
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Ciidanka Sirdoonka maraykabka oo loo haysto in ay ku xadgudbeen maxaabiis |
|
|
| Written by puna |
| Tuesday, 25 August 2009 12:40 |
|
Sida ay qoreen wargeysyo badan waxaa dib loo furayaa kiisaskii dadkii maxaabiista ahaa ee sida foosha xun loola dhaqmey xiligii ay ku jireen xabsiga ama gacanta ciidanka sirdoonka maraykanka iyo shirkadihii ciidanka sirdoonka maraykanka u shaqeynayey, arintaan ayaa waxaa kahadlay wasiirka cusub ee cadaalada maamulka Obama, dhibaatada loo gaystay dadkaas oo looga shakisanaa iney argagixiso yihiin. waxaa jirtay tabo badan oo lagu ciqaabi jiray maxaabiista la wareysanayo. waxey timid markii ay soo baxeen kiisas cusub oo sheegaya sidii loola dhaqmi jirey maxaabiista,iyadoo la sheegey in koronto loo adeegsan jirey si looga hadalsiiyo, waxaa kaloo loo adeegsan jiray mashiinka masaabiirta lagu daloolsho, iyo iyagoo loogu hanjabo in qoyskooda iyo caruurtooda la faraxumayn doono oo si xun loola dhaqmi doono, midkamid ah ayay sheegtay BBC world in lagu yiri hooyadaa ayaan faraxumayn doonaa. haddii aad lana shaqaeyn weydo. waxaa jirtay in horay xabsi ku yaal Baqdad oo layiraahdo xabsiga abuugureyb lagu jirdilay laguna ciqaabay maxaabiis reer ciraaq ah.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






