top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Raysalwasaare Cumar C/rashid oo kaqeybgalaya shirka Tribuli
Raysalwasaare Cumar C/rashid oo kaqeybgalaya shirka Tribuli Print E-mail
User Rating: / 1
PoorBest 
Written by puna   
Sunday, 30 August 2009 15:18
Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa manta ka qeybgalaya oo hadal ka jeedin doona wada hadalada dalka Liibiya uga furmay hogaamiyaasha dalalka Africa,oo ay uga doodayaan xaaladaha ka taagan Qaarada Africa.

Hogaamiyaasha ayaa leh shir aan caadi aheyn oo ay uga hadli doonaan qodobo ay ku jiraan xaalada dalka Soomaaliya, waxaana sida ay sheegayaan warar Madax banaan uu Raysalwasaaraha Soomaaliya manta ka jeedin doonaa shirkaasi hadalkiisa ku aadan xaalada dalka uu ka yimid ee Soomaaliya.

Mr. Sharmaake ayaa codsan doona sida ay sheegayaa diblumasiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Tababaro loosiiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, In xukuumadiisa gacan laga siiyo gudashada waajibaadkeeda Qaran, in lugu taageero ciidamadii Midowga Africa si ay u hantaan amaanka dalka Soomaaliya, oo sharci iyo kala dambeyn ay ugu dambeysay waqti hore.

Raysalwasaaraha ayaa ka hor inta uusan galin wada hadalada wuxuu wada xaajoodyo gaar-gaar ah la yeeshay Madaxda dalalka Africa ee ku sugan shirka oo uu kala hadlay xaaladaha lugu hayo dadka Soomaaliyeed iyo talaabooyinka dowladdiisa ee ku wajahan Horumarka, soo celinta Sharciga iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

Xabsiyada dalka Liibiya iyo dalal kale oo Africa ah ayna ku jiraan dad Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa ayaa sidoo kale uu lasoo qaadayaa Madaxda dalalkaasi, sidii looga sii deyn lahaa Xabsiyadooda, waxaana uu codsanayaa sidii loo sii deyn lahaa dadkaasi oo uga soo tagay Soomaaliya amaan la’aan.


 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS