|
Written by CNN.Aayatiin
|
|
Tuesday, 04 August 2009 16:56 |
|
Booliska Australia aya gacanta ku dhigay afar qof oo laba ay Soomali tahay kuwaas oo looga shakiyey in ay abaabulayeen qaraxo ka dhaca caasimada dalkaas. waxaa ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeihiin Al-shabaab.
Booliska ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in ragaas ay qaraxyada la damacsanaayeen Xerooyin Milliteri oo ku yaalla dalkaasi.
Hawlgalka ragan lagu soo qabtay ayaa waxaa ka qeybgalay Ku-dhawaad afar boqol Saraakiil ka kala socotay Ciiddanka Boliska iyo kuwa Nabad sugidda ee dalka Australia.
Xaafadaha hawlgalka laga fuliyey ayaa aha kuwo ay daganyihiin dadka aan dalka u dhalan ee heysta sharciyada dalkaas waxaana xaafadahaas ka mid ah Glenroy, Carlton, Meadow Heights, Roxburgh Park, Broadmeadows, Westmeadows, Preston, Epping and Colac.
Hawlgalkan ayaa waxaa ka qeybgalayey eeyaha loo tababaray urinta walxaha qarxa , waxaana lagu daayey guryaha baaritaanka ka socday ee dhaca xaafadahaas.
ka akhri warkoo ingiriis ah.
http://edition.cnn.com/2009/WORLD/asiapcf/08/03/australia.terror.raids/index.html |