1 August ayaa aheyd mid ay maanta khudbado kale duwan ay ka jeediyeen odayaal.haween iyo Dhalinyaro kala duwan oo matalayey ururo kala duwan oo reer puntland ah oo ka dhisan Denmark wasoo run ahaantii si aan lookala harin usoo wada qabanqaabiyey xafladaan maanta ka dhacdey Århus,waxayna hambalyo iyo bogaadin u direen dhamaan jaaliyada reer Puntland ee Caalamka gaar ahaan kuwa Danmark waxeyna isugu hambalyeeyeen hambalyo,iyo duco waxeyna u mahad celiyeen dhamaan hogaamiyayaashii hore ee Puntland iyo kuwa maanta. Waxaa khudbado kala duwan kasoo jeediyey C/rashiid Siyaasi oo ku hadlayey magaca Somali comunity oo iyadu martigalisey xafladaan iyo Saalax siciid oo ku hadlayey magaca Puntland Aid Service, waxaa kaloo halkaas khudbado kala duwan ka soo jeediyey xubno ka tirsan jaaliyada Puntland ee wadankaan oo isugu jira rag iyo haween. Waxaan la ilaawi karin in la xuso sidii cajiibka ahaa ee haweenka reer puntland ee magaalada Århus ay uga qaybqaateen xafladaan iyagoo si cajiib ah ugu dabaal dagey qaaybihii ugu dambeysey xaflada iyagoo ku raaxaysanayey heestii Puntlaand ku dayo iyo waliba buraanburo cajiib ah oo ay tirinaysay Xaliimo Soofe oo goob joog aheyd.

halkaan riix si aad sawiradii oo dhan u daawato

halkana Vedio-gii kadaawo Riix

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS