
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| MDX-Faroole iyo wafdi lasocda ayaa Gaalkacyo tagaya hadda, 2 kamid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhintay ga |
|
|
| Written by Puna |
| Thursday, 06 August 2009 12:58 |
|
MDX-Faroole iyo wafdi lasocda ayaa Gaalkacyo tagaya hadda, 2 kamid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhintay gaari kula rogmaday duleedka gaalkacyo. Ka dib markii allah ha naxariistee shaley lagu diley wasiirkii warfaafinta dowlada Puntland ee Soomaaliya magaalada Galkacyo ayaa la wadaa in maanta si heer qaran ah loogu aaso magaalada gaalkacyo,warar hada naga soo gaaraya Xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland mudane Cabdiraxmaan Mohamed Faroole iyo koox ka tarsan golaha dowladu ay ku soo jeedaan magaalada gaalkacyo hada si ay aaska uga qaybgalaan. Dhinaca kale Taliyihii ciidamada bileyska Puntland oo xaley ku dhintey Goroowe ayaa la sheegayaa in xabad ku dhacdey uu u dhintey,wararka qaar baa sheegaya in xabadu ay ku fakatey si kama ah balse warar maanta soo baxaya ayaa sheegaya in qaar kamida ilaaladiisa su´aalo bileyska goroowe weydinayaan. wararka Gaalkacyo ayaa sheegaya in gaari ka mid ah gawaaridii Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya uu gadoomey mar uu madaxweynuhu maanta kusii socday magaalada Gaalkacyo. gaarigaan gadoomey oo ay saaraayeen ilaalada madaxweynaha ayaa 2 kamid ah ilaalada ay meeshii ku dhinteen, khasaaraha uu geystey shilkaan wararkayaga dambe kula soco,. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






