
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Raysal wasaaraha DKMG ayaa ku sugan Puntland Gaalkacyo markii ugu horeysay isagoo R.wasaare ah. |
|
|
| Written by puna |
| Monday, 17 August 2009 20:23 |
|
Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Mr. Cumar Cabdi-Rishiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda gobalka Mudug ee Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyey Wafdiga, Madaxweynaha dowladda Puntland oo hogaminaya dowladda Puntland. Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Mr, Sharmaake waxaa ku waheliya socdaalkiisa xubno gaaraya 18 xubnood oo ka socda dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano. Sadexda masuul ee ugu sareysa Puntland ayaa maanta soo dhaweeyey Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna uga ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha oo ay ugu tageen, ka dibna waxa ay usoo galbiyeen Hotelka Taar city ee duleedka magaalada Gaalkacyo kuyaala ayna hada degan yihiin Madaxda dowladda Puntland. Wafdiga ayaa qadada ka dib waxa ay bilaabi doonaan la hadalka Masuuliyiinta Puntland, waxa ayna yeelan doonaan wada xaajoodyo ku aadan xaaladaha laga wada hadli doono, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






