
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Magaalada Gaalkacyo oo yeelatay Duq-magaalo oo cusub. |
|
|
| Written by puna |
| Thursday, 27 August 2009 22:51 |
|
Doorashadii Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaw ku soo afjarantay magaalada Gaalkacyo, ayadoo ay Xildhibaanada golaha deegaanku ay doorteen C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan in uu noqdo duqa Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Madasha doorashada waxaa soo xaadiray Musharaxiintii utaagneyd xilkan iyo Xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay in ugu dambeyntii in ay doortaan C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan. Si lama filaan ah ayaa C/rixmaan uga soo dhex baxay golaha deegaanka markii lasoo xulay 21-kii bishan, waxaana goluhu ay maanta codkoodii ugu badnaa siiyaan C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, ayagoo siiyey 22 cod, halka uu helay Axmed Cali Salaad-na 9 cod oo kaliya. Madaxda dowladda Puntland oo madasha joogtay ayaa Hambalyo udirtay Duqa cusub ee golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, ayagoo kula dardaarmay duqa cusubna in uu shaqadiisa uguto si wanaagsan. C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxaa utaala Shaqo balaaran oo ku aadan nidaam usameynta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, sugida amaanka magaalada iyo qodobo kale oo dhamaantood ay dowladda Hoose sannadyadii ugu dambeeyey gaabis xoog leh ka soo food saaray. Duqa cusub manta ladoortay maheyn nin ku jiray Siyaasada Puntland, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey gaar ahaan Bishan oo kaliya ayaa lugu dhex arkay masraxa Siyaasadeed ee golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






